Ismaaciil Cumar Geele oo markii shanaad ku guuleystay madaxtinimada Jabuuti

Madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle ayaa markii shanaad loo doortay xilka madaxtinimo ee Dalka Jabuti,isagoo helay codad gaaraya boqolkiiba 98 ,sida lagu sheegay warar la shaaciyay saaka oo Sabti ah.

Illaa  215,000 oo muwaadiniin ah ayaa ka codeeyay doorashada madaxyinimo ee uu ku guuleystay Mr Geele,oo uu la tartamaayey nin ganacsade ah oo lagu magacaabo Sakariya

Qaraallo la soo dhigay baraha bulsha ayaa muujinaya saaka in  madaxweynaha uu hambalyo u diray dadka dalkaasi,isagoo uga hambalyeeyay sida habsamida leh ee ay u doorteen.

Xisbiyada Mucaaradka ayaa qaadacay tartanka doorashada madaxyinimo ee uu ku soo baxay Ismaaciil Cumar Geele,oo markii ugu horeysay talada dalka Jabuuti qabtay 1999