Shirka Golaha Wadatshiga Qaran Oo Looga Hadli Doono Ammaanka!

Shirka Golaha wadatashiga Qaran ee dhammeystirka Doorashooyinka dalka oo soo bilaabmay maalintii isniintii ayaa maanta oo khamiis ah galaya maalintii Afraad, waxay madaxdu shalay ka doodeen is afgaradkii lagu gaaray magaalada Baydhabo ee ay Guddiga farsamada arrimaha doorashooyinku soo gudbiyeen.

Goordhow ayaa la filayaa inuu shirka furmo, waxaana guddoominaya madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo, iyadoo ay ka qeyb galayaan Ra’iisul wasaraha JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayaasha maamul goboleedyada iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Ajendayaasha kulanka maanta ayaa waxa ugu muhiimsan, Sugidda Amniga Doorashooyinka dalka, balse marka hore warbixin arintaasi ku saabsan waxa laga dhagaysan doonaa Guddiga Amniga Qaranka.