WARBAAHINTA BULSHADA IYO BALLANTII IBLIISKA

Ibliisku (Sheydaan) markuu diidey in uu Alle u sujuudo, ayaa la lacnadey, wuxuuna Alle u balan qaadey Cadaab xanuun badan, uuna ku waari doono!

Isla goobtii ayuu Ibliisku (Sheydaan) ka codsadey Alle in uu waqtii siiyo si uu Addoomada kale u lumiyo, waana laga aqbaley, kadibna wuxuu ku dhaartey in uu dhinac kasta uga imaan doono, meelkastana u istaagi doono Addoomada kale!

Hormarka iyo Tijnooliyadda ka hor, Ibliisku (Shayaadiinta) dadka hal hal iyo qeyb qeyb ayuu u u fitneyn jirey, una lumin jirey, waxaana uga bixi jirey xoog iyo waqti.

Hadda sheekadu halkaas waa ka tagtey, oo Ibliisku (Shaydaan) wuxuu hormarkii dhinaca tijnooliyadda ee Aadanuhu sameeyey kusoo dhex darsadey qeyb ka tirsan warbaahinta oo lagu magacaabey Warbaahinta Bulshada (Social

Media).

Sida diinteenu sheegtey, Ibliisku (Shaydaan) si uu kuu lumiyo, ayuu beenta run kaaga dhigayaa, xumaanta wanaag kuugu muujinayaa, foolxumada qurux kaaga dhigayaa, waxaan jirin wax jira kaaga dhigayaa, xishood la’aanta ayuu xurmo kaaga dhigayaa!

Xaqiiqda ayuu shaki iyo waswaas kaa gelinayaa, mararka qaar wuxuu kusoo qaadanayaa muuqaal dad, marna muqaal xayawaan, ama noole kale, mararka qaar ayuu makarafoon qarsoon ka soo dhex hadlaa,

Marar kale ayuu qof aad wanaag ku ogeyd kusoo dhexmarayaa, marna dhaqaale aadan shaqeysan ayuu gacanta kuu gelinayaa, kaagana dhigayaa xaq aad adigu leedahey!

Ibliisku (Sheydaan), sida diinteena laga dheehan karo, wuxuu ugu jecel yahey da’a yarta (dhaliyarada), isaga oo uga faa’iideysanaya duruufaha iyo dareenka. Barnaamijyada (Apps)

inta badan laga isticmaalo Warbaahinta Bulshada (Social Media), waxaa hal abuurey dhalinyaro (da’a yar).

Sida hadda loo isticmaalayo Warbaahinta Bulshada (Social Media), waxay u muuqataa in ay nagu socdaan qorsheyaashii Ibliisku (Shaydaan) ku balan qaadey Alle hortiisa oo hababkooda xanbaarsan!

Ibliisku (Shaydaan) Soomaalida uguma simin oo kali ah fitneyn iyo lumin, ee wuxuu u raaciyey waallid! Waxaad arkeysaa Soomaali badan oo caafimaad lagu ogaa, oo maalmo yar markay isticmaaleen Warbaahinta Bulshada (Social Media) isu rogey Waallida dhaqanta!

Hubaal waxaa ah oo aan aniguba qirayaa, in ay jiraan waxyaabo badan oo wanaag ah oo ka dhex socda Warbaahinta Bulshada (Social Media), waxaa sidoo kale dhab ah in loo isticmaali karo dhinaca wanaagga.

Sida xaqiiqdu tahey, isticmaalka Warbaahinta

Bulshada (Social Media), wuxuu qeyb ka noqdey nolosha, waxaana adag in qofku iska wada joojiyo. Si looga badbaado shirqoolada Ibliiska (shaydaan) ee uu hore u balan qaadey, waxaa habboon in taxadar laga yeesho, loona isticmaalo warbaahintaan dhinaca wanaagga.

“Bulshadadana ku dhex jir, Dhaartii Ibliiskana ka foojignoow”

W/Q: Maxamed Aadam Jimcaale (Koofi)