Ismaaciil Cumar Geele oo markii shanaad ku guuleystay madaxtinimada Jabuuti

Madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle ayaa markii shanaad loo doortay xilka madaxtinimo ee Dalka Jabuti,isagoo helay codad gaaraya boqolkiiba 98 ,sida lagu sheegay warar la shaaciyay saaka oo Sabti ah.

Illaa  215,000 oo muwaadiniin ah ayaa ka codeeyay doorashada madaxyinimo ee uu ku guuleystay Mr Geele,oo uu la tartamaayey nin ganacsade ah oo lagu magacaabo Sakariya

Qaraallo la soo dhigay baraha bulsha ayaa muujinaya saaka in  madaxweynaha uu hambalyo u diray dadka dalkaasi,isagoo uga hambalyeeyay sida habsamida leh ee ay u doorteen.

Xisbiyada Mucaaradka ayaa qaadacay tartanka doorashada madaxyinimo ee uu ku soo baxay Ismaaciil Cumar Geele,oo markii ugu horeysay talada dalka Jabuuti qabtay 1999

Ismaaciil Cumar Geelle oo markale ku guuleystay madaxtinimada Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii shanaad ku guuleysatay madaxtinimada wadankaas, kaddib markii uu helay 89.41% codadkii dadweynaha reer Jabuuti doorashadii shalay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti Muumin Axmed Sheekh ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadan sida laga baahiyay Tv-ga Dowladda Jabuuti, iyada oo ay dhaceen dabaaldegyo lagu soo dhaweeynayo doorashada Jabuuti.

Hadal kooban oo uu shalay jeediyay Madaxweyne Geelle, kaddib markii uu dhiibtay codkiisa ayuu sheegay inay doorashadu ay si nabad ah ku dhacday, isla markaana uu sugayo natiijada doorashada.

Madaxweyne Geelle, waxaa la tartamay ganacasade Zakariye Ismaaciil Faarax oo 57-jir ah, wuxuuna helay 1.59% tirada guud ee doorashadan, Zakariye oo ah shakhsi ku cusub siyaasadda Jabuuti ayaa musharraxnimadiisa baraha bulshada ku shaaciyay bishii Janaayo ee sanadkan.

Jarmalka oo ka digay Xiisadda u dhaxeeysa Ukraine & Ruushka

Hogaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa ugu baaqdey in Ruushka inuu joojiyo ciidamada uu kusoo daabulayo xuduuda u dhaxaysa Ukraine iyo Ruushka, iyada oo laga cabsi qabo in ay xiisad dagaal ka qaraxdo gobolka Donbas.

Ciidamada Ukraine iyo jabhad uu taageero Ruushku oo doonaya in ay goostaan gobolkaas ayaa dagaalo waxa ay ku dhex mareen deegaankaas oo qaybo badan oo ka mid ah ay jabhadu qabsatey bishii Abril ee sannadkii 2014kii.

Dawladaha ku jira ururka NATO ayaa sheegay in qaabka keliya ee lagu soo afjari karo rabshadaha deegaankaas ka aloosani ay yihiin dulblamaasiyad, Mareykankuna dhowaan ayuu ka dalbay in Ruushku sharxo dhaqdhaqaaqyada uu ka wado deegaankaasi.

 

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo ka qeyb galay kulan loogu duceynayay dhallinyaradii dhawaan lagu xasuuqay Shangaani

Kulankaan oo ahaa Duco iyo Qur’aan akhris loo sameynayay 12 dhallinyaro cayaartooy ah oo lagu laayay Degmada Shangaani gaar ahan Sedaxda Geed taarikhda markii ay ahayd 3-dii bishan  Abriil, halkaasi oo uu isku dhex qarxiyay ruux naftiis haliga ah oo ka tirsanaa kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Kulanka loogu baroordiiqayay ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, dhallinyaro culimaa’udiin, iyagoo Alle ugu baryay in janadul fardowso ka waraabiyo

Macalin Cabaas oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa Alle ugu baryay dhallinyaradaasi ku shahiiday qaraxii ka dhacay Shangaani in uu janadiisa ka waraabiyo.

Qaar ka mid ah dhallinyaradii ay saxiibada ahayeen marxumiintaasi ayaa ka sheekeeyay taariikhda saxiibaadood ee ay gumaadeen nabadiidka Al-Shabaab.

Wasiirk ku-xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaal ayaa sheegay in marnaba aysan ka niyadjabin dhallinyarada horumarina dalkooda, ayna gacmaha is qabsadaan oo ay gacan ka geystaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.

    

Mas’uuliyiin kala duwan oo ka qeyb galay buugga tacsida Allaha u naxariistee Marxuum Nabadoon Maxamed Aadan Rooble

Buuga tacsida Rabi ha u naxaristee Nabadoon Maxamed Aadan Rooble Xuud ayaa maanta ka furmay magaalada Guriceel ee Gobalka Galgaduud, waxaana uu Nabadoonka ka mid ahaa saxiixayashii Maamulka Galmudug oo si weyna looga yaqaanay degaannada Galmudug, gaar ahaan kaalintii uu kulahaaa Nabadeynta iyo ka shaqeynyta xasiloonida deegaannada Galmudug oo dhawaan ku geeriyooday Guriceel

Gogoasha Tacsida waxa ka qeyb galay Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan dowlad goboledka Galmudug,  Maamulada Samareeb iyo Guriceel, Waxgard uu ka mid yahay Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur iyo xubno kale.

Guddoomiyaha magaalada Guriceel Farxaan Cabdi Macalin oo furay buugga Tacsida ayaa ka hadlay doorkii Nabadoonku kulahaa nabadeenta, wuxuuna dadka ka soo qeyb galay kulanka ka codsaday in loo duceeyo.

Xildhibaan Mursal Maxamed Yuusuf  Xeefow iyo Xildhibaan Cibaado Shiino oo goobta ka hadlay oo sheekeeyay tariikhda Marxuumka ayaa waxa ay ku sifeeyeen in uu ahaa Nabadoon ka baxay guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Galmudug.

Qaar ka mid ah waxgardaka iyo cuqaasha ayaa u duceeyay Marxuumka, waxaana ay Alle uga baryeen inuu janadiisa ka waraabiyo.

Ugu dambeyn waxaa kulanka tacsida ka hadlay Duqa Caasimda Galmudud ee Samareeb iyo  Wasir ku-xigeenka Wasaarada Dhirta iyo Daaqa Galmudug, oo sheegay inay ka qeyb qaadanayaan tacsida Nabadoon Maxamed Aadan Rooble.

 

 

             

Ciidanka Xoogga dalka oo la wareegay deegaanno horleh oo dhaca Koonfurta Samareeb

Ciidanka xoogga dalka ayaa kusii dhawaanaya magaalada Ceel-laheley ee koofurta Gobolka Galgaduud oo saldhig muhiim ah u ahayd Argagixisada oo gebi ahaanba isaga cararay goobihii ay ka joogeen deegaankaas kadib markii ay ogaadeen in aysan u babac dhigi karin awoodda ku soo wajahan Deegaannada ay ka joogaan Gobolka Galgaduud.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug oo gaaray goobihii dhawaan ciidamada ay kala wareegeen dhagar qabayaasha Al-Shabaab ayaa u geeyay deeq raashin ah.

Xildhibaan Xaashi Daahir Diiriye oo ku hadlayay magaca Xildhibaannada Galmudug ayaa sheegay in ujeedka socdaalkooda ay la xiriirto u kuurgelidda xaaladda ay ku suganyihiin ciidamada iyo inay garabtaaganyihiin geesiyaasha u taagan inay cadowga ka xoreeyaan deegaannada Gobolka Galgaduud ku dhuumaaleysanaya.

“Maanta waxaan soo booqanay aagga hore ee ay ciidamada dagaalka kula jira Nabad diidka Khawaarijta, maanta waxaan joognaa Labi dulle oo shalay laga sifeeyay argagixisada, waan idin bogaadineynaa guulaha aad gaarteen”

     

Mashruuc indha fiiqis lacag la’aan ah oo ka bilowda Muqdisho

Munaasabad lagu daah furayay mashruuc indha fiiqis ah, baaris iyo daween caafimaad, laguna siinayo muraayadaha araga (ookiyaal) lacag la’aan ah kaasi oo ay ka faa”iideysanayaan toban kun 10,000 oo ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta iskuulada ku yaala magaalada Muqdisho oo uu soo qaban qaabiyay maamulka Isbitaalka Jaziira iyo Maamulka Jaamacadda Aadan Cadde ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho

Barnaamijkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay maamulka Jaamacadda Aadan Cadde dhakhaatiir ka socota qaar ka mid ah isbitaalada ku yaala magaalada Muqdisho, aqoonyahanno iyo marti sharaf kale .

Dr Maxamed khaliif oo ka mid ah dhakhaatiirta Indhaha ee ka howlgala Isbitaalka Jaziira oo ka hadlay muhiimadda barnaamijkan uu u leeyahay ardayda Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in laga faa’iideysto fursadan.

Guddoomiyaha qeybta Indhaha ee Jaamacadda Aadan Cadde Dr Cali Khaliif ayaa sheegay in barbaamijkan ay ugu tala galeen in ay ka faa’iideystan si bilaash ah Ardayda Soomaaliyeed.

Dr Cali Baashi oo ka mid ah dhakhaatiirta Soomalaiyeed ayaa soo jeediyay in la balaariyo howlaha wax loogu qabanayo bulshada, si dad badan ay fursadan uga faa’iideystaan.

Guddoomiyaha Jaamacadda Aadan CaDde Prof Cabdiqaadir Axmed Mahad ayaa sheegay barnaamijkan ay ka faa’iideysan doonaan arday dugsiyada sare iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay.

       

 

Faa’iidada maalgashiga iyo sare u qaadidda ganacsiga oo lagu qabtay Gaalkacyo

Si loo helo kabac dhaqaale iyo ganacsi horumarsan, isla markaana dhamaan bulshada u furan  in ay doorkooda ka qaataan  ayaa  lagu qabtay qabtay magaalada Gaalkacyo kulan  ay soo agaasintay shirkadda Isgaarsiinta SOMTEL

Kulanka oo ay ka soo qeyb galeen qaar ka mid ah mas’uuliyiinta ugu sareysa shirkadda iyo wakiilada u fadhiya deegaannada Galmudug iyo sidoo kale waxgarad ganacsato iyo mas’uuliyiin ka tirsan kuwa dowlad gobaleedka Galmdug.

Wakiilka shirkadda Dahabshiil ee Gobalka Mudug ee Galmudug Cabdullahi Axmed Faarax iyo agaasime ku-xigeenka Waaxda ganacsiga ahna madaxa suuq geynta iyo xirrirka dadweynaha Axmed Ciise Xaaji ayaa ugu horeyn ka hadlay ujeedka soo bandhigidda saami ka noqashada shirkada SOMTEL

Intaas kaddib waxaa ganacsatadii iyo waxgardkii ka qeyb galay kulanka ay bogaadiyeen qorshaha ay soo bandhigtay shirkadda oo ay sheegeen in wax weyn uu kusoo kordhin karo sare u qaadidda ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha ganacsatada yar yar ee dalka.

Ugu danbeyn waxaa kulanka soo xiray Maareeyaha Guud ee shirkadda SOMTEL Cabdiraxmaan Isaaq Cali oo sharaxaad ka bixiyay qaabka saamiyada shirkadda soo bandhigtay looga faa’iideeysan karo.

          

Puntland oo sheegtay in degaannadeeda uu sii kordhay kiisaska COVID-19

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in Puntland uu kordhay xanuunka Covid19, waliba dhimashadu ay korortay ilaa bilaAwgii sanadkan 2021 gaar ahaan 2 bilood ee la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa sheegay meelaha ugu daran ay tahay magaalooyinka waaweyn si gaar ah magaalada Galkacyo oo culayska ugu badan uu ka jiro, waxaana uu ugu baaqay shacabka  inay soo celiyaan kordhiyaana taxadarka iyagoo isticmaalaya waxyaabaha looga hortagayo sida Afxirka,kala fogaanshaha iyo yaraynta isku imaatinka aan muhiimka ahayn, sidoo kalena qofkasta oo iska shakiya uu tago xarumaha baaritaanka.

Wasiirka ayaa ka hadlay in Puntland uu ka socdo tallaalka Covid19, kaasoo loogu talagalay in wajiga koowaad ay qaataan dadka waaweyn ee la nool xanuunada kala duwan, shaqalaha caafimaadka, macalimiinta iyo ciidamada Booliiska.

Wasiirka waxa uu xusay in wali in badan oo ka mid ah dadka waaweyn oo khatarta ugu weyn ku yahay xanuunku aysan tallaalka qaadan, wuxuuna rajeeyay inay qaataan si ay uga badbaadiyaan naftooda.

Wasiirka ayaa ugu danbeyn sheegay in hadii xaaladu sidaan ka sii darto, dadkuna ayaan qaadan fariimaha caafimaad ay amaro culus soo saari doonaan, iyaga oo la tashan doona guddiga heer dawladeed ee Covid19.

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Galmudug oo ka tacsiyeeyey geerida Nabaddoon Maxamed Aadan Rooble “Xood

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor ayaa ka tacsiyey geerida ku timid Allaha u naxariisto Nabadoon Maxamed Aadan Rooble “Xood”
oo saakay ku geeriyooday magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Marxuumka ayaa lagu xasuusan doonaa doorkii uu ku lahaa nabadeynta , dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska Galmdug loo dhanyahay , waxaana una ka mid ahaa nabadoonada ugu firfircoonaa Deegaanada Galmudug.

Alle ha u naxariisto Marxuum Maxamed Aadan Rooble “Xood” oo maalmahan xanuunsanaa ayaa saakay ku geeriyooday Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.