Wasiir Beyle oo Guddoomiyey shir looga hadlayay dardar gelinta dakhliga dalka

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa guddoomiyay shirka khamiislaha ee dardar gelinta dakhliga dalka.

Shirka oo ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyadda Wasaaradda Maaliyadda iyo Saraakiisha Booliska canshuuraha ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray kor u qaadista dakhliga dalka iyo horumarinta qaadista canshuuraha.

“Kordhinta dakhliga gudaha waa mudnaanteena koowaad si aan u gaarno horumar waara oo ku dhisan dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo la shaqeyneynta ganacsatada si aan kor ugu qaadno Dakhliga dalkeen,” ayuu ku yiri Wasiir Beyle qoraal uu soo dhigay Boggiisa Facebooka.

La wadaag cid kale