Farriinta Madaxweynaha ee ku aadan xuska ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed

Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa manta soo saaray qoraal la xiriira xuska sanadguurada 61-aad ee ka soo wareegay aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka.

Qoraalkaan ayaa ahaa sidatan:-

Waxaa sharaf weyn ii ah maanta oo ay taariikhdu tahay 12-ka Abriil 2021 kuna beegaan maalintii la aasaasay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed in aan halkaan hambalyo iyo bogaadin uga soo jeediyo dhammaan Ciidanka xoogga dalka, oo ay ugu horreeyaan saraakiisha, saraakiil-xigeennada, alifleyda, dableyda, xaasaskooda, carruurtooda iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee ciidamada.

Ciidanka Xooggu waa astaan qarannimo iyo midnimo, waxay u taagan yihiin difaaca dalkeenna, ilaalinta wadajirka, sharafta iyo haybadda Shacabka Soomaaliyeed. Waxa ay naftooda u hibeeyeen si ay dalkooda uga xoreeyaan argagixisada cadawga ah ee ka macaasha daadinta dhiigga Shacabka Somaaliyeed. Iyaga oo si buuxda nabad-diidka ugala wareegay deegaanno badan oo ay horay ugu dhibaatayn jireen dadkeenna.

Guulaha aad ka soo hooyneysaan furimaha dagaalka iyo sida aad u wiiqdeen tabartii argagixisada waxa ay ku yimaadeen dadaal dheeri ah oo ay dowladdu ku bixisay dib-u-dhiska iyo tayeynta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Runtii weli ma joogno meeshii aan rabnay, laakiin waxaan si xooggan u sii amba qaadeynaa qorsheheenna qaran ee ku aaddan dib-u-dhiska ciidan Soomaaliyeed oo si buuxda u hanan kara amniga, xoreynta iyo difaaca dalka.

Dowladdu waxay sii xoojisay kor u qaadidda tababarrada Ciidanka, joogteynta iyo kordhinta mushaharkooda. Waxaa maanta guul ah in Ciidankeenna aan u sameynay diiwaan ciidannimo oo ay ku jiraan gal anshaxeedka, dallacsiintooda iyo hannaan maaliyadeed oo hufan oo ilaalinaya xuquuqdooda.

Mudanayaal iyo marwooyin.

Ciidanka Xoogga Dalka waxa uu udub-dhexaad u yahay madaxbannaanida dalkeenna, dib u dhiska iyo xaqiijinta hiigsiga shacabka Soomaaliyeed ee ku saleysan dal horumarsan oo la jaanqaada dalalka kale ee Caalamka, dadkiisuna ay ku nool yihiin Barwaaqo, nabad Iyo xasillooni.

Tan iyo markaan bilownay dardar-gelinta Qorshaha Qaran ee dib u dhiska Ciidamada waxaa heegan u galay, kuna biiray Ciidamada Xoogga Dalka kumannaan dhallinyaro ah oo si wadaniyad leh ugu istaagay samatabixinta iyo difaaca dalka, taas oo muujinaysa sida shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay xaqiijinta Qarannimadooda iyo difaaca karaamadooda.

Waxaan bogaadinayaa dhammaan Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada iyo khubarada Ciidan ee dalkeenna ee u istaagay dib u dhiska iyo tayeynta Ciidamada Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa u mahadcelinayaa dhammaan dalalka walaalaha iyo saaxiibbada ah ee nagu garab taagan qorshahaas qaran.

Dal aan lahayn ciidan Qaran oo awood leh, shacab iyo dowlad aan isku duubneyn ma difaacan karaan sharafkooda iyo masiirkooda, Sidaas awgeed, waxaan rabaa inaan fursaddan uga faa’iideysto in aan mar kale shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan – dalka iyo dibaddiisaba – ka codsado in ay taageeraan geesiyaashooda u taagan difaaca dalka iyo cirib-tirka argagixisada.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Sida aad la wada socotaan dalkeennu wuxuu marayaa marxalad adag. Waxaan kasoo kabanaynaa qaran-jabkii, waxaan u soconnaa inaan gaarno himilooyin waaweyn oo ay lagamamaarmaan tahay in dhammaanteen aan gacmaha is qabsanno.

Ugu danbeyntii, waxaan Alle naxariistiisa Janno u weydiinayaa dhammaan halyeeyadii Ciidanka Xoogga Dalka ee u shahiiday difaaca dalka iyo in ay nabad ku seexdaan shacabka Soomaaliyeed, Aniga oo faraya Xukuumaddu in ay mudnaan buuxda siiso qoysaska iyo ubadka ay ka tageen oo ah ammaano ay uga tageen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa muhiim ah in aan mudnaan gaar ah siinno halyeeyada u dhaawacmay ama u naafoobey difaaca dalka iyo halganka ay kula jiraan cadowga argagixisada ah ee caadeystay daadinta dhiigga shacabkeenna.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga Dalka.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Hambalyo ku aadan sanad guuraddii 61 aad u diray ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya,sida lagu xusay qoraal ka soo baxay xafiiska Mudane Rooble.

Qoraalkaan oo lasoo dhigay barta Facebook-ga ee RW rooble waxa uu u dhignaa sidatan

Maanta oo ku beegan sanad guuradii 61aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaan hambalyo u dirayaa saraakiisha, saraakiil xigeennada, dableyda, alifleyda, xaasaskooda iyo qoysaskooda.

CXDS waa laf dhabarta difaaca Qaranka Soomaaliyeed waana kuwa dhaxanta iyo dhamacda u taagan cadowgana u jilib dhigaya si aan nabad ugu ladno.

CXDS waxaan u rajeynayaa guulo iyo horumar is daba joog ah , Waxaan Eebbe ka barayayaa in uu u naxariisto inta geeriyootay iyagoo Qaranka difaacaya una boogo dhayo kuwa dhaawacmay.

 

Soomaalida Mareykanka oo soo dhoweysay musharax u taagan xilka golaha deegaanka Boston

jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Minnesota ayaa xaflad soo dhoweyn ah u sameysay Musharaxa Sayid Cabdikarim (Said Boston) oo u taagan xilka gollaha deegaanka Magaalad Boston ee Gobolka Masajusit.

Xafladdaan oo lagu qabtay Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota waxaa ka qeybgalay qeybaha bulshada ee Jaaliyadda Soomalida Mareykanka.

Musharax sayid Cabdikarim Saiyd Boston oo ka hadlay xafladdaasi ayaa wuxuuna ka mahadceliyey sida wanaagsan ee jaaliyadda Soomaliyeed u garab istaagtay.

Wakiilka War-baahinta qaranka  Cabdixakiim Cabdi Ismaciil ayaa sheegay in dadweynihii ka hadlay xafladdaasdi ay muujiyeen wanaaaga uu musharaxaasi ku lee yahay bulshada iyo sida ay u garab taagan yihiin.

  

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo u Hambalyeey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa hambalyo u diray Saraakiisha ,Saraakiil Xigeenada ,Alifleyda ,Dableyda iyo Dhammaan qoysaskooda Munaasabadda 12 April oo ku Beegan Aasaaska CXDS oo ay ka soo wareegtay 61 Sano.

“Ciidanka Xoogga Dalka waa Astaan Qaran  oo uu dalka leeyahay , waxa ayna u taagan yihiin oo loo carbiyey difaaca Dalkooda ,Dadkooda iyo Diintooda ,Waxayna ku Shaqeynayaan Qobobka 126 iyo 127 Ee Dastuurka Kumeel gaarka ah Ee Soomaaliya”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji.

Wasaaaradda Gaashaandhigga XFS oo kaashaneysa  Taliska Xoogga Dalka ayaa  bilowday qorshe ballaaran oo Ciidanka ay ugu mid noqonayaan Dhalinyaradda Waxbaratay Taas oo horseed u noqotay in guulo wax ku ool ah ay gaareen Ciidanka kuwaas oo  qeyb ka noqdoona  Difaaca Dalka iyo hogaaminta ciidanka.

SHEEKADII EEDDO MAAD ISKA JOOGTID!

Beri baa nin muudal/dhabcaal ah waxaa u soo martiday sodohdiis, oo sodcaal dheer reerkeedii kaga timi, gabadheedana dhibaad iyo dheef kaleba ugu soo caga dhigatay.

Ninkii reerka lahaa sohdiina u soo martiday waxaa habeenkaasoo kale la gudbooneyd kash-kash iyo is-xilqaan dheeri ah,inuu wan shilis u loogo iyo inuu haruub gaallo caano ah hamuunta kaga rogo, shaah ay daalka iyo diihaalka socadka dhuux gororkooda isaga bi’isona dabka ugu tuuro ma’se yeelin.

Waxaa yidhi bariidinba xaggeedii uguma dhaqaaqine kolkuu maqlay inay joogto ayuu is moogaysiiyay, afadiisiiyoo hooyo sideen u soornaa ? Weydiin ahayd isla dul-taagtayna uma hal-celin, indho galka ka baxsan oo quursi iyo yesmo ku jiraan qoob iyo qadaad ayuu kaga eegay.

Gabadhii oo hooyadeed ka seexan La’, keynmadoobaha qaduucaa ee qabana xerada u gacan dhaafi la’ ayaa sodohdii geed reerka ka yar durugsan falag u dhigtay.

Sidii baanu duqdii oo gaajo iyo harraad bogga iyo bushimuhu la ololayaan, habaar iyo hiifna Hoos kaga ganuunacaysaahi habeenkaa Ku bariday.

Foog hore ayay toostay dhankii reerkana dhowr kol milicsatay, hayeeshee cid xageeda u soo dhaqaaqda way arki wayday.

Ayadoo si quman u istaagi la’ ayay ambabax u hilhilatay oo sodcaal u tafaxaydatay, kabaheedii jilfaha ahaana ilatay.

Kolkii ay dhaqaaqa u taxaydatay ayuu baraka beelihii gabadheeda qabay haleel ula soo jogsaday, kuna yidhi ” oo Eeddo miyaad baxaysaa?”, “Haa” bay cod hoose ku tidhi, indho gurran oo kol kol dan-darro iyo diihaal la madoobaadayana way ku eegtay.

Asagoon waxba is dhibin, dhoola-cadayn digasho u muuqatona dibnaha la luxaya ayuu af muggii ku yidhi ” oo eeddo maad iska joogtid illeen xaleyba wax inama yeeline”. Waxaan soo xusuustay maahmaahdii ahayd” qosol aan lagu la qabini waa qaraabo goys”.

W/Q: Liibaan Xirsi

GANACSIYO NOOC CUSUB AH OO LAGU ARKAYO MUQDISHO

Muddooyinkan dambe Muqdisho waxaa ku soo biiraya hindiseyaal ganacsi oo cusub oo aan dalka hore uga jirin.

Waxaan la kulmay gaari lagu magacaabay suuqa wareega oo marba meel aad ku arkeyso oo lagu iibinayo khudaar, kalluun, hilib iyo ganacsiyo kale oo dadku u baahan yahay .

Ganacsiga noocaas ah ee suuqa wareega wuxuu sahlayaa in qoysasku ka adeegan karaan marka uu soo gaaro degaanka ama xaafadda ay degan yihiin waxayna dadka ku shaqeeya gaarigan oo ah mid weyn sheegayaan in uu yahay mid ay kalliftay dadka qaar oo meelo fogfog u adeeg doonta.

Sidoo kale magaalada Muqdisho waxaa ka jira maqaayad wareegta oo ah gaari u shaqeeya sida maqaayadaha oo la dhigo meelaha bulshada ku badan tahay sida suuqyada oo dadka suuqyadaas ka shaqeeya ay inta badan mashquul yihiin oo aaney heli Karin fursado ay ku gaaraan maqayadaha caadiga ah.

Gaariga u shaqeeya sida maqaayadda oo laga helayo noocyada cuntada eek ala duwan ayey dadku cuntada ku cunaan halka ay joogaan oo loogu geeyo ama ay u qaataan guryahooda.

Si la mid ah waxaa jira adeegyo dukaamo iyo maqaayado oo qofku telefoon ku soo dalbanayo ama qaab online ah ka dibna halka uu joogo loogu geynayo haddii ay tahay xafiis , guri ama meesha uu xilligaa ku sugan yahay qofka dalabka leh.

Shirkadaha gaaska karinta cuntada ayaa iyana dadka guryahooda ugu soo adeega oo adeegga ay u baahan yihiin marka ay dalbadaan si degdeg ah guryaha u geeya.

Qaabka qashin ururinta ayaa iyana haatan ka duwan sidii hore ee ay qoysasku dhibta ku qabeen ee aheyd in ay iyagu iska fogeeyaan ama ay godad ka qodaan guryaha hortooda laakiin haatan dadku waxay helayaan adeeg gaadiid guryahooda ugu yimaada oo qashinka ka fogeeya bil walbana xoogaa lacag ah ku soo dallaca.

Adeegyadan iyo ganacsiyada noocan ah waxay sahleen nolosha waxayna dadka ka furteen dhibaatooyin ay ka mari lahaayeen  iyo waqti badan oo kaga bixi lahaa raadinta waxyaabaha ay u baahan yihiin.

W/Q: Faarax Cabdi Guuleed

KAALINTA WADDOOYINKA HABEYSAN KA GEYSAN KARAAN ISDHAAFSIGA GANACSIGA

Ganacsiga waa wax aan looga maarmin isdhaafsiga badeecadaha iyo waxyaabaha ay soo saaraan Warshadaha.

Waddamada reer Galbeedka iyaa isaga gudba habka isdhaafsiga Ganacsiga iyadoo la marsiinayo Jidad High Way ah ama Waddooyin sida Waddooyin habeysan oo leysku furay, xudduudda  dalka kaasoo Gawaarida Xamuulka badan gaar ahaan gaadiidka loo yaqaanno Trailka loo yaqaan ama trainka mara Khadka xadiidka iyo midka mara dhulka hoostiisa ee loo yaqaanno Mitro, wallow qalabka tirade badan ee aadka u culus la mariyo.

Badaha oo lagu daabulo Maraakiib hadana waa lama huraan in la adeegsado Waddooyinka, kol ay tahay dalka gudahiisa, waxaa waddooyinka habeysan ee sida wacan la sameeyay kaalin wax ku ool ah ka qaataan dhaqso isku gudubka waddada xadiidka ah sida waxyaabaha loo baahan yahay ee gobolka isdhaafsadaan hakadka oo si wacan gawaaridooda isaga goosha halkaasi, taasoo yareyneysa shilalka dhaca jidadka gobollada isku xira waa inay noqdaan kuwo habeysan oo aan burbursaneyn, taasoo laba heer ciyaarta 1- Bilicda Waddooyinka iyo 2- Sahlidda Safarrada la galo ee Waddooyinka Afrika.

Inta badan waxaa jira Waddooyin aan habeysneyn oo lagu arko gobollada leysaga goosho iyo gudaha Caasimadahooda meel ka mid ah waana mid ay ka siman yihiin badiyaa, waddooyinka dhaadheer ee isbarbar socda iyo kuwa buundooyinka ah ee sida dhaqsaha ah loogu socdo sida jidadka dalka Sacuudiga ee ka dhisan kolka aad u sii jeeddo Xaramka Barakeysan oo marka aad arkeyso Afar Ji doo lababa dhinac tahay taasoo si sahlan markiiba aad u tegi karto Maka iyo Madiino.

Waa dhif Jidadkaas oo kale dunida ay ka jiraan laba waddo oo isdhinac socda, halka dalka sacuudiga laga helo waddooyin afar afar isu garab socda waana meelo badan gudaha sacuudiga wayna habeysan yihiin waana horumar fiican oo ku dayasho mudan.

W/Q: Ibraahim Abuukar Cali (Fanax)

WARBAAHINTA BULSHADA IYO BALLANTII IBLIISKA

Ibliisku (Sheydaan) markuu diidey in uu Alle u sujuudo, ayaa la lacnadey, wuxuuna Alle u balan qaadey Cadaab xanuun badan, uuna ku waari doono!

Isla goobtii ayuu Ibliisku (Sheydaan) ka codsadey Alle in uu waqtii siiyo si uu Addoomada kale u lumiyo, waana laga aqbaley, kadibna wuxuu ku dhaartey in uu dhinac kasta uga imaan doono, meelkastana u istaagi doono Addoomada kale!

Hormarka iyo Tijnooliyadda ka hor, Ibliisku (Shayaadiinta) dadka hal hal iyo qeyb qeyb ayuu u u fitneyn jirey, una lumin jirey, waxaana uga bixi jirey xoog iyo waqti.

Hadda sheekadu halkaas waa ka tagtey, oo Ibliisku (Shaydaan) wuxuu hormarkii dhinaca tijnooliyadda ee Aadanuhu sameeyey kusoo dhex darsadey qeyb ka tirsan warbaahinta oo lagu magacaabey Warbaahinta Bulshada (Social

Media).

Sida diinteenu sheegtey, Ibliisku (Shaydaan) si uu kuu lumiyo, ayuu beenta run kaaga dhigayaa, xumaanta wanaag kuugu muujinayaa, foolxumada qurux kaaga dhigayaa, waxaan jirin wax jira kaaga dhigayaa, xishood la’aanta ayuu xurmo kaaga dhigayaa!

Xaqiiqda ayuu shaki iyo waswaas kaa gelinayaa, mararka qaar wuxuu kusoo qaadanayaa muuqaal dad, marna muqaal xayawaan, ama noole kale, mararka qaar ayuu makarafoon qarsoon ka soo dhex hadlaa,

Marar kale ayuu qof aad wanaag ku ogeyd kusoo dhexmarayaa, marna dhaqaale aadan shaqeysan ayuu gacanta kuu gelinayaa, kaagana dhigayaa xaq aad adigu leedahey!

Ibliisku (Sheydaan), sida diinteena laga dheehan karo, wuxuu ugu jecel yahey da’a yarta (dhaliyarada), isaga oo uga faa’iideysanaya duruufaha iyo dareenka. Barnaamijyada (Apps)

inta badan laga isticmaalo Warbaahinta Bulshada (Social Media), waxaa hal abuurey dhalinyaro (da’a yar).

Sida hadda loo isticmaalayo Warbaahinta Bulshada (Social Media), waxay u muuqataa in ay nagu socdaan qorsheyaashii Ibliisku (Shaydaan) ku balan qaadey Alle hortiisa oo hababkooda xanbaarsan!

Ibliisku (Shaydaan) Soomaalida uguma simin oo kali ah fitneyn iyo lumin, ee wuxuu u raaciyey waallid! Waxaad arkeysaa Soomaali badan oo caafimaad lagu ogaa, oo maalmo yar markay isticmaaleen Warbaahinta Bulshada (Social Media) isu rogey Waallida dhaqanta!

Hubaal waxaa ah oo aan aniguba qirayaa, in ay jiraan waxyaabo badan oo wanaag ah oo ka dhex socda Warbaahinta Bulshada (Social Media), waxaa sidoo kale dhab ah in loo isticmaali karo dhinaca wanaagga.

Sida xaqiiqdu tahey, isticmaalka Warbaahinta

Bulshada (Social Media), wuxuu qeyb ka noqdey nolosha, waxaana adag in qofku iska wada joojiyo. Si looga badbaado shirqoolada Ibliiska (shaydaan) ee uu hore u balan qaadey, waxaa habboon in taxadar laga yeesho, loona isticmaalo warbaahintaan dhinaca wanaagga.

“Bulshadadana ku dhex jir, Dhaartii Ibliiskana ka foojignoow”

W/Q: Maxamed Aadam Jimcaale (Koofi)

MA OGTAHAY IN 24,KII SAACBA LABA JEER BADUHU SOO BUUXSAMAAN LABA JEERNA DIB U CAARIYAAN

Haddii aad u fiirsatid oogada dhulka aan ku nool nahay, waxaa ogaaneysaa in 75% ay tahay biyo  ama bad, dhinac kasta nooga wareegsan.

Badahu ma ahan kuwo kala go’an  ee waa badweyn qura, oo qeybaheeda kala duwan loo bixiyay magacyo kala duwan, sida :

1-Badweynta Hindiya            2-Badweynta Atlaantikada

3-Badweynta Basifikada       3-Badweynta Artikada

Badaha naga xigaan afarta jiho, oo kala ah:-

1-Bari     2-Koonfur  3-Galbeed iyo   4-Waqooyi

Badaha waxay ka abuurmeen duufaantii lagu halaagay qoomkii Nebi Nuux ee la oran jiray reer Binu Rasiis, ka dib markii laga quustay inay nabigii loo diray ee Nuux (Cs) rumeeyaan, sida ahlu siira sheegayaan, waana biyihii ka soo burqaday samada, balse dhulka waxaa la amray inuu liqo biyahiisa, waxaana la tilmaamay in biyuhu weli muuqato carada ay u qabaan qoomkii loo soo diray.

Sidoo kale, badahu waxay u leeyihiin nolosha dunnida, gaar ahaan nolosha bani’aadamka, waxay u yihiin marin  ama waddo lagu safro marka la isugu gudbaayo dunnida daafaheeda.

Badaha waxaa laga helaa, cunto iyo kheyraad kale sida macdan iyo shidaal.

Badaha ka faa’iideysigooda wuxuu u baahnan yahay aqoon iyo qalab casri ah oo laga soo saaro kheyraadka kale duwan eek u jira.

Marka uu qofku xirneyn qalabka maquurashada, wuxuu biyaha ku dhex jiri kara laba ilaa saddex daqiiqo, mana gaari karo meel fog ama qoto dheer.

Hase yeeshee, waxay saynisyahannadu qalab ka caawiya qofka maquurashada badda, oo u oggollaanaya in uu gaaro meelqoto dheer, muddo dheerna ku jiri karo badda gunteeda, si ay waxyaalo badan u soo fiirsadaan, oo aqoon uga soo kororsadaan.

qalabka maquurashada waxaa ka mid ah mid qofka u suura gelinaya inuu gaaro meel qotadeedu gaareyso ilaa 250 fuudh ah, qalabkani wuxuu ka kooban yahay laba taangi oo soo gaarta qofka maquuranaya, qofku wuxuu kaloo xirtaa muraayad ballaaran, oo si wanaagsan wax uga arki karo biyaha dhexdooda, raga maquurta waxay kaloo xirtaan kobo af ballaaran, oo usuuro gelinaya inay si howl yar oo dhaqso leh u dabaashaan, Haddii qabow yihiin ama meel dheer gaarayo, waxay xirtaan lebis rabar ah ama gudmo ah oo dhaxanta ka celinaya.

Inkastoo qalabka maquurashada uu qofka dabaalyahanka ah u suura gelinayo inuu muddo dheer badda dhexdeeda ku jiro, haddana ma aha muquurashadu wax sahlan sida loo maleynayo.

Mowjadaha hirarka baddu, waa biyo socda oo sida kuwa togagga u dhex mara badweynta, qaar wey qabow yihiin, kuwana way diiran yihiin marka loo eego biyaha badweynta ay dhex marayaan.

Tamarta ay u socdaan waxaa la sheegay inay ka helaan qorraxda iyo dabeysha.

Dadka xeebaha deggani waxay arkeen in 24 saacba laba jeer baddu soo buuxsanto, laba jeerna caarido, heerka buuxa iyo caariga ee ay gaaraan kala duwan yahay heerkii shalay uu gaaray buuxu ma gaaro maanta.

Sidoo kale, caariguna ma gaaro heerkii shalay kan maanta.

Dadka xeebaha deggani waxay arkaan in labadii toddobaadba mar uu gaaro buuxa iyo caarigu heerkii ugu sarreeyay iyo heerkii ugu hooseeyay waxayna ku sheegeen inuu yahay marka  dayaxu dhan yahay afar iyo tobanka.

Baddu waxay tahay, degaan aad ugu baboon nolosha noolaha, waxay leedahay macdan badan, heerkul haboon iyo hawo ku Milan biyaha, taasina waxay suurta gelineysaa inay baddu ku noolaadaan noole tiro badan oo kale jaad jaad ah oo dhir iyo xayawaanba leh.

Dhirta iyo xayawaanka badda ku nool badankood, waxa laga helaa gaariga agtiisa iyo badda hareeraheeda iyo inteeda sare, Sidoo kale, bartamaha iyo gunta badda, waa laga heli karaa dhir iyo xayawaanno badan oo aan u ekeyn kuwa ku nool badda inteeda sare.

Badda inteeda sare, waxaa ku nool nooleyaal fara badan oo isugu jira dhir iyo wayawaan aadna u yaryar, oo badnkoodna indhaha oo qaawan lagu arki Karin, waxaana guud ahaan lagu magacaabaa (Sacaaf) noolahaani ma laha awood uu ku dawaasho, waxay raacaan hirarka maayada badda, kuwaasoo hadba meel geeya.

Noolahani, xagga qaabka aad ayey u kala geddisan yihiin, oo qaarkod waxay u egyihiin bil, kuwana sida kubadda , kuwo kalena way dhuu-dhuuban yihiin ama isku xiriirsan yihiin.

Sidaa iyo si la’eg ayuu xajmigoodu u kala duwan yahay, qaar aad u yar-yar, kuwo dixriga la’eg iyo kuwo kalluun ballaaran ah.

Noolaha waaweyn ee badda, waxay dhammaantood cuntada ka helaan Sacaafka biyaha badda inteeda sare kunool, qaar si toos ah ayey u cunaan Sacaafka naftiisa, kuwa kalena waxay cunaan xayaawaanka iyaga cuna sacaafka, tusaale- kalluunka yar-yari wuxuu cunto u yahay kalluunka waaweyn oo uu ku jiro Nibirigu.

Baddu waa keyd Cunto

Marka laga soo billaabo waqtiyadii hore, dadku wuu qabsan jiray oo cuni jiray kalluunka iyo noole kaleba ee badda laga helo.

Waqtigan casiriga ee manta waxaa la ogaaday waxtarka iyo kheyraadka kale duwan ee badda ku jirta, waxaa la halay qalab casri ah oo sahlalya ka faa’iideysiga badda oo markii hore ku billowday ku safridda iyo isugu gudbidda qaarad illaa ka qaarad kale iyo ganacsiga maraakiibta, waxaa la sameeyay Maraakiib warshado oo kalluunka jillaabta, warshadeeyana, waxaana dunnida manta tartan ugu jirtaa ka faa’iideysiga badda.

Baduhu, waxay yeesheen qiimo ka duwan berriga oo waxeyba ku dhowdahay in dagaal caalami ah ku dhexmaro dowladaha waaweyn.

Biyaha dhanaan ee badda,  waxaa laga soo saari karaa biyo macaan oo la cabo, dalal badan ee caalamka ka mid ah ayaa sameeyay inay badda biyo macaan ka soo saartaan.

Haddaba, waxtarka badda iyo kheyraadka ku jira ee maanta la ogyahay ma ahan mid la soo koobi karo, iyadoona dunnidu tartan xoog leh ugu jirto,balse dadkii xoog iyo qalab leh ayaa ka faa’iideyn karaa oo waa is-barbaryaac oo la isu-dilalyaa.

Haddaan, Soomaali nahay maxaan ka naqiinnay badda iyo waxtarkeeda, hadda markaan ku aragnay maraakiib waaweyn ee xeebaheenna mushaaxaya  ayaan ku baraarugnay, dhallinteenna kalluumeysatada ah waxaa loo bixiyay ((Burcad badeed)) si maraakiibta sharci-darrada ah gacan looga siiyo inay xeebaheenna ka jillaabtaan, waxaa la abuuray olole lagu magacaabay ((la dagaallanka Burcad badeedda soomaalida)) oo aan loo harin.

Arrintani, waxay ku soo begantay xilli soomaalidu kal qeybsan tahay, oo ayan lahayn dowlad xoog leh iyo ciidan badeed hanan kara difaaca xeebteenna dheer, oo ayan jirin dal leh xeeb sidaa u dheer S/Afrika maahinee.

{Alloow na sii midnimo iyo dowlad awood ciidan leh, Aamiin, Aamiin, Aamiin.}

W/Q: Dr- Maxamed Isaaq Mursal.

Generaal Odowaa oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeyo guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa Ciidanka Xoogga Dalka ugu hambalyeyay Sanadguurooda 61-aad oo ku beegan Maalinta Beri ah 12 April 1960-kii

Taliyaha Ciidanka Xooga dalka ayaa guud ahaan Ciidanka Xoogga dalka ugu hambalyeey munaasabada qiimaha badan ee aas aaska oo sanada jirsaday 61-sano .

General Odowaa Yuusuf Raage ayaa saraakiisha ,saraakiil xigeenada ,Dableyda, Alif leyda iyo waliba qoysaskooda ayuu hambalyo u diray dabaal dega Aas aaska sanad guurada Ciidanka Xoogga dalka iyo sidoo kale guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.