Wasiirka Qorheynta oo la kulmay hay’adaha Masiibooyinka Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Qorheynta Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukumadda Faderaalka Soomaaliya, mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay xubno ka socday Hay’adaha Gar-gaarka Arrimaha Beni’aadanimmada iyo Masiibooyinka Puntland.

Kulanka waxaa loo ga hadlay saameynta duufanta GATI ee ku dhuftay deeganada Bari ee Dowlad Goboleedka Puntland.

Cabdicasiis Cabdullaahi Axmed oo ah Maamulka Hay’adaha Gargaarka Arrimaha Beni’aadanimmada iyo Masiibooyinka Puntaland ayaa sheegay in saameyn ay ku yeelatay dhul baxaadleh’ oo ay ka midyihiin Xaafuun, Isku shuban, Gurdiya, Baargeele, Boosaaso iyo tuulooyin kale ah.

“Mudane Wasiir Duufaanta GATI waxa ay sababatay geerida 12 ruux oo 8 Yemaniyiin tahay iyo Afar Soomaali ah, sidoo kale qiyaasta dadka ay saameysay ayaa gaaraya 200 oo qoysas ah oo ku kala nool deegaannada Xaafuun, Iskushuban, Gurdiya iyo Baargeele.

Halka Boosaso ay saameyn ku yeelatay Afar boqal oo kun oo Barakacyaal ah, xoolo fara badan oo isugu jira Geel, Ari ayey galaafatay Duufunta, waxa ay jartay Isgaarsiinta iyo koronta oo ay dhulka la gashay Duufaanta GATI,

Waxaan ku soo gaarsiinay dhibaatada halkaasi ka jirta Mudane Wasiir waxaan codsaneynaa in gurmad deg-deg ah lala soo gaaro” ayuu yari Cabdulcasiis.

Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Xukuumaadda Federaalka Somaaliya ayaa walaac ka muujiyay xajmiga ay ku dhuftay Duufanta GATI deegaanada Mamullka Puntland, waxuuna hoosta ka xariiqay ka Wasaaradd ahaan ay diyaarinayaan isku dubaridka hay’adaha Gar-gaarka deg-dega ah ee isugu jira kuwa dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ugu jawaaban xaaladda Beni’aadannimo ee ka jirto halkaasi.

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan waxaa kulanka ku wehliyay Madaxa Xafiiska Xalka-waara, Zahra Cabdi Maxamed iyo Masuu’iliyiin ka tirsan Wasaaradda Qorsheynta Maal-gaashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ethiopia oo Bilaabaysa Wajigii u Dambeeyay Howlgalka Gobolka Tigree.

Militiriga Ethiopia wuxuu bilaabi doonaa wajigii u dambeeyay howlgalka ka dhanka ah mucaaradka gobolka Tirgee, sidaa waxaa sheegay ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo bayaan soo saaray khamiistan maanta ah.

Hadalkan ayaa imaanaysa xilli uu dhammaaday 72 saac oo uu ra’iisul wasaaraha u qabtay in ay isku soo dhiibaan dagaalyahnada TPLF.

“72- saac oo aan siinay dambiiliyaasha TPLF in ay isku soo dhiibaan waa uu dhammaaday howlgalka ciidankeena wuxuu galayaa wajigii u dambeeyay,” ayuu Twitter ku soo qorey.

Waxaa uu intaas ku daray, in shacabka loo tureyo isla markaana horey waxaa isku soo dhiibay kumanaan dagaalyahno ah.

Wakaaladda wararka Reuters oo warkan qortay saaka ayaa sheegtay in aysan awoodin in xiriir la sameyso TPLF, sidaas awgeed sheegashada labada dhinac si madaxa banaan looma xaqiijin karo, sidoo kale isgaarsiinta degaanka ayaa hawada ka maqan.

Ergay ka socda midowga Afrika ayaa ku sugan Ethiopia waxayna ka codsadeen madaxda dalka in arrintan nabad lagu dhammeeyo, kooxaha xuquuqul insaanka ayaa ka walaacsan dagaalka waqooyiga Ethiopia ayagoo ka cabsi qaba in waxyeelo ka soo gaarto shacabka.

Abiy ayaa 72 saac u qabtay TPLF in ay hubka dhigaan haddii kalena ay wajahi doonaan dagaal adag, buuraleyda ku heeran xarunta gobolka Tigree ee Mekelle ayaa la isku hayaa, magaalada waxaa ku noo 500,000 oo ruux.

Kumanaan shacab ah ayaa la aaminsan yahay in ay ku dhinteen dagaalka, sidoo kale waxaa jira burbur aad u bahsan oo ay sababeen duqeymaha dhanka cirka ah, affarta bishan ayuu bilowday dagaalka u dhexeeya militiriga Ethiopia iyo xooggaga jabhadda xoreynta dadka Tigree ee TPLF, in ka badan 42,000 oo qof ayaa u kala qaxay dalalka Suudaan iyo Eritrea.