Talaalka Sinopharm Vaccine oo maanta Muqdisho soo gaari doona

Dowladda aan saaxiibka nahay ee China ayaa maanta oo axad ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ku wareejin doonta 200.000 oo talaalka COVID19 ee loo yaqaano Sinopharm Vaccine, oo ay dowladda China soo saartay.

Bishan aynu ku jirno 7-dii ayay ahayd markii Danjiraha Soomaaliya ee dalka Shiinahu uu saxiixay heshiis Talaal covid-19 lagu gaynayo Dalka Soomaaliya.

Danjire Cawaale Cali Kulane Safiirka jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dalka Shiinaha ayaa  hishiis ku aadan hilida talaalka ka hortaga cudurka aduunka Aafeeyey ee COVID-19  la galay shirkadda Sinopharm ee dalka Shiinaha.

Maanta galinka danbe ayuu talaalka Sinopharm soo gaari doonaa caasimada Muqdisho

Dowladaha Masar iyo Burundi oo kala saxiixday iskaashi militeri

Dowladda Masar ayaa sheegtay inay heshiis dhanka iskaashiga militerga la saxiixatay dowladda Burundi oo ka mid ah dowladaha ku teedasan wabiga Nile.

Afhayeenka ciidamada Masar, Taamir al-Rifaaci ayaa sheegay in abaanduulaha ciidamada Masar Maxamed Fariid iyo taliyaha ciidmada Burundi Prem Nyongabo ay ku kulemeen magaalada Qaahira iyagoo kawada hadlay iskaashiga militeri ee labada dal.

Labada dhinac ayaa wada hadalada kadib kala saxiixday  iskaashi militeri oo ay ku jiraan tababaro iyo isweydaarsiga khibradaha kala duwan ee labada dal.

Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo maalmo ka hor Masar iyo Uganada  kala saxiixdeen heshiis ku saabsanaa iskaashiga amniga iyo sirdoonka.

Dowladda Masar ayaa walaac badan ka qabta mashruuca biya xireenka Itoobiya, waxeyna dadaal badan ku bixineysa sidii ay uga hortegi leheed dhameystirka biya xireenka oo laga yaabo inuu saameyn ku yeesho saamiga biyaha Masar ee wabiga Nile.

kulan looga hadlayay isku xirka adeegyada Caafimaadka oo Samareeb lagu qabtay

Shir sadaxdii biloodba mar ay qabato wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa looga  hadlaa isku xirka iyo qiimeynta  adeegyada Caafimaadka Deegaanada Galmudug, qiimeynta waxii qabsoomay sadaxdii bilood ee lasoo dhaafe iyo gaarsiinta Talaalka ee xanuunka Covid-19 deegaanada Galmudug ayaa qayb ka ah qodobada looga hadlayo Shirkan u furmay Mas’uuliyiinta Wasaaradda iyo hey’addaha ka taageerah howlaha Caafimaadka.

Shirka ayaa Dhuusamareeb si rasmi ah uga furmay, Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegay in shirkan u yahay mid faa’iid wayn laga dhaxley joogteyntiisa.

Wasiirka Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdulaahi Jaamac ayaa howl wadeenada Wasaradda kaga mahad celiyay joogteynta howlaha ay ka hayaan wasaaradda ku amaaney Wasaraddaha shaqo wadaaga la ah bahda Caafimaadka kaalinta ay shirkan ka qaateen.

        

kulan dib u heshiisiin ah oo Samareeb ka furmay

Mas’uuliyiin  ka tirsan Galmudug ayaa ka qayb galey daah-furka Mashruuca Daryeel, qaybtiisa dib u heshiisiinta Deegaanada Galmudug,Mashruucan ayaa  noqonaya mid fududeynaya isku keenida bulshada Galmudug.

Wasaaradda Arimaha Guddaha Galmudug ayaa  si rasmi ah uga daah furtay  magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Maamulka,asiir dowladaha.

Wasiirka wasaaradda Arimaha Gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel) ayaa sheegay in mashruucan u unoqon doono  gogol dhiga is keenida bulshada deegaanada Galmudug.

        

 

Madaxweyne Farmaajo oo Hambalyo u diray Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo dib loo doortay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jambuuti ismaaciil Cumar Geelle oo markale dib loo doortay.

” Waa guul  xoojinaysa horumarka iyo xasilloonida gobolka,Waxaan ku kalsoonahay in aad dardargelin doonto horumarka iyo wax wada qabsiga dalalka gobolka” ayaa lagu yiri warqoraal ah oo lagu dabacay twitter Maxadweynaha,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle ayaa markii shanaad loo doortay xilka madaxtinimo ee Dalka Jabuti,isagoo helay codad gaaraya boqolkiiba 98 ,sida lagu sheegay warar la shaaciyay saaka oo Sabti ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo warqad ka hadlaysa Arrimaha Doorashooyinka u qortay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe:

Annaga oo tixraacayna warsaxafadeedkii soo baxay 31 March 2021 ee ka soo baxay Madaxweynaha xilka ka dagaya ee Golaha Amaanka Marwa Linda Thomas, dowladda Soomaaliya waxay tixgalin iyo qadarin u haysa kaalinta Golaha Amaanka iyo taageerada waqtiga dheer ee xubnaha golaha la garab taagnaayeen Horumarka iyo xasiloonida Soomaaliya iyo xushmadda gobonimada Soomaaliya, sharafka dhuleed, midnimadeeda iyo madax banaanideeda siyaasadeed.

Taariikhda dhowaanahan Soomaaliya waxay wajahaysay xaalado adag iyo caqabada siwalba ha ahaata waxaan awoodnay in aan annaga oo wadajirna qaran ahaan uga wada hadalno waxa na dhexyaala, isku tanaasulno lana imaano hal abuur aan ku xalino.

Deganaanshaha siyaasadeed wuxuu sal u yahay dhammaan dadaalada horumarineed ee aan qorsheyneyno inaan ku hirgalino Soomaaliya, sidaas darteed, waxaan ka simanahay golaha amaanka, heshiisna ku nahay danta dadka Soomaaliyeed ee ah qabashada doorasho loo dhan yahay sida ugu dhaqsaha badan uguna macquulsan.

Sidaa darteed. waxaan jeclaan lahayn inaan hoosta ka xariiqno mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee waxyaabaha soo socda:

A: Doorashooyinka qaran ee Soomaaliya, sida ummadaha kale ee madaxbanaan u leeyihiin aaya ka talinta Qarankooda ayay hay’adaha dalkeeni go’aan uga gaarayaan arrimaha horyaala, sida ku cad sharciga Lr. 30 ee ay meel mariyeen Baarlamanka. Sidaa darteed, waxaan ka mahadcelineynaa taageerada hagar la’aanta ah ee UNSC ee gobonimada Soomaaliya, sharafka dhuleed, midnimada iyo madaxbanaanida siyaasadeed ee Soomaaliya.

B: Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay u arkaysaa faragalin kasta oo hannaanka doorashooyinka qaranka ku sameeyaan xubna dibadda ah in ay tahay faragelin toos ah oo lagu sameeyay arrimaheena gudaha iyo jabin la jabiyay shuruucda Golaha Amniga ee Qaramada midoobe iyo qaanuunka Caalamiga ah.

C: Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay u aragtaa heshiiskii 17-kii Sebtember inuu saldhig u yahay Geedi socodka doorashada iyo talooyinka ay soo jeediyeen guddigii Farsamada Baydhabo ee 16ka Febraayo iyada oo aan wax shuruud ah lagu xidhin.

D: Iyada oo laga jawaabayo walaacyada la xiriira amniga doorashada, waxaan halkan ku xoojinaynaa in Guddi amaan oo Doorashooyinka Qaranka uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha ay noqon doonaan kuwa farsaama ahaan wajaha arrimaha amaanka ee la xiriira doorashooyinka.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyada oo ka faa’iidaysanaysa fursadaan waxa qiraysa doorka iyo qiimaha golaha Amaanka ee Qaramada midoobe waxayna siinaysa tixgalin midda ugu saraysa.

Qoraalkan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya waxaana ku saxiixnaa Wasiirka Arrimaha Dibadda mudane Maxamed Cabdirisaaq.

Dadka reer Cadaado oo maanta isugu soo baxay salaad Roob-doon ah

Cadaado- Dadka reer cadaado ayaa maanta iskugu soo baxay salaad Alle looga baryaayo in kuleylka uu uga qaado roobna uu siiyo.

Sedex maalin kahor ayay ahayd markii maamulka degmada Cadaado uu shaaciyay in maanta la tukanayto salaadda roob-doon ah oo hal meel lagu wada dukado.

Culumaa’udiinka qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa si isku mid ah uga soo qeyb galay dukashada saladaan roob-doonka ah, iyadoo dadka qaarkood ey soomanayen sedexdii maalin ee lasoo dhaafay.

Shiikh Maxamed Khani oo kamid ah culimada magaalada Cadaado ayaa dadka ku waaniyay  in ay Allah u toobad keenaan iskuna samraan.

Guddoomiyaha degmada Cadaado Cabdullaah Cabdiraxmaan Tootole ayaa ugu dambeyn dadka deegaanka ugu baaqay iney ka fogadaan waxyabaha maanka dooriya.

Xilli kuleyle ah oo aad u daran ayaa lagu guda jiraa,waxaa sii dheer in abaaro ay ka jiraa, Sidoo kale, bilo kahor deegaanadan waxaa xaalufin ba’an u geystay Ayax kusoo degay qeybo badan oo ka mid ah deegaankaas.

   

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo faah-faahin ka bixiyay Qaraxii ka dhacay Baydhabo

Baydhabo- Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax ka dhacay magaalada Baydhabo, kaas oo qof naftii halige ah oo soo xirtay Jaakadda Walxaha Qarxa uu ka fuliyay Maqaayad lagu qaxweeyo oo ku taala magalaada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur galbeed.

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo faah faahin ka bixiyay qaraxaas ayaa sheegay in Qaraxa uu sababay dhimashada 2-qof, dhaawaca 5-kale iyo bur bur hantiyeed.

“Saaka barqadii abaare 11:15 AM, ayaa Qof Naftii-halige ah isku qarxiyay Maqaayad laga shaah cabo oo lagu magacaabo SUWEYS Cafetary ka soo horjeedka SALAAD JEERI Tower Xaafada  Bardaale ee Magaalada Baydhabo, qaraxa ayaa sababay dhimashada 2 qof,  dhaawaca 5 kale, Iyo burburhantiyed,” ayaa lagu yiray qoraal ka soo baxay taliska Booliska Soomaaliyeed.

Maqaayadda Naftii haliga ah uu weeraray ayaa lagu magacaabaa Suweys oo ku dhegan Hotelka Baydhabo oo ah goob shacabka ay isugu yimadaaan.

 

Naftii Halige weeraray maqaayad dad shacab ah ku sugnaayeen oo ku taalo Baydhabo

Qof naftiis halige ah ahaa oo soo xirtay Jaakadda Walxaha Qarxa ayaa isku qarxiyay Maqaayad lagu qaxweeyo oo ku taala magalaada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur galbeed.

Sida wararka hordhaca ah ay sheegayaan qaraxa waxaa ku dhintay 4-Qof, halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.

Maqaayadda Naftii haliga ah uu weeraray ayaa lagu magacaabaa Suweys oo ku dhegan Hotelka Baydhabo oo ah goob shacabka ay isugu yimadaaan.

Wixii ku soo kordha warka la soco.

Jarmalka oo ka digay Xiisadda u dhaxeeysa Ukraine iyo Ruushka April 10, 2021

Hogaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa ugu baaqdey in Ruushka inuu joojiyo ciidamada uu kusoo daabulayo xuduuda u dhaxaysa Ukraine iyo Ruushka, iyada oo laga cabsi qabo in ay xiisad dagaal ka qaraxdo gobolka Donbas.

Ciidamada Ukraine iyo jabhad uu taageero Ruushku oo doonaya in ay goostaan gobolkaas ayaa dagaalo waxa ay ku dhex mareen deegaankaas oo qaybo badan oo ka mid ah ay jabhadu qabsatey bishii Abril ee sannadkii 2014kii.

Dawladaha ku jira ururka NATO ayaa sheegay in qaabka keliya ee lagu soo afjari karo rabshadaha deegaankaas ka aloosani ay yihiin dulblamaasiyad, Mareykankuna dhowaan ayuu ka dalbay in Ruushku sharxo dhaqdhaqaaqyada uu ka wado deegaankaasi.