Wasiirka Ganacsiga XFS iyo Safiirka Turkiga oo ka wadahadlay heshiisyo khuseeya dhaqaalaha iyo Ganacsiga

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Md. Khaliif Cabdi Cumar oo maanta booqasho ku tagay xarunta safaaradda Turkiga ee Muqdisho, ayaa halkaas kulan kula qaatay safiirka dawladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Amb Mahmet Yilmaz.

Wasiirka oo ay wehelinayeen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda, ayaa waxay Safiirka ka wada-hadleen dar-dar-gelinta iyo dhammeystirka heshiiska iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga ee u dhaxeeya labada dal kaas oo ahmiyad weyn u leh kobaca dhaqaalaha, shaqo-abuurka, ganacsiga iyo maal-gashiga.

Dhinacyadaasi,waxaa kale oo ay ka wada-hadleen dheeli-tirka ganacsiga labada wadan, dhiiri-gelinta iyo kor-u-qaadista wax-dhoofinta iyo in suuqyo ganacsi loo helo wax-soo-saarka Soomaaliya gaar ahaan in dalagyada ka soo go’a beeraha Soomaliya si toos ah looggu iib geeyo suuqyada wadanka Turkiga.

Kulankaasi mudadii uu socday waxay labada mas’uul isla-garteen dhisidda guddi farsamo oo ka shaqeysa saxar-tiridda iyo dhammeystirka heshiiskaasi ka hor inta aan la saxiixin.

Md. Khaliif Cabdi Cumar, ayaa dawladda aan walaalaha nahay ee Turkiga iyo shacbigeeda ba ku amaanay doorka wanaagsan ee ay ka qaateen horumarka iyo dib-u-dhiska wadanka Soomaaliya, waxaana uu rajeeyey in sida ugu dhakhsiyaha badan guul loogga gaadhi doono dhammeystirka heshiiska TEPA ee u dhaxeeya labada wadan maadaama muddooyinkii dambe laga shaqeynaayey heshiiskaasi.

Ambassador Mahmet Yilmaz, ayaa dhankiisa wuxu Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya uu ku boggaadiyey dedaalka uu ugu jiro horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga ee Soomaaliya, waxaana uu sheegay inay ka dawlad ahaan ay ka go’an tahay inay mar walba bar-taagnaadaan walaalahooda Soomaaliya isaga oo carabka ku adkeeyey in heshiiska TEPA uu kor u qaadi doono iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay Kiisas cusub oo Covid-19

Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinteeda maalinlaha ah ee xogta COVID-19 ku sheegtay in 24 saac ee la soo dhaafay cudurka COVID-19 laga baaray  1176 ruux.

Warbixinta maalinlaha ah ee Wasaaradda Caafimaadka ee xogta COVID-19 ayaa lagu sheegay in la diiwaan geliyey 160 bukaan cusub oo la nool cudurka COVID-19 , taas oo ka dhigan in weli ay jirto khatarta uu dalkeena ku haayo cudurka safmarka ah ee COVID-19.

Sidoo kale wasaaradda ayaa shaacisay in 24 saac ee la soo dhaafay ay  11 qof ay u dhimatay cudurka COVID-19 halka ay ka bogsadeen 65 qof.

Cudurka COVID-19  ayaa u muuqdo mid sii faafaya ayadoo ay jirto in bulshada Soomaaliyeed intooda badan aysan muujineyn taxadarka ka hortaga cudurka COVID-19 , wasaaradda caafimaadka ayaa wado dadaalo lagu wacyi gelinayo bulshada Soomaaliyeed.

Qoysas ka soo barakacay Argagixisada Al-Shabaab oo xaalad adag wajahayo

Muqdisho-Boqolaal qoys oo ay kooxda argagaxisada ah ee Alshabaab ku qasabtey in ay isaga tagaan deegaanadii ay ku noolayeen ee koonfurta gobolka Mudug iyo bariga Galgaduud ayaa bilihii ugu dambeeyay xaalad nolol xumo oo aad u adag kuwajaha Xaafado ka mid ah Magaalada Dhuusamareeb oo ay soo maciin bideen.

Qoysaskan oo aan heysanin hanti iyo hooy toona ayaa badankood dulsaar ku ah reero kale waxayna iminka dalbanayaan in gacan laga siiyo sidii ay bisha Ramadaan ee nagu soo fool leh u heli lahaayeen afurin iyo Kaalmo dhinac walba ah.

Gudoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb macalin Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geedaqoroow oo booqdey qoysaskan ayaa ugu baaqey ummada muslimka ah iyo cid kasta oo caawin karta in ay lasoo gaarto Kaalmo fadliga bisha Ramadaan aawgeed.

Qoysaskan oo Argagaxisada Alshabaab ay ku qasbeen in ay caruurtooda soo warerjiyaan si ay ugu adeegsadaan gumaadka shacabka Soomaaliyeed ayaa taasi ka doorbidey in ay isaga soo tagaan xoolihii ay dhaqayeen iyo noloshii ay ku heysteen Deegaanada ku dhow Degmada Xarar-dheere ee Gobolka, waxa ayna iminka rajeynayaan in laga caawiyo culeesyada heysta gaar ahaan taakulada ay filayaan bisha Ramadaan

Wasiir Beyle: Waxaa naga go’an inaan horumarino wax soo saarka iyo fikrdaha cusub ee dadkeena

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda federaalka Soomaaliya Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta Xafiiskiisa kulan kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Abdi Sheikh oo ay ka wada hadleeyn dar-dargalinta dakhliga qeybaha Isgaarsiinta dalka.

“Waxa aan maanta kulan muhiim ah Xafiiskayga kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Abdi Sheikh oo aan ka wada hadalnay dar-dargelinta dakhliga qeybaha Isgaarsiinta dalka, Waxaana naga go’an in aan horumarino wax soo saarka iyo fikradaha cusub ee wax tarka u leh dadkeena iyo dalkeena”. ayuu yiri Wasiir Beileh

Sidookale Wasiirka ayaa sheegay in ay muhiimad gaar ah u leeyihiin isku xirka bulshada Hey’adaha Isgaarsiinta dalka  kobcinta dhaqaalaha iyo sare uqaadidda Dakhliga gudaha.

 

Meydadka 75 kamid ah maleeshiyaadka Al Shabaab oo la soo bandhigay

Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan deegaanka Awdhiigle ee gobolka Sh.hoose ka tirsan ayaa soo bandhigay meydadka 75 kamid ah maleeshiyaadka Al Shabaab kuwaas oo looga dilay weerar ay isku dayeen inay shalay ku qaadaan fariisimo ciidanku halkaas ku leeyahay.

Tiro kale oo badan ayaa dhanka kale looga dilay Bariire, kuwaas oo la rajaynayo in saacadaha soo socda la soo bandhigo.

Alshabaab ayaa dharbaaxo aysan ka soo waaqsan karin kala kulmay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Maamulka degmada Gaalkacyo oo wado olole lagu soo celinaayo bilicda magaalda Gaalkacyo.

Olalahan oo qeyb ka ahaa bur burinta dhismayaasha sharci darada ah oo uu maamulka dagmada Galkacyo ee  Galmudug usoo bilaabay 6dii bishii maarso ee sanadkan ayaa saaka maamulka dagmada Galkacyo waxa ay ka sameeyeen xaafada Horseed ee magaalada Gaalkacyo.

Howlgalka bur burinta maanta ayaa intii uu socday waxaa lagu bur buriyay dhismayaal si sharci dara ah looga dhistay wadooyin ku yaalay xaafada Horseed iyadoo sidoo kalana lagu furay 4 wado oo xirnaa kuwaas oo dhibaatooyin dhanka marida ah lagu qabay.

Gudoomiyaha xaafada horseed ee magaalada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Axmed Cabdi Goobe ayaa intii ay socdeen howlgalada uga warbixiyay warbaahinta qaranka isagoo dhanka kalana shacabka faray in ay u hogaansamaan awaamiirta maamulka.

Agaasimaha waaxda arimaha bulshada maamulka dagmada Gaalkacyo Muxyadiin Samatar Sheekeeye ayaa isna uga mahad celiyay shacabka galkacyo garab istaaga maamulka ee ku Aadan qorshaha hagaajinta iyo dib usoo celinta magaalada Gaalkacyo

Sidoo kale Gudoomiyaha dagmada Galkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale ayaa intii uu socday howlgalka hagaajinta bilicda magaalada ayaa kormeeray sida ay usoo socoto howshu.

Duqa Muqdisho: Argagixisadu waxay si bareer ah uga soo horjeedaan nolosha iyo horumarka ummadda Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka tacsiyadeeyay Qaraxii xalay ka dhacay degmada Shangaani.

Inaa Lillaahi Wa Innaa Ileehi Raajicuun.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish oo ka tacsiyadeenaya Falkii Caawa ka dhacay Degmada Shangaani ayaa yiri.

“Anigoo ku hadlaayo Magaceeyga, kan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowlada Hoose ee Xamar waxaan tacsi tiiraanya leh u diraaya Qoysaskii iyo Ehelkii ay ka baxeen Walaalihii Soomaaliyeed ee ku shahiiday falkii Bahalnimada ahaa oo ay argagixisada ka geesteen goob ay bulshada isugu yimaadaan oo kutaala degmada Shangaani, waxaan sidoo kale caafimaad deg deg ah Alla uga baryaaya in uu siiyo dadkii ku dhaawacmay Musiibadaasi”.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxa uu yiri.

“Waxaa hubaal ah in Al-shabaab ay ku fashilmeen in ay kusoo gambadaan Diinta Islaamka oo ah mid Suuban oo Naxariis badan, Argagixisada waxa ay si bareer ah uga soo horjeedaan nolasha iyo horumarka umada Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaan ugu baaqayaa bulshada gobolka Banaadir in si Wadajir meel loogu soo wada jeesto ciribtirka Cadowga”.

Ciidanka Xoogga oo la wareegay fariisimo ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa cagta mariyey fariisimo kooxaha Khawaarijtu ay ku lahaayeen deegaano dhanka koonfureed kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada ayaa burburiyay fariisimo gabbaad u ahaa kooxaha argagixisada Al-Shabaab ,kuwaas oo kala ah Sinadhaqo iyo Labi-dulle oo ay ka soo abaabuli jireen falal khalkhal ku ah amniga.

Taliyaha Guutada 15-aad, Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Gen: Mascuud Maxamed Warsame oo ka mid ah Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalkaan ayaa tilmaamay in ciidamadu ay wali kusii raad joogaan firxadka argagaxisada laga ceyriyay deegaanadaasi,isagoo intaa raaciyay in gebi ahaan la soo afjari doono doono goobaha ay wali kusii dhuumaaleysanayaan.

Taliska Ciidanka Xoogga oo sheegay in tiro badan oo argagixiso ah lagu dilay Gobolka Sh/Hoose

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka General Maxamed Tahliil Biixi oo Goordhaw la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay dagaalkii saaka ka dhacay Bariire iyo Awdheegle  lagu dilay 76 ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab isla markaana ku dhawaad 10 maxaabiis ah oo qaar dhaawac yihiin ciidanku gacanta ku hayaan.

Taliye Biixi  waxaa uu intaas ku daray in jabkii ugu xooganaa ebed lagu gaarsiiyey Argagixisada Al-shabaab dagaaladii maanta dhacay.

Kooxda Al-shaab ayaa saqdii dhexe ee xalay werar gaadma ah kusoo qaaday deegaanadda Bariiri iyo Awdheegle hase ahaate Ciidamada Xoogga gaar ahaan kuwa Gor-Gor iyo 14-ka octobar ayaa qasaaro xoogan gaarsiisay isla markaana fashilayay weerarkii ay soo qaadeen.

Boliiska Bari oo gacanta ku dhigay rag geystay fal dhaawac ah iyo dhac Gaari

Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud  ayaa sheegay in Ciidanka Booliska ay ku guuleysteen soo qabashada Rag buracad ah oo dhaawac iyo dhacba  u geeystay qof shacab ah oo kamid ah dadka ku dhaqan magaalada Boosaaso ee xarunta Goabalka Bari,.

Ciidamada Booliska ayaa howlagalo sacadihii la soo dhaafay ay ka sameyeen duleedka magaalada Boosaaso ku soo qabtay laba nin oo burcad ah iyo gaari nooca raaxada ah oo ka diiwaan gashanaa dowladda hoose ee Boosaaso.

Taliyaha ayaa tilmaamay in labadan nin  ee la soo qabtay ay xiran yihiin islamarakana ay ku  socdaan baaritaano dheraad ah, waxaana goobta Gaariga ay ku soo bandhigayeen ciidamada Booliska goobjoog ka ahaa Saraakiil ka tirsan Booliska gobalka.