Wasaaradda Gargaarka XFS oo guddoontay qalab Caafimaad

Wasaaradda Gargaarka iyo Kahortagga Musiibooyinka XFS ayaa maanta Guddoontay agabka loga  Kahortagayo  Covid19  oo ay ku deeqday Dowladda Jibuuti. Munaasabadda Wareejinta Agabkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Agaasimeyaal ka socday Xafiiska R/wasaaraha XFS, iyo Wasaaradda Gargaarka XFS.

Safiirka dalka Jibuuti ee Muqdisho  Aadan  Xasan Aadan oo ka hadlay wareejinta agabka ka hortagga Covid19 ayaa sheegay in ay muhiim tahay badbaadada dadka isagoo ku baaqay in lagala qeyb qaato dowladda Soomaaliya si loo badbaadiyo Shacabka Soomaaliyeed.

Xoghayaha Joogtada Xafiiska R.Wasaaraha Maxamed Ibraahim oo kadib markii ay la wareegtay Wasaaradda Gargaarka XFS ayaa u mahadceliyay agabka loogu deeqay Soomaaliya.