MAXAA LOO BAAHAN YAHAY HADDII UU SOO LABA KACLEEYAY XANUUNKII COVIED 19?

Marka loo kuur-galo Xogta xannuunkan soo laba kacleynta Covid 19 waxaa mihiim ah in aan wax badan ka ogaano  Xanuunka Dunida aafeeyay aadkana ugu faafay ee Covid-19.

Cudurkan ayaa u muuqda inuu dib ugu soo laba-kacleeyay Soomaaliya.

Sida la caddeeya ama leysku raacay ayaa ah in Cudurkani yahay dilaa aan u kala eexan dadka uu dilayo min madax ilaa majo.

Iyadoo kol hore uu soo maray dalka ayaa haddana mar kale uu dalka soo gaaray isagii oo waji kale leh, kana khatar iyo shar badan.

Waxaana la sheegaa in aan cudurkani weli loo helin daawadii ku habooneyd balse la soo saaray talaallo kala duwan.

Balse xalka ugu fiican uu yahay ka hortagga marka hore, sida caanka ah loo baahiyay ee face maska ama waji xirka, gacmo gashiga iyo gacmaha oo layska meyro.

Shacabkeenna soomaaliyeed badankii kuma baraarugsana khatarta cudurka uu leeyahay, taa darted waxaa uu si lama filaan ah ugu baahayaa dhammaan gobollada dalka iyadoo aan waxba laga ogeyn dadka uu ku wax yeeleynayo miyiga fog.

Sida aan ka warqabno Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa hadda ka hor waxay sheegtay inuu Viruskan xakameyntiisuna u baahan tahay juhdi aad u fara badan
haddaba Caawinta iyo ka hortagga faafidda cudurrada neef mareenka ee sida COVID-19.

Waxaa waajib ah in Muwaadin kasta oo Soomaali ah in ay Mas’uuliyad ka saran tahay inuu raaco tilmaamaha ay bixinayaan khubarrada Caafimaadka dalka sida in wajiga la daboosho marka aad dadka la joogto, in aadan ku qufacin kuna hindhisyooninin dadka, in dukaamada iyo dhammaan ganacsatadu raacaan amarrada ay soo rogeen maamulka gobolka banaadir iyo wasaaradda caafimaadka dalka.

Maaskarada ayaa kaa caawinaysa adiga iyo dadka aad ka ag dhowdahayba in aadan si fudud ku qaadina cudurka waa haddii aad si waafi ah u raacdaan talada iyo tusaalooyinka caafimaad ee ku wajahan cudurkan in badan aafeeyay dunidan aynu ku noolnahay.

Ku celcelinta talooyinka caafimaad waxay kaa saacidayaan in aad ka dheeraato dhammaan wixii khatar kuu keeni kara

Waxaa badiyaa la sheegaa in Dadka da’doodu ka weyn tahay 60 jir iyo sidoo kale dadka qaba xaalad caafimaad oo daba dheeraatay da ‘kasta ha lahaadeene inay halis ugu jiraan dhimashada cudurka loo yaqaan’ Corona virus ‘noociisan cusub laakiin ilaahey ma dhihin waxaase nagu waajib ah in aan raacno dhammaan wixii tilmaamaya ka hortagga shacabkuna waa inay arrintaa si weyn u tixgeliyaan/

Waxaan ku soo gaabsanayaa Walaal Muwaadin Joog Gurigaaga oo ku ekaaw Xeradaada si aad uga badbaaddo ilaah baa wax badbaadiyee Cudurkan foosha xun ee lagu ibtileeyay bini’aadamka waana iska imtixaan ka mid ah imtixaannada adduunka soo mara , hana isticmaalin daawo aan takhtar kuu qorin si kastaba arrintu ha ahaatee

Muwaadin Fadlan Raac tilmaamaha oo Joog Gurigaada.

W/Q: Osman Dhiblaawe

DALKAADA ADIGAA ISKA LEH

Qof kasta oo dunida ku nool wuxuu ku abtirsadaa qaran, dal iyo calan gaar ah oo ummadda uu ka soo jeedo ay leeyihiin waana astaan qofnimo oo haddii aad weyso aad ku sifoobeyso dal laawe aan wax micno ah dunida kale ugu fadhin.

Dalkaaga waa mid kaag baahan in aad ka taxadarto ammaankiisa , horumarkiisa iyo nabadiisa waana kan haddii aad intaas ku hesho aad kaga gacan sarreyn karto cadowga oo aad ku gaari karto xushmad iyo wanaag.

Haddii dalkaagu yahay mid horumarsan cid walba way soo hiigsaneysaa oo waxaa dhacda in loo soo doonto nolol iyo kasab laga helo sida aan maanta ugu tacabirno dalalka Yurub iyo woqooyiga Ameerika.

Dalkaaga waa midka u baahan in aad ka dugsato dadkaaga oo aad ka wehesahto wax kasta oo dhibaya ka ilaaliso.

Looma baahna in aad cadowgaaga kula shirkowdo oo aad danaha cadowga isku daydo in aad ka dhex fuliso gudaha dalkaaga.

Dalkaaga waa in aad naftaada u huri kartaa marka ay qasab noqoto waana in af iyo adinba aad dalkaaga y hiilisaa oo aad u hub qaadaa  difaaciisa.

Dalkaaga waa in uu wax walba kaaga horreeyaa oo aad ka hormarisaa dan kasta oo aad  lahaan karto waana in aad u soo jeedaa . in aad qaxooti noqoto waxay ka dhasheen burburkii siyaasadeed ee dalkaaga haddii dalkaagu noqon lahaa dal heysta degenaansho , nabad iyo nabad ma jiri laheyn sabab aad u dawaafto oo aad u meermeerto caalamka adigoo qaxooti ah.

Ku dadaal dalkaaga kana shaqeee horumarkiisa taasi waxay dan u tahay qof walba iyo ummadda kugu abtirsata oo dhan.

Dal la’aan waa dhibaato mana aha in siyaasad darted aad u burburiso mustaqbalka dalkaaga oo aad u horseeddo in aad faraha u galiso oo aad rumeyso damaca shisheeyaha.

W/Q: Mohamed Hassan

 

HALISTA KA DHALAN KARTA GAASKA CUNTADA LAGU KARSADO.

Horumar kasta oo cusub waxuu leeyahay nusqaantiisa, waayadii danbe waxaa dalka si baahsan ugu soo kordhay isticmaalka gaaska iyadoo shacabka Soomaaliyeedna ay tahay mid ku cusub isticmaalka jikooyinka kala duwan iyo gaaskaba.

Waxaan ognahay in shacabkeenu si waafi ah u isticmaali jireen dhuxusha, taasoo adduunku ka tegay waa hore balse dadkeennu ay haatan ku cusub tahay, arrinta isticmaalka iyo ka foojignaanta khatarta way garanayaan dadka qurba joogta ah sida badan laakiin waxaa u baahan in loo iftiimiyo shacabkeenna oo haatan laga yaabo inay u wada guurayaan isticmaalka gaaska.

Badanaa khatarro ayaa ka dhasha isticmaalka gaaska marka lagu xirayo tuubada jikada si ay isula shaqeeyaan, sidoo kale marka la shidayo jikada iyo weliba xakameynta gaaska iyo qiyaasta ay u baahan tahay jikada shidan.

Jikadu waxay ka koobantaa ugu yaraan saddex fadhi oo lagu karsado cuntada.

Haddaba maanta waxaan halkaan wax yar ka tilmaamayaa siday Soomaalidu uga gaashaaman lahayd ama uga hor tegi lahayd hadduu dab ka kaco haanta gaaska ama jikada nafteeda.

Marka hore qoys walba oo Soomaaliyeed ee u guuraya noloshan cusub waa inuu niyadda ku hayaa wax waliba inay ka iman karaan khatar, xataa gaaska ayaa keeni kara neef qabatin, ama gaaska ku baxay guriga ayaa dhalin kara qarax keeni kara gubasho naf iyo maal ka dibna halkaasi ay ka dhashaan khatar kale.

Waxaan ka digaya in caruurta si adag looga ilaaliyo haanta gaaska inay furaan ama loo dhigo meel ay ku ciyaar ciyaaraan.

Haddaba, muwaadin maxaad sameyneysaa haddii dab kugu kaco adigoo ku guda jira howshaada cunta karinta ahayd.

Marka ugu horreysa isdeji waa wareey iyo ba’ayeey ha oranine fiiri halka uu dabka ka socdo kadibna adigoon iswaalin maro qoyan soo qaado oo geb ku sii halka debka ka socdo ka dibna xir gaaska kugu furan.

Haddii haanta nafteeda uu dab qabsado gaaskiina furan yahay waxaad ogaataa inaysan biyo waxba ka taraynin deminna kareynin holaca, waxaad sameysaa isla markiiba soo qaado baaldi maran oo kuu dhow ka dibna hab ku sii haanta isla markiina holaca kaa demo horay ka xir haanta gaaska sidaasna waxaa ku jirta badbaado.

Waxaase ugu habboon in aad marka hore si fiican u barato isticmaalka taas ayaa ah ka hortagga ugu fiican markii aad dooneyso in aad u guurto ku dhaqanka jikooyinka gaaska.

W/Q: Osman Dhiblaawe.

 

SOOMAALIDA SAFARRADA FURSAD DHOOFKA U TAGAYA KENYA, MAXAY TAHAY IN AY KU DHAQMAAN HADDII AY HELI WAAYAAN DHOOFKA

Safarka dadka Soomaalida ah ay u safraan dalka Kenya inta badan wuxuu khuseeyaa labo dhinac oo kala ah ganacsi ama safar ku saabsan in laga raadiyo waxa loo yaqaano line-ka oo ah in laga helo fursado loogu sii tahriibi karo dalalka Yurub iyo Mareykanka.

Dadka ujeeedooyinka noocaas ah u taga dalka Kenya ayaa u badan dhallinyarada wiilal iyo gabdho kuwaas oo xitaa sheekeysigaaoda caadiga ah marka ay halkaas tagaan uu ku saleysan yahay farsadahaa , sidii lagu heli lahaa, meelaha loo maro iyo sugitaankooda.

Cismaan Yuusuf waa nin dhallinyaro oo magaalada Nairobi ka degan xaafadda Islii oo soomaalidu ku badan tahay, wuxuuna halkaa ku sugnaa in muddo ah .

“ Muddo dheer ayaan halkan joogay anigoo ka rajo qabo in aan ka helo fursad dhoof laakiin waqtiga ayaa igu daba dheeraaday oo haatan waxaan u muuqdaa qof daalay oo rajo beel ah “ ayuu yiri.

Sidoo kale waxaa uu ka warramay waxyaabihii shaqo ahaan uu isku dayey in uu qabto in uu noloshiisa ku maareeyo isagoo sheegay in aaney jirin dad uu ku tiirsan yahay oo ku sugan Kenya balse uu xoogaa tuur tuur ah uu ka helo qoyskiisa oo ku sugan Somaaliya iyo dalka ka tirsan Yurub ee uu hammiga uga jiro in uu tago.

“ Shaqooyin kala duwan ayaan soo maray si aan nolosheyda u dabaro waxaan mar noqday dukaan iibiye, marna maqaayad ayaan ka shaqeynayey hadda macalin carruur soomaaliyeed afka Ingiriiska u dhiga ayaan ahay ..sidaas baan weli isu dabarayaa” ayuu yiri .

Faadumo Maxamed Cilmi  waa gabar dhallinyaro ah oo muddo ku sugneyd dalka Kenya iyada oo sugeysa fursad ay ugu tallaabi kartto dalalka Yurub hase waxay ku daashay oo qaati ka gaaraty sugitaankaasi ku dheeraaday waxayna sheegtay in ay heshay labo fursad oo kale oo ah in ay  wax ku baratay Kenya oo ay jaamacad ka qalinjebisay, welina sugitaankii ayey ku jirtaa laakiin waxay sheegtay haddii ay wax ka garan weyso oo natiijadu ku adkaato ay halkan isaga guursan doonto.

Warsame MAXAMED Geeddi waa nin dhallinyaro ah wuxuu ku nool yahay Islii , wuxuu sheegay in halkan shaqo abuur ka sameystay marki uu sugidda leynka ku daalay isagoo ka bilaabay in uu iibiyo wxyaabo yaryar oo gaari gacan u dulsaarnaan jiray sida catarka, kabaha , garbasaarada iwm hase yeeshee haatan uu gaaray in uu dukaan furto.

“ Waxaa yaraaday rajadii dhoofka ee aan u imid Kenya hase yeeshee howl kale ayaan iska galay waxaana abaabushay ganacsi haatan u muuqda in aan ka mio dhaliyey waayo waxaan gaaray in aan furto dukaan aan leeyahay oo aan nolosheyda ka soo saarto reerkeyga Soomaaliya joogana aan wax uga diro” ayuu yiri Warsame.

C/wahaab Gacal  oo ah aqonyahan soomaaliyed oo ku nool xaafadda Isli ee magaalada Nairobi wuxuu qqabaa in qofku meeshii ka niyad jabi lahaa haddii uu waayo wixii uu dalka Kenya u joogay mudada dheer ee ahaa in uu ka baxo ay tahay in aanu niyad jabin , dhaqankiisa bedelin kuna biirin kuwa xunxun balse ay tahay in uu la yimaado fikrad kale oo waxtareysa noloshiisana wax ka bedeli karta.

W/Q: Mohamed Shiil

 

DHAKHAATIIRTA NAF-HURAYAASHA AH

Qalinkaygu wuxuu jeclaysanayaa in uu kuu soo gudbiyo sheeko naf-hurnimo, wadaninimo, beni’aadanimo iyo hooyanimo tusaale qurxoon u ah. Waa sheekada Dr Xılwo Daa’uud Ibraahim oo shalay uun aad ka aragteen Telefishinada, iyada oo Madaxwaynaha Qaranka ka xogsiinaysa safka hore iyo sariiraha lagula tacaalo xanuunka saf-marka ah ee COVID-19.

Xilwa madax iyo manjoba way duubantahay, suuragal ma aha in aad aragto wajigeeda, muuqeeda markii aad jeedaaliso waxaa kugu soo dhacaya, ma dayax-gacmeedka meeraha Mars ayay ku joogtaa? Maya! Maya ee waxay dhex joogtaa cusbataalka Martiini oo saldhig u noqday Bahda Caafimaadka ee ku hawlan la dirirka dawalaawaha dilaaga ah ee aan daymadu qaban ee COVID19.

Sanadkii 1994-kii ayay magaalada Kismaayo ku dhalatay Dr. Xilwa, Waxbarashadeeda dhakhtarnimo waxay ku qaadatay gudaha Dalka, waxay hore uga soo hawlgashay cusbataalka Digfeer oo ay ka heshay khibrad wanaagsan.

Nasiib-xumo, dalkeenna waxaa soo gaaray cudurka dilaaga ah ee COVID-19, wuxuu naga wareemay halkii aan ugu liidannay ee adeegga caafimaadka -Dal yar oo dad madegenayaal ahi ku noolyihiin oo Geeska Afrika ku yaal oo kolkii midkood jirado dabiib u doonta Hindiya- kolkaas ayay dhakhaatiirtii dalka joogtay talo ku caddaatay, waxay goosteen in ay dadkooda nafta u huraan, waxay ilaaween kuwii ay jeclaayeen iyo qoysaskoodii waxay hadh iyo habeenba u soo jeedaan samatabixinta walaalaha Soomaaliyeed ee cudurku haleelo.

Dr. Xılwo Daa’uud Ibraahim, waxay ka mid noqotay dhakhaatiirta safka hore kaga jira dagaalka. Muddo saddex bilood ah il’ iyo baal may saarin gabadha kaliya ee ay dhashay kuna indho-kuulan jirtay, hooyadeedii iyaduna ku indha-kuulan jirtayna Xilwo indho ma saarin. Hadh iyo habeen waa u soo jeed oo waxa ay kortaagantahay bukaanka xaaladaha adag ku jira ee tirada badan.

Xilwo iyo dhakhaatiirta lamidka ahi sow naf-hurayaal ma aha? Sow shalay idaacadaha kamaad dhagaysan Madaxwaynihii Qaranka oo ku tilmaamay nof-hurnimada ay sameeyeen dhakhaatiirta Soomaaliyeed in ay u dhiganto tan Ciidankeenna Qalabka sida. sow halyeeyo maaha?

Maanta waxay ku fooraraan oo ay ku foogganyihiin badbaadada bukaanka, maalinta Eebbe cudurkan inaga qaado ayay iyaguna foodda kor u qaadi doonaan oo ay dhabarka iyo curuuqda isgashay ka nasan doonaan. Maalintaas ayaana Dawladoodu billad sharaf halyaynimo garabka u sudhi doontaa.

W/Q: Abdirashid M. Hashi

 

R/Wasaare Rooble oo isku badalay laba Wasiir oo ka tirsan xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen  Rooble ayaa maanta isku bedelay labo Wasiir oo haayey xilalka Wasaaradaha Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

Duraan Axmed Faarax,ayaa loo magacaabay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada,halka Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar uu noqday Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

Dowladaha Masar iyo Burundi oo kala saxiixday iskaashi militeri

Masar- Dowladda Masar ayaa sheegtay inay heshiis dhanka iskaashiga militerga la saxiixatay dowladda Burundi oo ka mid ah dowladaha uu maro wabiga Nile.

Afhayeenka ciidamada Masar, Taamir al-Rifaaci ayaa sheegay in abaanduulaha ciidamada Masar Maxamed Fariid iyo taliyaha ciidmada Burundi Prem Nyongabo ay ku kulemeen magaalada Qaahira iyagoo kawada hadlay iskaashiga militeri ee labada dal.

Labada dhinac ayaa wada hadalada kadib kala saxiixday  iskaashi militeri oo ay ku jiraan tababaro iyo isweydaarsiga khibradaha kala duwan ee labada dal.

Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo maalmo ka hor Masar iyo Uganada  kala saxiixdeen heshiis ku saabsanaa iskaashiga amniga iyo sirdoonka.

Dowladda Masar ayaa walaac badan ka qabta mashruuca biya xireenka Itoobiya, waxeyna dadaal badan ku bixineysa sidii ay uga hortegi leheed dhameystirka biya xireenka oo laga yaabo inuu saameyn ku yeesho saamiga biyaha Masar ee wabiga Nile.

Muwaadiniinta Chad oo u dareeray goobaha codbixinta

Chad- In ka badan 7 milyan oo ka mid ah muwaadiniinta Chad ayaa saakay u dareeray  goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxweynaha hoggaamin doono sanadaha soo socda dalkaas.

Shacabka Chad ayaa kala dooranaya toban murashax oo u tartamaaya madaxtinimada dalkaas.

Madaxweynaha uu hadda xilka ka dhamaaday  Idriis Deby ayaa doonaya inuu ku guuleysto madaxtinimada Chad markii lixaad oo xiriir ah.

Mucaaradka dalkaas ayaa sameeyay mudaaharaadyo looga soo horjeedo in madaxweyne idriis marki kale isa soo sharraxo, halka qaar ka mid ah hoggaamiyaasha mucaaradka ay ku baaqeen in la qaadaco doorashada.

Qaramada Midoobe ayaa Jimcihii ku baaqday in doorashadu noqoto mid u dhacda si nabad ah oo lagu kalsoonaan karo.

Madaxweyne Idriis Deby oo 68 jir ah, dalkaasna xukumayay in ka badan 30 sano ayaa doonaya inuu mar kale ku guuleysto doorashada loo dareeray maanta oo Axad ah.

Dowladda Federaalka iyo hay’adaha samafalku oo walaac ka muujiyay xaaladda abaaraha ee ka sii Daraya.

Waddanka intiisa badan wuxuu wajahayaa biyo yari aad u daran, ayadoo in ka badan 50 degmo ay ka jirto  xaalado abaareed aad u daran sida agu shaciyay qoraal wada jir ah oo ka soo baxay dowladda dhexe iyo had’adaha Samafalka .

Welwelka la qabo waxaa sii kordhinaya  saadaasha xilli-roobaadka Gu-ga ee Abriil ilaa Juun 2021 oo markii labaad tusineysa mid ka hooseeya celcelis ah intii la heli jiray.

Saadaashu waxay muujineysaa in xaaladda wadanku ay u badnaan doonto roob  la’aan ama la heli doono roob aad u yar ilaa todobaadka sadexaad ee bisha Abriil.

In ka badan 116,000 oo  qof ayaa biyo yari darteed u barakacay laga soo billaabo bishii Oktoobar ee sannadkii tegay. Haddii  xaaladdu sidan ku sii socoto gargaarka bini’aadamnimaduna uu ahaado mid xaddidan, waxaa laga cabsi  qabaa inuu dhaco barakac baaxad leh todobaadyada iyo bilaha na soo aaddan.

“Ayadoo laga jawaabayo saameynta mashaqooyinka isbiirsaday ee waddanka ka jira, maanta ayay dadka  Soomaaliyeed ugu baahi badanyihiin in la taageero si ka duwan sidii hore.

Waxaan ka codsanayaa deeq  bixiyeyaasha iney si degdeg ah dhaqaale u bixiyaan, si loogu isticmaalo dedaallada lagula tacaalayo  saameynta abaaraha,” ayay tiri Wasiirka Arrimaha Bini’aadamnimada iyo Maareynta Masiibooyinka ee  Soomaaliya, Marwo Khadija Diriye.

“Waxaan wajahaynaa cunno yari baahsan, nafaqa darro, barakac iyo  cudurro. Dhaqaale Ayaan u baahannahay si dadka loo badbaadiyo, loo yareeyo dhibaatooyinka jira loona  helo macaawino ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.”

Xaaladda abaaruhu waxay lakab kale oo mushkilad ah ku kordhisay baahiyihii xad dhaafka ahaa ee horay u jiray, waqti ay bulshadu laa daalaa dhaceyso saameynta COVID-19, ayaxa, colaado hubeysan, xasillooni darro siyaasadeed iyo cunno yari baahsan.

Sicirka biyaha ayaa kor u kacay boqolkiiba 54 meelaha qaar, arrintan ayaa keeni karta saameyn aan la mahadin, maadaama ay dumarku ay ku qasbanaan doonaan iney masaafooyin dhaadheer biyo u doontaan ayna dhici karto iney baylah u noqdaan xadgudub lugula kaco.

“Waxaan aad uga walaacsanahay in baahiyaha hadda jira ay sii kordhaan ayadoo weliba dhaqaalaha aan  heli karnaa uu hoos u sii dhacayo.

Waan ka hortegi karnaa saameynta abaarta, laakiin waxaa loo  baahanyahay in hadda tallaabo degdeg ah la qaado annagoo ka faa’iideysaneyna waaya aragnimadii aan ka  dhaxalnay gurmadkii abaarta ee 2016/17,” ayuu yiri Isuduwaha Arrimaha Bini’aadamnimada ee  Soomaaliya, Adam Abdelmoula.

“Qorshaha Ka-falcelinta Baahiyaha Bini’aadamnimada ee 2021 waxaa u  soo xarooday boqolkiiba 4.1 oo kaliya.

Inkastoo samafalayaashu ay sameyn doonaan wax kasta oo suurtagal  ah si ay ula tacaalaan saameynta abaaraha, hadana waxaa lagama maarmaan ah in la maalgeliyo samafalka iyo dadaallada lagu dhisayo soo kabashada bulshada si ay isaga xajiyaan saameynta Cimilada is bedelaysa  ee waqtiga fog.”

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la soo wareegay 14 maxbuus oo ku jiray xabsiga Garowe April 11, 2021

Wasiirka Cadaaladda XFS Mudane C/qaadir Maxamed Nuur  ayaa sheegay in maamulka Cadaaladda ee Puntland ay ku wareejiyeen 14-maxbuus oo lagu soo xukumay dalka dibadisa,isla markaana ku jiray xabsiga Magaalada Garowe ee maamulka Puntland .

Wasiirka oo u waramayey Warbaahinta Qaranka ayaa xusay  in maamulka Cadaaladda ee  dowladgoboleedkaasi ay isku afgarteen sidii xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho loogu soo wareejin lahaa maxaabiistaasi.

.Wasiirka Caddaaladda XFS ayaa sheegay in tallaabadaasi ay u qaadeen codsi ka yimid ehelada maxaabiistaasi oo ku sugan Gobolka Banaadi  iyo deegaanada kale ee ku dhow.

Mudane C/qaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in xaaladda maxaabiistaasi ay tahay mid wanaagsan,wuxuuna intaa raaciyay in ay heli doonaan xoriyaddooda iyadoo la marayo shuruucda dalka.