Tallaalka COVID-19 oo si rasmi ah looga daah-furay Gaalkacyo

Waxaa Maanta Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ka bilaawday Tallaalk COVID-19.

Tallaalka ayaa lagu bilaabay Mas’uuliyiinta kala duwan ee katirsan Maamulka Galmudug . Waxaana ka mid ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug Mudane: Axmed Xasan Cali oo noqday qofkii ugu horreeyay oo qaata Tallaalka Maanta.

Waxaa goobjoog ahaa xubno farabadan oo ka tirsan Maamulka Galmudug waxaa kamid ahaa Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr: Mahad Caabi Ciise, Duqa Dagmada Gaalkacyo mudane: Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale , Guddoomiyaha Culumada Galmudug Sheekh Muxudiin Yuusuf iyo Xildhibaanno .

Mas’uuliyiinta ayaa u jeediyay Bulshada ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo dardaaran ku aaddan Tallaalka COVID-19.

Sheekh Muxyadiin Yuusuf oo isagu ah Guddoomiyaha Culumada Galmudug oo ka hadlay madasha ayaa yiri ” Tallaalku waa wax Muhiim ah Diinta Islaamku way banaysay ka hortaga Cudurada “.

Duqa Dagmada Galkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ayaa Isna Ugu Baaqay Shacabka Gaalkacyo Inay Qaataan Tallaalka si loo yareeyo Khatarta COVID-19.

 

R/wasaare Rooble oo shir guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada XFS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble aya shir guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukumadda Faderaalka Soomaaliya oo ku qabsoomay habka fogaan aragga.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shirka uga warbixiyay halka ay marayaan dadaallada iyo wadahadallada arrimaha doorashooyinka dalka ee u dhexeeya Dowladda Federaalka ah, Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa shirka Golaha Wasiirrada siiyay Warbixin la xiriirta Dacwadda Badda Soomaaliya ee dhawaan ay dhageysatay Maxkamadda Caddaaladda Adduunka.

Shirka ayaa sidoo kale lagu dhageystay warbixinno la xiriira amniga dalka iyo dadaallada dowladdu ku xakameyneyso caabuqa COVID-19 iyo qodobbo kale.

Wasiir Beyle oo Guddoomiyey shir looga hadlayay dardar gelinta dakhliga dalka

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa guddoomiyay shirka khamiislaha ee dardar gelinta dakhliga dalka.

Shirka oo ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyadda Wasaaradda Maaliyadda iyo Saraakiisha Booliska canshuuraha ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray kor u qaadista dakhliga dalka iyo horumarinta qaadista canshuuraha.

“Kordhinta dakhliga gudaha waa mudnaanteena koowaad si aan u gaarno horumar waara oo ku dhisan dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo la shaqeyneynta ganacsatada si aan kor ugu qaadno Dakhliga dalkeen,” ayuu ku yiri Wasiir Beyle qoraal uu soo dhigay Boggiisa Facebooka.

La wadaag cid kale

Galmudug oo laga xoreynayo Kooxda Khawaarijta Al-Shabaab

Cadaado– Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka General Maxamed Caddow Cali {Sanka} ayaa Kormeer shaqo ku tegay xeryaha ciidanka kaga sugan yihiin degmada Cadaado ee gobolka Galmudug.

Ujeedka kormeerka taliyaha ayaa ah sidii ciidanka loogu dhiira gelin lahaa go’aanka geesinimada leh ay u qaateen Difaaca dadka iyo dalka Soomaaliyeeda iyo in ay ciribtiraan argixisada.

Sidoo kale, General Maxamed Caddow Cali {Sanka}ayaa ku booriyay ciidanka xoogga dalka ee ku sugan xeryaha ciidanka Cadaado in ay u diyaargaroobaan howlgalo looga xoreynayo Galmudug kooxaha Khawaarijta Al-Shabaab.

 

Tababar loo soo xirey Askar ka tirsan Ciidanka Boliiska

15 askar oo ka tirsan booliiska Soomaaliya gaar ahaan hogaanka Daraawiishta ayaa tababar kor loogu qaadayo xirfadaha; sida naf badbaadinta, tiiraanyo bixinta iyo daryeelka dadka dhaawac ah ku qaatay magaalada Muqdisho.

Tababarka oo socday 12 maalin waxaa bixinayay saraakiil ka tirsan howlgalka Midowga Yurub u qaabilsan tababarada ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ee loo soo gaabiyo EUTM.

Xafladda tababarka loogu soo xirey ayaa waxaa ka qeybgalay saraakiil ka tirsan ciidanka qalabka sida iyo kuwa Midowga Yurub.

La wadaag cid kale

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Saraakiil ka tirsan Midowga Yurub oo ka wada hadlay arrimo muhiim ah

Taliyaha ciidanka xoogga dalka, sareeyo guuto Odowaa Yuusuf Raage, ayaa taliyaha howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM) kala hadlay xoojinta kor u qaadista tababarka ciidanka xoogga , ka dib kulan ay ku yeesheen xarunta wasaaradda gaashaandhigga.

Howlgalka Midowga Yurub u qaabilsan tababarada ciidanka xoogga dalka ayaa ka shaqeeya sare u qaadista tayada iyo qalabka ciidanka.

Taliyaha ayaa saraakiisha EUTM ugu mahad celiyay taageerada ay siiyaan taliska ciidanka xoogga isagoo ka codsaday in ay sii labo laabaan shaqada dib u dhiska ciidanka xoogga dalka.

Saraakiisha howlgalka EUTM ayaa dhankooda muujiyay sida ay ugu qanacsan wada shaqeynta kala dhaxeysa taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

La wadaag cid kale

Guddomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay Degmooyinka shangaani iyo Cabdicasiis

Guddomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqodisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) kulan la tashi ah galabta la qaatay  Bulshada Degmooyinka Shangaani iyo Cabdacasiis.

Kulankaan oo ahaa wada tashi iyo is dhagaysi uu Guddomiyaha Gobolka ka dhageestay isagoo ka jawaabayay su’aalo toos ah oo ay ka qaybgalayaasha kulanka weydiinayeen.

Dad-weynihii ka soo qayb galay kulankaan ayaa wax ka weydiinayay Duqa Magaalada Arrimaha adeegyada Bulshada, dib u dhiska iyo shaqa abuurka Dhallinyarada, iyadoo Duqa Magaalada ow la wadaagay qorshayaaha Gobolka ee ku aadan wax ka qabashada soo jeedimaha shacabka degmooyinka shangaani iyo Cabdacasiis.

Kulamada nuucaan oo kale  ah ayuu Maamulka Gobolka Bananadir ugu tala galay in fursad loo siiyo shacabka inay si toos ah ula hadlaan Madaxda heer Gobol iyo heer Degmo.

 

La wadaag cid kale

Shirka Golaha Wadatshiga Qaran Oo Looga Hadli Doono Ammaanka!

Shirka Golaha wadatashiga Qaran ee dhammeystirka Doorashooyinka dalka oo soo bilaabmay maalintii isniintii ayaa maanta oo khamiis ah galaya maalintii Afraad, waxay madaxdu shalay ka doodeen is afgaradkii lagu gaaray magaalada Baydhabo ee ay Guddiga farsamada arrimaha doorashooyinku soo gudbiyeen.

Goordhow ayaa la filayaa inuu shirka furmo, waxaana guddoominaya madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo, iyadoo ay ka qeyb galayaan Ra’iisul wasaraha JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayaasha maamul goboleedyada iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Ajendayaasha kulanka maanta ayaa waxa ugu muhiimsan, Sugidda Amniga Doorashooyinka dalka, balse marka hore warbixin arintaasi ku saabsan waxa laga dhagaysan doonaa Guddiga Amniga Qaranka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga xun tahay falkii foosha xumaa ee maanta ka dhacay magaalada Dhahar

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga xun tahay falkii foosha xumaa ee maanta ka dhacay magaalada Dhahar ee Gobolka Sanaag oo ay ciidamada Amniga Puntland si ula kac ah xoog iyo xabad ugu adeegsadeen bulshada ku dhaqan magaaladaas oo samaynayay banaanbax nabadeed.

Fal kasta oo waxyeello loogu geysanayo shacab aan hub wadan waa mid aan la aqbali karin.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku baaqaysaa in la ilaaliyo nabadda iyo xasiloonida, shacabkana la dhawro.

India Oo Joojisay Dhoofinta Talaalka COVID-19 Ee Oxford-AstraZeneca!!

India ayaa si ku meel gaar ah u joojinaysa dhoofinta talaalka coronavirus ee Oxford AstraZeneca, sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda.

Talaabadan ayaa lagu micneeyay in dalab badan oo talaalka ah uu ka jiro gudaha wadanka, kaas oo isa soo tarayay todobaadyadii u dambeeyay.

Sidoo kale, Arbacadii shalay aheyd ayaa la diiwaan geliyay  47,000 kiis halka 275 dhimasho ah la soo wariyay.

Saraakiishu waxay sheegeen in ilaa bish Abril uu socon doono joojinta talaalka.

In ka badan 190 wadan ayaa oo ku jira hindisaha Covax ee WHO ay ku doonayso in talaalka lagu gaarsiiyo ayuu saameyn doonaa go’aanka New Delhi.

Machadka ugu weyn India ee soo saara Talaalka ee Serum ayaa sheegay in uu dib u dhigay shixnad talaalka Oxford AstraZeneca ah oo ay aheyd in la geyn lahaa dalalka UK, Sacuudi Carabiya, Morocco iyo Brazil.

India ayaa in ka badan 60 milyan oo kuuro oo talaal ah u dhoofisay 76 dal, talaalkaas oo u badnaa Oxford AstraZeneca.

Machadka Serum ayaa sheegay in uu soo saari doono hal bilyan oo kuuro ah oo talaal ah sanadkan, kuwaas oo la siin doono dalalka dhaqaalahooda meel dhexaadka yahay iyo kuwa hooseeyo.

Waxaa uu intaas ku daray in ilaa bishiis Janaayo uu soo saaray inta u dhexeysa 60 ilaa 70 milyan oo kuuro oo talaal ah bishii.

Sida uu hadda qorshuhu yahay machadka wuxu soo saaro doonaa todobada bilood ee soo aadan 600 oo milyan oo kuuro halka bishii uu qorsheeyay 85 milyan uu soo saaro.