Dhallinyaradda is abaabulay oo dhaqallo uruurin u sameyay dadkii ku wax yeelobay fatahaadaha wabiga shabelle

Kullan ay dhalinyarada isxilqaamayaasha Puntland oo ka kala yimid magaalooyin kala duwan ku qabteen magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa waxay kaga hadleen sidii loogu gurman lahaa dadka ku waxyeeloobay Fatahaada Wabiga Shabeelle ka sameeyay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Kullanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Puntland Mudane Cabdirishiid Ismaaciil Maxamed (Capitano) ,Qaar kamida maamulka iyo macalimiinta Jaamacadaha Puntland, waxgarad,Nabadoono iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, waxa ayna dhammaantood isku raaceen in si deg deg ah loogu gurmado Shacabka ay wax yeeleysay Fatahaada Wabiga Shabeelle.

Dhalinyarada Is xilqaamayaasha Puntland oo kulanka ka hadlay wax ay fariin udireen dhaamaan ummada Soomaaliyeed, taasi oo ku aadan in loo istaago caawinta iyo garab istaaga dadka iyo duunyada ku waxyeeloobay fatahaada wabiga Shabeelle.

Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadaha Puntland ayaa iyagana u mahadceliyay dhalinyarada Isxilqaamayaasha Puntland, iyagoona uga mahadceliyay sida ay marwalba ugu taagan yihiin u gurmashada ummada Soomaaliyeed waxayna dhankooda sheegeen inay garab istaagi doonaan walaalahooda dhibaateysan.

Dhanka kale taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Puntland Mudane Cabdirishiid Ismaaciil Maxamed (Capitano) ayaa isna waxa uu bogaadiyay dadaalka ay wadaan dhalinyarada Isxilqaamyaasha Puntland waxa uuna sheegay in ka ciidan ahaan ay diyaar uyihiin ka qeyb qaadashada gurmadka loogu gurmanayo dadka iyo duunyada ku waxyeeloobay fatahaada wabiga Shabeelle.

Ugu danbeyn waxaa kullanka ka hadlay Waxgaradkii iyo nabadoonadii ka qeybgalay munaasabadda, waxayna sheegeen inay dhankooda diyaar u yihiin ka qeybqaadashada gurmadka loo fidinayo dadka iyo duunyada ku waxyeeloobay fatahaada wabiga Shabeelle.

UK oo deeq waxbarassho siineysa Soomaalida

Xarunta Chevening ee dowladda Ingiriiska u qaabilsan horumarinta iyo hoggaaminta ayaa bixineysa fursad waxbarasho oo u furan aqoon yahannada Soomaalida ee leh xirfadaha hoggaamineed.

Haddaba haddii aad daneyneyso fursaddaas waxbarasho, waxa aad kala xiriiri kartaa www.http://www.chevening.org ama www.facebook.com/ukinsomalia.

Xarun Waxbarasho Islaami ah oo soomalida ku nool dalka turki leeyihiin ayaa laga hirgaliyay Magallada Istanbul

Munaasabad kooban oo lagu daahfurayo Dugsi lagu barto Qur’aanka Kariimka ayaa waxay ka dhacday magaalada Istabul ee dalka Turkiga,waxaana ka qeyb galay culimaa’udiin,Waalidiin iyo Mas’uuliyiinta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga.

Macallimiinta Dugsiga lagu baranayo Qur’aanka Kariimka ah ee laga hirgeliyay Xaafada Bashakshahir ee dhacda Waqooyiga Istanbul oo ugu horeyn munaasabada furitaanka ka hadlay ayaa sheegay in Dugsigan uu muhiimad gaar ah u leeyahay dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Turkiga.

Walidiinta ayaa dhankooda aad usoo dhoweyay in Caruurtooda ay helaan goob ay ku bartaan Qur’aanka Kariim.

Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee Wadanka Turkiga Sheekh Maxamed ayaa tilmaamay in Soomaalida ku nool Dalka Turkiga Horumar Wanaagsan gaareen.

“Runtii Maanta waxaan gaarnay Horumar aad u weyn, waxaana furmay Xarun aad u muhiim noogu ah taas oo ay ku baranayaan Caruurta Soomaaliyeed, Muddo dheer ayaan ku soo jirnay sidii aan Xaruntaan furilaheyn”.ayuu yiri Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Turkiga.

(DAAWO) Wasiirka Warfaafinta oo ka warbixiyey booqashadii maanta uu safiirka Turkigu ku yimid wasaaradda+(MUUQAAL).

Safiirka ayaa booqday qeybaha kala duwan ee Wasaaradda Warfaafinta iyadoo ay wasiirka iyo safiirku ka wada hadleen qaabka loo mataaneyn lahaa Warbaahinta labada Dal.

Funaanadaha ay ku ciyaari doonaan xilli ciyaareedkaan ciyaartoyda xulka Qaranka oo la soo bandhigay.

(DAAWO) Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo Kormeeray Dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Nairobi Dalka Kenya.

November, 2019:

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeeray Dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in degdeg loo dhammeystiro dhismaha iyo dacaytirka Xarunta Safaaradda oo dib loo soo celiyey ku dhawaad 30 sano kaddib.

November, 2020:
Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku howlgashay Xarun diblumaasiyadeed oo ka tarjumeysa dib u kabashada dalkeenna, kaddib markii dib u dhis lagu sameeyey Xaruntii Safaaradda oo ka maqnayd gacanta Dowladda tan iyo sanadkii 1994-tii.

Halkan ka Daawo

(DAAWO) Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka tacsiyeeyey Geerida -Alle ha u naxariistee- Ra’iisul Wasaare Cumar Carte Qaalib.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, Qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee- Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Marxuum Cumar Carte Qaalib oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

(DAAWO) Soo laba kacleynta cudurka Covid 19 iyo saameynta uu ku yeeshay caruurta qoysaska barakacayaasha ah+Warbixin, (MUUQAAL).

Soo labo kacleynta COvid 19 iyo Saameynta Waxbarasho ee Caruurta Qoysaska tabarta daran.

(DAAWO) Shugri Calow oo u sharaxan guddoonka deegaan King County Gobolka Washington oo Minnesota lagu soo dhaweeyay + (MUUQAAL).

Shugri Calow oo u sharaxan guddoonka deegaan King County Gobolka Washington oo Minnesota lagu soo dhaweeyay,

Halkaan ka Daawo Muuqaalka.

Lix cunto oo sababa in qofka uu ku hurdo goobtiisa shaqo

Akhristow waa laga yaabaa in aad aragto adigoo Gamaayoonaya ama (lulmooday) waxaana laga yaabaa inay kugu dhacday in ku huruddo Kursigaaga shaqada.

Haddaba waxaan idin soo gudbineynaa lix cunto oo ay ku badanyihiin maaddooyinka sababa hurdada ama lulmada xilliga shaqada,waxaana ka mid ah;

Cuntooyinka hurdada keena waxaa ka mid ah caanaha, iyo caanaha oo laga sameeyo Farmaajada,Ukunta,Doolshaha iyo wixii la mid ah.

Sababta oo ah Caanaha iyo noocyadan kaleba waxaa ku jira maaddada Tryptophan,taas oo dhalinkarta maaddada serotonin oo isu beddesha melatonin,soona saarta hurdada.

Qamadiga laga sameeyo Soorta ama Cambuulada waxaa uu u wanaagsanyahay caafimaadka aroortii ee qofka laakiin sida caanaha oo kale waxaa ku jira maaddooyinka Melatonin iyo Amino Acid oo soo saara hurdada.

Cuntooyinka isku darsan waxaana ka mid ah Galleyda,Mooska,Basasha iyo cuntooyin kale oo la isku kariyo kaddibna la cuno shaqada ka hor.

Waxaa ku jira Carbohydrates, oo sababi kara in ruuxu hurdoodo ama xubnaha qofka gabaan fir fircoonida taas oo horseedi karta Gamaayada ama lulmada.

Mooska waxaa ku jirta maaddada magnesium oo aad ugu wanaagsan jirka,laakiin waxaa ay soo saari kartaa hurddo badan, sida ay lee yihiin kooxda soo saartay warbixintan oo ah dhakhaatiir ama dad ku xeeldheer arrimaha caafimaadka.

Malabka waxaa ka buuxa sokor badan,taas oo mararka qaar sababta in maskaxda fariisato,qofkana sidaas ku hurdo.

Ugu dambeyn, warbixintan oo lagu qoray wargeyska The Stander ee ka soo baxa Kenya ayaa lagu sheegay in Dhaqaatiirta ay dadka shaqeeya kula talinayaan in aysan badsan cuntooyinka horseedi kara in qofka fir fircoonida aroortii gabo,gaar ahaan xilliga ka horreeya shaqada ee subaxii ah.