Xogta & Xaqiiqooyinka Ku Saabsan Tartanka Shaxda Ugu Fiican Adduunka Oo La Shaaciyay

UEFA ayaa soo saartay 50-ka xiddig ee u tartami doona kooxda ugu fiican sanadka 2020 ee yurub iyada oo ay ku jiraan xiddigo kala duwan oo wacdaro dhigay sanadkan.

Xiddigaha U Tartamid doona shaxda ugu fiican sanadka 2020:

GOOLHAYEYAAL:

 

Alisson (Liverpool), Anthony Lopes (Lyon), Keylor Navas (PSG), Manuel Neuer (Bayern Munich), Jan Oblak (Atletico Madrid)

Daafacyada:

 

David Alaba (Bayern Munich), Trent Alexander-Arnold (Liverpool), Angelino (RB Leipzig), Juan Bernat (PSG), Alphonso Davies (Bayern Munich), Matthijs De Ligt (Juventus), Stefan de Vrij (Inter Milan), Hans Hateboer (Atalanta), Joshua Kimmich (Bayern Munich), Presnel Kimpembe (PSG), Sergio Ramos (Real Madrid), Andy Robertson (Liverpool), Thiago Silva (Chelsea)

Khadka Dhexe:

Thiago Alcantara (Liverpool), Houssem Aouar (Lyon), Ever Banega (Sevilla), Nicolo Barella (Inter Milan), Kingsley Coman (Bayern Munich), Kevin De Bruyne (Manchester City), Bruno Fernandes (Manchester United), Alejandro Gomez (Atalanta), Leon Goretzka (Bayern Munich), Kai Havertz (Chelsea), Jordan Henderson (Liverpool), Josip Ilicic (Atalanta), Marquinhos (PSG), Thomas Muller (Bayern Munich), Marcel Sabitzer (RB Leipzig).

Weerarka:

Erling Haaland (Borussia Dortmund), Joao Felix (Atletico Madrid), Angel Di Maria (PSG), Serge Gnabry (Bayern Munich), Ciro Immobile (Lazio), Harry Kane (Tottenham), Robert Lewandowski (Bayern Munich), Romelu Lukaku (Inter Milan), Sadio Mane (Liverpool), Kylian Mbappe (PSG), Lionel Messi (Barcelona), Neymar (PSG), Cristiano Ronaldo (Juventus), Mohamed Salah (Liverpool), Raheem Sterling (Manchester City)

Xogta muhiimka ah:

  • Cristiano Ronaldo ayaa u tartamaya shaxda ugu fiican yurub sanadkii 17-aad oo xidhiidh ah isaga oo shaxda ka soo muuqday 14 sano waliba si xidhiidh ah uga soo muuqday 13-kii ugu dambeeyay taas oo ah rikood.
  • Lionel Messi ayaa loo magacaabay liiska xiddigaha u tartamaya sanadka markii 15-aad waxana uu shaxda ku soo baxay 10 jeer oo hore halka xiddigaha Sergio Ramos & Robert Lewandowski markii 9-aad u tartamayaan shaxda.
  • 21 xiddig ayaa ku soo baxay 50-ka xiddig markii ugu horaysay halka 22 xidig ay ku jireen shaxdii snaadkii hore.
  • Romelu Lukaku aya markii ugu horaysay ku soo laabtay tartanka shaxda ugu fiican adduunka tan ilaa 2010 markaas oo uu jiray 17 sano jir una ciyaarayay kooxda Anderlecht.
  • Alphonso Davies ayaa ah xiddigii ugu horeeyay ee reer Canada ah ee ku soo baxa taariikhda tartanka shaxda oo muddo 20 sano ah socotay.
  • Kooxaha Atalanta & Leipzig ayaa markii ugu horaysay xiddigo ku leh liiska xiddigaha u tartamaya shaxda ugu fiican sanadka 2020.
  • Xiddigaha Anthony Lopes & Houssem Aouar ayaa ah xiddigii ugu horeeyay ee Lyon uga tartama shaxda ugu fiican tan ilaa 2010.
  • Erling Braut Haaland ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee reer Norway ah ee u tartama shaxda muddo 10 sano ah iyo xiddigii 3-aad kadib Brede Hangeland (2010) & John Arne Riise (2002).
  • Markii ugu horaysay taariikhda dalka Slovania waxa ay ku leedahay 2 xiddig kuwaas oo kala ah Josip Iličić & Jan Oblak.

Kooxda Xiddigaha Ugu Badan Ku Leh Shaxda Sanadka:

10 Bayern*

8 Liverpool*, Paris*

3 Atalanta, Inter, Leipzig

2 Atlético Madrid, Chelsea*, Juventus, Lyon, Man. City

1 al-Shabab*, Barcelona, Dortmund, Lazio, Leverkusen, Man. United*, Real Madrid, Sevilla*, Sporting CP*, Tottenham

Xulka Xiddigaha Ugu Badan Ku Leh xiddigaha u tartamaya shaxda sanadka:

6 Germany

5 France

4 Brazil, England, Netherlands, Portugal, Spain

3 Argentina, Italy

2 Austria, Belgium, Slovenia

1 Canada, Costa Rica, Egypt, Norway, Poland, Scotland, Senegal.

Horyaalada xiddigaha ugu badan ku leh xiddigaha u tartamaya shaxda sanadka:

15 Bundesliga, Germany* (4 clubs)

14 Premier League, England* (5 clubs)

10 Ligue 1, France* (2 clubs)

9 Serie A, Italy (4 clubs)

5 Liga, Spain* (4 clubs)

1 Liga, Portugal* (1 club)

1 Pro League, Saudi Arabia* (1 club)

Degmada Dharkeynley oo laga daah furay goobo dalxiis+sawirro.

Guddoomiyaha degmada Dharkeynley iyo agaasimaha dalxiiska & maalgashiga gobolka Banaadir ayaa daah furay dalxiiska degmada Dharkeynley oo markii ugu horreysay loo dalxiis tago.

Agaasimaha dalxiiska iyo maalgashiga Gobolka Banadir Mudane Cabdifataax Maxamuud Siyaad (Arizona) ayaa sheegay in Degmadaan ay door muhiim ah ka qaadan doonto Dalxiiska Caasimadda, maadaama ay leedahay Goobo Dalxiis oo soo jiidasho leh.

Guddoomiyaha degmagada Dharkenley mudane Guhaad Sheikh Xassan oo ka hadlay Munaasabadda daah-furka Dalxiiska ayaa sheegay in maanta waxii ka danbeeya Dalxiiska Degmadu uu kamid noqon doono shaqooyinka joogtada ah ee Maamulka, waxaana uu bulshada Caasimadda ugu baaqay in ay u soo dalxiis tagaan Dharkenleey oo ah meel ku wanaagsan Dalxiiska.

Guddoomiyaha degmada Dharkeynley mudane Guhaad Sheekh Xassan oo dhawaan loo magacaabay degmadaas ayaa dardar geliyay arrimaha dalxiiska oo qeyb ka ah is-dhaxgalka bulshada,waxaana shalay ku dalxiisay goobaha dalxiiska Dharkeynley shacab badan oo ay u aheyd maalin fasax maadaama ay Jimco aheyd.

Aragtida Dastuurka KMG ee Maaraynta Murannada Federaalka

  • Gogoldhig

Dastuurka Soomaaliya ee sida KMG loo ansixiyay 1/8/2012, wuxuu qeexayaa in Soomaaliya ay qaadatay Nidaamka Federaalka Halkaasna looga guuray Nimaadkii Dowladda mideysan (Unitary State) ee Soomaaliya ku dhaqmi jirtay tan iyo markii ay qaadatay xurriyadda 1960.[1]

Dastuurka Federaalku wuxuu Xaddidayaa Xiriirka ka dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubinta ka ah Dowladda Federaalka Ama haddii si kale loo dhaho xiriirka ka dhaxeeya Dowladda Fedaraalka iyo Dowlad Gobaleedyada, sidoo kale Dastuurku wuxuu dhigayaa mabaadi’da asaasiga ah ee nidaamka Federaalka iyo xiriirada iskaashiga Heerarka Dowladaha, Heer Federaal Iyo Heer Dowlad Gobaleed.

Haddaba, Qormadaan kooban waxay ku saabsan tahay Hannaanka Xallinta Khilaafaadka ka dhax dhasha Heerarka Xukuumadaha ee Dowladda Federaalka sida khilaafaadka iyo Murannada u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo dowlad Gobaleedyada ama haddii si kale aan u sheegno Heerarka Dowladeed ee kala sarreeya, iyo sidoo kale  khilaafaadka ka dhax dhaca Heerarka Dowladeed ee Siman oo laga wado Khilaafaadka iyo murannada u dhaxeeya  Dowlad Gobaleedyada laftooda.

Ugu Dambayntoo Qormadaan waxay ka kooban Mowduucyada Hoos ku xusan:

  • Gogoldhig
  • Ahmiyadda joogtaynta Iskaashiga iyo Xiriirka  u dhaxeeya Heerarka Dowladaha leedahay Xallinta Khilaafaadka Xukuumadaha dhaxdooda ah.

3-    Hababka xallinta khilaafaadka  ee Xukuumadaha dhexdooda ah oo isugu jiro :

A-   Hanaanka Xalinta Murannada iyo khilaafaadka  ee Xukuumadaha dhexdooda ah ee aan ahayn Hannaan Garsoor

  • Hanaanka Xalinta Murannada iyo khilaafaadka ee Xukuumadaha dhexdooda ah ee ah Hanaanka Garsoor
  • Gunnanad

Ugu dambayntii waxaan rajaynaa in Qormadaan ay iffindoonto arrimo badan oo xirirr la leh hirgelinta Nidaamka Federaalk iyo Xillinta Murannada iyo Khilaafaadka ka dhax dhaca  Heerarka Dowladaha.

 

T- Ahmiyadda joogtaynta Iskaashiga iyo Xiriirka u dhaxeeya Heerarka Dowladaha u leeyihiin Xallinta Khilaafaadka Xukuumadaha dhaxdooda ah.

Dastuurrada Waddamada ku dhaqmo Nidaamka Federaalka inta badan waxay Qoraan Mabaadi’ muhiim ah oo saldhig u ah joogtaynta iskaashiga iyo xiriirka u dhaxeeya Heerarka  kala duwan ee Dowladaha Heer Federaal iyo Heer Dowlad Gobaleed.[2]

Haddaba si Mabaadi’daas loogu baddalo kuwo shaqayn kara waxaa Dowladaha Federaalku Sameeyaan hay’ado ka shaqeeya joogtaynta hannaanka iskaashiga u dhaxeeya Heer Dowladeedyada  kala duwan, tusaale Wadanka Garmany oo ka mid ah wadamada ku dhaqmo nimaadka Federaalka Dastuurkiisu wuxuu jiddeynayaa dhisidda Madal ( platform )  Madashaas oo loogu talagalay Xaqiijinta iyo Xoojinta Xariirka iyo iskaashiga joogtada ah ee Heerarka Dowladaha,  waxay xaqiijinaysaa madashu  hawlgelin joogta ah ee u dhaxeysa Heerarka kala duwan ee dowladda,  madashu wey baahsantahay oo waxaa  si joogta ah uga qayb-qaadanaya Madaxda Fulinta, Golayaasha Sharci-dejinta, Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee Qaranka sida Guddiyada Madaxa bannaan.

Wadamo kale oo ku dhaqmo Nidaamka Federaalka Dastuurkooda ayaa  si cad u qeexaya mabaadi’da gaarka ah ee la xiriirta nidaamka iskaashiga  Heerarka Dowladaha  sida wadanka koonfur afrika, hase ahaatee Dastuurrada wadamadaas waxay u dhaafayaan qaab-dhismeedka  hay’adaha hormarinaaya  xiriirka iskaashiga xukuumadaha sharci gaar oo uu  soo saaro Baarlamaanku.[3]

Dastuurka   Federaalka ee Sida KMG ah loo Ansixiyay ee Soomaaliya  Wuxuu Qeexayaa Mabaadi’da Saldhiga u ah Nidaamka Federaalka iyo Mabaadi’da iskaashiga Heerarka kala duwan ee Xukumadaha.

Ugu horreyntii qodobka 48aad ee DFKMG wuxuu qeexayaa in qaab-dhismeedka Dowladda  ee Jamhuuriyadda  Soomaaliya uu ka kooban yahay Laba Heer Dowladeed oo kala ah, Heer Federaal iyo Heer dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalk. [4]

Sidoo kale qodobka 50aad ee DFKMG isna wuxuu si wanaagsan u faah-faahinayaa mabaadi’da Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ama haddii aan si kale u sheegno mabaadi’da saldhiga u ah nimaadka Federaalka ee Soomaaliya qaadatay, mabaadi’daas oo ay ugu muhimsan yihiin kuwan hoos ku xusan:

  1. Heer kasta oo xukuumadeed waa in ay haysato kalsoonida iyo taageerada dadweynaha;
  2. Awood walba waa in la siiyo hadba Heer xukuumadeedka ee  sida ugu wax-ku-oolsan u fulin karta;
  3. Jiritaanka iyo joogtaynta xiriirro iskaashi iyo istaageerid labo-dhinacle ah oo ka dhexeeya Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka dhexdooda iyo dawladaha xubnaha ah iyo Xukuumadda Federaalka ah;
  4. Si uu u jiro dareen midnimo qaran, degaan kasta oo ka mid ah Jamhuuriyaddu Federaalka ah ee Soomaaliya waa inuu helaa adeegyo iyo waxqabad xukuumadeed oo isku mid ah;
  5. Khayraadka dalka oo si caddaalad ah loo qaybsado;
  6. (f) Dakhli-ururinta oo loo xilsaaro hadba Heer xukuumadeedka ee sida ugu wax-ku-oolsan u fulin karta;
  7. (g) Khilaafaadka oo wadahadal iyo dib-u-heshiin lagu xalliyo.[5]

Si taa la mid ah Dastuurku Wuxuu bixinayaa tilmaamo cad cad oo hagaayo Xiriirka iyo iskaashiga Heerarka kala duwan ee Xukumadaha haddii ay ahaa laheyd  Heerarka siman oo loola jeedo dowladaha Xubinta ka ah dowladda Federaalka dhexdooda  ama kuwa aan sinnayn oo loola jeedo Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubinta ka ah Dowladda Federaalka.

 

Mabaadi’da iskaashiga ee Dastuurku uu jiddeynaayo waxaa ka mid ah kuwaan hoos ku qoran:

  • Heer kasta oo Xukuumadeed ha ahaadeen Heerar siman ama kuwo kala sarreeya waa in ay yeeshaan xiriir iskaashi oo wanaagsan
  • Xukuumad kasta waa in ay ixtiraamtaa, ilaalisaana xadka awoodaha ay leedahay iyo awoodaha ay leeyihiin Dawladaha kale, waana in ay:
  1. La yeelataa xiriir walaaltinnimo oo wax-ku-ool ah Heerarka kale ee Xukuumadaha, una horseedaa midnimada muwaaddiniinta;
  2. Heer kasta oo Xukuumadaha waa in ay ku wargelisaa Heerarka kale siyaasadaha iyo hawlgallada ay ka fulineyso degaannadeeda oo saamayn ku yeelan kara degaannada Heerarka kale;
  3. Yeeshaan siyaasado u adeegaya qorshaynta iyo hirgelinta mashaariic hormarineed oo wadajir ah.[6]

J- Wadiiqooyinka Xallinta Khilaafaadka Xukuumadaha Dhexdooda Ah

Sida lagu yaqaanno waddamada Federaalka, gaar ahaan kuwa Nimaadkan uu ku Cusubyahay sida Soomaaliya oo kale  waxaa hubaal ah in ay jirayaan khilaafaad la xiriira iskaashiga iyo qaybsiga awoodaha,  Sidaa awgeedna Dastuurrada Wadamada  federaalku waxay  dejiyaan habraacyo iyo hay’ado awood buuxda loo siiyay in ay ka gaaraan go’aan kama-dambeys ah iyo xalinta khilaafaadka ka dhasha Heerarka kala duwan ee  ee Dowladaha Haddii ay ahaa lahaayeen kuwa Siman ama kuwa aan sinnayn.

Haddaba waxaa jira laba hab oo loo raaco Xallinta Khilaafaadka iyo Murannada u dhexeeya Heerarka  Xukuumadaha, Heer Federaal iyo Heer Dowlad Gobaleedka iyo Dowlad Gobaleedyad dhexdooda, labadaas hab oo kala ah hab aan garsoor ahayn iyo habka garsoorka.

A-  Xallinta Khilaafaadka Xukumadaha Dhexdooda ee Habka aan garsoorka ahayn

Waddamada qaarkood ayaa doortay in lagu xalliyo khilaafaadka hab aan garsoorka ahayn. Dalka Itoobiya, awoodda lagu fasirayo Dastuurka  laguna xallinaayo khilaafaadka xukuumadaha dhexdooda waxaa leh Golaha Federaalka  oo ka kooban wakiillo ka socda kooxo ka soo jeedo qowmiyadaha kala duwan ee Dalkaas. Maxkamadaha caadiga ah ma laha awoodda  ka garnaqista  murannada la xiriira Dastuurinimada sharciyada oo dhan, ha ahaado Heer federaal ama Heer dowlad Gobaleed.

Marka aan eegno Dastuurka Federaalka KMG wuxuu soo jeedinnayaa marka hore in Khilaafaadka Xukuumadaha dhexdooda ah lagu Xalliyo Hannan aan garsoor ahayn loona  adeegsa karo qaabab kala duwan oo ay ka mid yihiin kuwan hoos ku qoran:

  • Ugu horreyntii dastuurku wuxuu farayaa Samaynta Sharci lagu magacaabo Sharciga Heerarka Xukuumadaha oo saldhig u noqonaaya Nidaamka Federaaleynta iyo Hanaanka iskaashiga Heerarka Xukuumadaha Sharcigaas waa in uu la xiriiro sida uu dastuurku faraayo arrimo ay ka midyihiin:
  1. Samaynta hay’ado iyo habraacyo fududaynaya wada falgelidda Heerarka Xukuumadaha.
  2. Samaynta hay’ado iyo habaraacyo fududaynaya xallinta khilaafaadka ka dhex dhasha Heerarka Xukuumadda inta aanay u gudbin maxkamad[7].
  • Samaynta Madal ( platform)

Si loo xaqiijiyo jiritaanka iyo horumarinta xiriirada iskaashiga Federaaliga ah waa in la joogteeyo kulan sanadeed ay wada yeeshaan madaxda fulinta Xukuumadda Federaalka iyo Madaxda Fulinta Dawladaha xubinta ka ah Xukuumadda Federaalka si ay isula meeldhigaan:

  1. Adkaynta Midnimada Qaranka;
  2. Sugidda ammaanka iyo Nabadgelyada Dalka;
  3. Horumarinta dhaqan-dhaqaalaha qaranka iyo suuqa mideysan ee dalka;
  4. Horuumarinta baraaraha shacabka;
  5. Isdhaafsiga macluumaadka.[8]
  • Khilaafaadka oo wadahadal iyo dib-u-heshiin lagu xalliy

Sida uu jiddeynaayo Xarafka G ee qodobka 50aad ee Dastuurka Kumeel gaarka ah khilaafaadka waa in lagu xalliyaa wadahadal iyo dib-u-heshiisin ka hor inta aan Maxkamad lageeyn.

  • Madaxwaynaha Jamhuuriyaddu iyo Aqalka Sare ee Barlamaanka  Madaxwaynaha Jamhuuriyaddu Maadaama uu yahay Madaxa Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya;, astaanta Midnimada qaranka, Ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da asaasiga ah ee Dastuurka, sida uu qeexaayo  qodobka 87aad ee Dastuurka FKMG, wuxuu hormuud ka noqo karaa Xallinta Khilaafaadka Heerarka Xukumadaha Dhexdooda ah, si taa lamid ah ayaa aqalka sare ee barlamaanka isna uu kaalin wayn uga qaada karaa Xallinta Khilaafaadka Heerarka Xukumadaha Dhexdooda ah maadaama Xubin kasta oo ka mid ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka uu xil gaar ahi ka saaran yahay matalaadda danaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka ee uu matalayo iyo in uu ilaaliyo nidaamka Federaalka, kuna shaqeeyo dareen iskaashi Federaalnimo. [9]

Qaababkaan waa qaab aan ahayn hannaan garsoor oo lagu xalli karo khilaafaadka iyo murannada u dhaxeeya Heerarka Xukumadaha oo uu tilmaamaayo Dastuurka FKMG.

B-    Xallinta Khilaafaadka Xukumadaha Dhaxdooda ee HababkaGarsoorka

Wadamo badan oo ku dhaqmo Nidaamka Federaalka  Maxkamadda ugu sarraysa ee Federaalka ayaa  Xalka ugu Dambeeya ka gaarta khilaafaadka xukuumadaha dhaxdooda ka dhasha. Dalka Koofur Afrika, Maxkamadda Dastuuriga ah waxay leedahay awoodda ugu dambaysa ee xallinta khilaafaadka u dhaxeeya Dawladda dhexe iyo Gobollada iyo sidoo kale  midka ka dhax dhasha gobollada dhaxdooda. Dastuurku wuxuuu dalbaayaa in dhinacyada khilaafku u dhaxeeyo ay marka hore sameeyaan dadaal maangal ah si loo xalliyo khilaafaadka si wada xaajood ah. Maqnaanshaha dadaalka lagu xalliyo khilaafka iyo niyadsami-, Maxkamadda waxay dib ugu soo celin kartaa dhinacyada uu khilaafaadku  ka dhaxeeya si ay marka hore khilaafooda ku Xalliyaan wada xaajood.. Dastuurrada dalaka Nigeria iyo Argentina ayaa sidoo kale  iyagana  awood u siinayaan maxkamadda sare ee Federaalka in ay xaliso khilaafaadka ka dhax dhasho xukuumadaha ha noqdaan kuwa Siman ama kuwa kala sarreya.

Iyadoo laga Amba qaadaayo  Ahmiyadda ay leedahay maxkamadaha Federaalka ugu sarreeeya ee Dhinaca xallinta khilaafaadka xukuumadaha dhaxdooda ha loogu yeero Maxkamadda Dastuuriga ahama Maxkamadda Sare,  ayaa Dowladuhu si wanaagsan uga fikiraan habka lagu magacaabayo xubnaha  Maxkamaddaas  tusaale ahaan, dalka Jarmalka, aqlka koowaad iyo labaad  mid kasta wuxuu magacaabayaa kala bar xubnaha ka tirsan Maxkamadda Dastuuriga ah. Koofur Afrika aqalk labaad kuma lug laha soo-magacaabist xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ah oo Garsoorayaasha Maxkamadda Dastuurka waxaa soo magacaabaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo la tashanaya Golaha Adeega Garsoorka iyo xisbiyada siyaasadeed ee mucaaradka ah. Dalka Maraykanka, Madaxweynaha ayaa soo magacaaba garsoorayaasha kaddibna waxaa ansixiya aqalka sare, aqalka hoose kuma lug laha soo-magacaabista garsoorayaasha.

Dastuurka Federaalka ee Sida ku kumeel gaarka ah loo ansixiyay ee Soomaaliya wuxuu ka dalbayaa Heerarka kala duwan ee dawladaha in ay isku dayaan marka Hore  in lagu xalliyo khilaafaadka si wada-hadal iyo dib u heshiisiin ah (Qodobka 50(g)). Haddii uu guul dareeysto wadahadalka, awoodda kama-dambaysta ee xallinta khilaafaadka xukuumadaha dhexdooda ah  waxaa Dastuurku  siiyay  Maxkamadda Dastuuriga (109C Qodobka(1)(d)). Dastuurku si gaar ah uma dalbaayo in ay Maxkamaddu hubiso in dhinacyada is-khilaafsan ama muranku ka dhaxeeyo  ay billaabaan wada-hadal iyo dib-u heshiisiin ka-hor inta aysan u gudbin Dacwad Maxkamadda Dastuuriga ah iyo  in khilaafaadka iyo Murannada la isku dayo in lagu Xalliyo Wada Xaajood,  Hase ahaatee , mabaadi’da Federaalka  ee Dastuurka Lagu Xusay ayaa qeexaysa (Qodobada 51 iyo 52) in loo baahan yahay dadaallo iyo wada xaajood u dhaxeeya Dhinacyada .

Waxaa Mudan in la xuso in Garsoorayaasha Maxkamadda Dastuuriga ah ay Ansixinayaan Laba aqal ee Barlamaanka kadib marka ay soo Magacaabaan Golaha adeegga Garsoorka sida ay jiddeynayaan Qoddobada 109B(2)) iyo Qodobka 71(i)), ee Dastuurka  FKMG

 

Ka qaybqaadashada aqalka sare ee Magacaabista Xubnaha Golaha Adeegga garsoorka waxay ka dhigantahay in ay Dowladaha Xubinta ka ah Dowladda Federaalka ay qayb ka yihiin Hanaanka Magacaabista Garsoorayaasha Maxkamadda Dastuuriga ah Maadaamada aqalka sare uu Dowlad Gobaleedyada Ku matalo Heer Federaal.

X- Gunnaanad

Waa arrin cid kasta ay Fahmi Karto in Dowlad Soomaaliya oo Kale ah oo uu ku cusbyahay Hanaanka Federaalka ay Caqabado kala kulmi karto hirgelinta Nidaamkaas, Caqabadahaas waxaa ka mid noqo kara  Khilaafaad iyo Muranno La xiriira Hanaanka Hirgelinta Federaalka oo uu ugu horreyso  awood qaybsiga u dhexeeya Heerarka kala sarreeya ee  Xukumadaha.

Waxaa kale oo Muhiim ah in la isla garto in arrinta La xiriirta Xallinta Khilaafaadka iyo Murannada ka dhax dhaca Heerarka kala duwan ee Xukumadaha uu saldhig u yahay Ku dhaqanka Dastuurka Federaalka, Gaar ahaan Qodobada ka hadlaayo Mabaadi’da Federaalka iyo iskaashiga Heerarka Xukuumadaha ee Ku Xusan Cusubka 5aad ee Dastuurka.

Ugu dambeyntii si loo Daboolo Dul duleelada muuqda, Xal kama dambeys ahna looga Gaaro Murannada Ka dhax dhasha Xukuumadaha,  Daraasadaan Gaaban waxay soo jeedineysa Arrimahaan soo socda:

  • In labadaaqal ee Barlamaanka Federaalku ay u howgalaan Soo saarista sharciga iskaashiga Heerarka Xukumadaha ee uu tilmaamayo qodobka 51aad ee DFKMG
  • In la Sameeyo Madasha ku Xusan isla qodobka 51aad ee DFKGSi loo xaqiijiyo jiritaanka iyo horumarinta xiriirada iskaashiga Federaaliga ah waana in la joogteeyo kulan sanadeed ay wada yeeshaan madaxda fulinta Xukuumadda Federaalka iyo Madaxda Fulinta Dawladaha xubinta ka ah Xukuumadda Federaalka.
  • In khilaafaadka lagu Xalliyo Marka hore wada xaajood iyo wadahal ku dhisan niyad Sami iyo Dareen Midnimo qaran sida uu jiddeynaayo
  • in loo hawlgalo dhisidda Maxkamadda Dastuuriga ah oo ah Hay,adda leh awoodda ugu dambeysa ee Xallinta Khilaafaadka iyo Murannada u dhaxeeya Xukuumadaha dhaxdooda.

Wabilaahi Towfiiq

Tixraacyada Daraasadda:

  • Dastuurka Federalka KMG  1 Aug,  2012
  • Assefa Fisha: Ethiopian federalism 2009
  • John Law: How Can We Define Federalism, Perspectives on Federalism, Vol. 5, issue 3, 2013
  • Erato Kozakou-Marcoullis: Understanding Federalism: Different models-Different Challenges Advantages-Disadvantages, 21 December 2015
  • Elliot Bulmer: Federalism International IDEA Constitution-Building Primer 12, © 2017 International Institute for Democracy and Electoral Assistance (International IDEA) Second edition first published in 2015.
  • Loqman Omar Hussein, The principle of Participation in Federal state, 2011.
  • Böckenförde, M. et al., Max Planck Manual on Different Forms of Decentralization, 3rd edn (Heidelberg: Max Planck Institute for Comparative Public Law and International Law, 2008)
  • Carey, J. and Shugart, M. S., Presidents and Assemblies: Constitutional Design and Electoral Dynamics (Cambridge: Cambridge University Press, 1992).
  • Max planck foundation for international peace and the rule of law: comparative manual on federalism in Somalia, Heidelberg, 2016
  • IDEA, The federalism, May 2016 PG:14

 

Waqaa Qoray:  Qareen. Daahir Maxamed Cali,

Tel: 0615539570

E-mail: [email protected]

 

[1] fiiri farqadda 1aad ee Qodobka 1aad iyo farqadda 3aad ee qodobka 3aad ee Dastuurka FKMG

[2]Max planck foundation for international peace and the rule of law: comparative manual on federalism  in Somalia, Heidelberg, 2016 P.G72

 

[3]IDEA, The federalism, May 2016 PG:14

[4] fiiri qodobka 48aad ee DFKMG

[5] fiiri Qodobka 50aad ee DFKMG

[6] fiiri qodobka 51aad ee Dasuutka Federaalka KMG

[7] fiiri qodobka 51aad ee DFKMG

[8] fiiri farqadda 3aad ee qodobka 51aad ee DFKMG

[9] fiiri qoddobada 61aad iyo 71aad ee DFKMG

26ka juun “ Kaana siib Kanna Saar”

26-ka Juun waa maalin taariikh wayn ku leh Ummada Soomaaliyeed, islamarkaana ku daabacan qabiga shacabka, kuna abuurtay dareen hiloow farxadeed leh, waxayna qiimahaasi ku mutaysatay in ay tahay markii ugu horeysay ee laga dul qotomiyo ciid Soomaaliyeed calan xor ah.

Halgamayaashii u soo kifaaxay hanashada xoriyadda, gaar ahaan gobalada waqooyi halkan laguma soo koobi karo, waxay isugu jireen qaar halgan qaraar la galay Saancadaalihii gumaysiga oo muddo badan socday, haddaan qaar ka mid ah ka xusno waxaa ka mid ah Sayid Max’ed Cabdulle xasan, Shiikh Bashiir, Xaaji Faarax oomaar iyo Xisbiyadii S.N.L IYO USP, dhanka kale waxaa kaalin tiir dhexaad ah ka qaatay halgankaas Abwaanada kala ah Maxamed Ismaaciil Maxamuud (Barkhadcas) iyo Abwaan C/llaahi Suldaan(Timacadde).

Cabdillaahi Suldaan Maxamed oo ku caan-baxay (Timacadde),wuxuu ku dhashay duleedka magaalada Gabilleey ee gobollada waqooyi ee Soomaaliya, sanadkii 1920kii,C/laahi Suldaan hooyadii waxaa la oran jiray Xabiiba Seed Guuleed wuxuuna ahaa Madi ka dhashay qoys beeralay ah.

Abwaan Tmacadde dhalinyaranimadiisii wuxuu ku noolaa magaalooyinka Harar iyo Diridhabe, kadibna wuxuu u sii gudbay magaalada Jabuuti halkaasi oo uu in muddo ah degenaa,1938 ilaa 1949 Marxuum Timacadde wuxuu isaga dhex socdaali jiray magaalooyinka Diridhabe iyo Jabuuti waxaana halkasi degenaa dad ayqaraabadiisa ahaa.

C/llaahi Suldaan markii uu ku soo guryo noqday dalka bartamihii kontameeyadii,wuxuu ka qaybgalay halgankii gobanimadoonka ee ka hanaqaaday gudaha dalka gaar ahaan gobollada waqooyi, wuxuuna markiiba ku biiray Xisbigii SNL oo ay xaruntiisu ahayd magaalada Hargeysa, isagoo kulamada xisbiga ka marin jiray gabayadiisii taariikhda galay.

26kii Juun 1960kii waa habeenkii guusha iyo markii ugu horaysay ee calan xor ah laga taago ciidda Soomaaliya, Munaasabaddii dabbaaldegga gobanimada ee ka dhacday beerta Xoriyadda magaalada Hargaysa wuxuu halkaasi ka mariyay gabay ku qormay quluubta umadda Soomaaliyeed ee ahaa Kaana siib Kanna saar Abwaan C/llaahi Suldaan Timacadde,

Kaana siib, kanna saar

Ka, sideetan Sabaane Calankaannu sugaynay’
Sahankiisa ahaynow Sermawaydo hilaacdayo
Sagal maanta daroorayoo Siigadii nagamaydhayoo Saqdhaxaanu ahayne kii soo saaray cadceedoow
Samada kii u ekaaye . Xidigaha mid lasiiyayow
Saaxirkii Kala guuraye Sareeyow ma nusqaamoo
aan siduu yahay eegono’e Kaana siib Kanna Saar

Saqdii dhexe habeennimadii 26ka juun, guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed waxay daremayeen neecaawda xornimada ee ka curatay dhulkii Soomaaliyeed ee isticmaarku kala qaybiyay waxaana bulshada Soomaaliyeed ee ku nool goballada waqooyi muujiyeen dareen wadaniyadeed oo heerkiisu sareeyo, dabbaaldegga iyo damaashaadka ka dhacay beerta Xoriyadda hargeysana wuxuu ahaa mid aan shucuurtiisa lagu qiyaasi Karin qormo kooban.

Waxaa marag ma doonta ah in Murtidii iyo hal abuurkii abwaanada Soomaaliyeed ku maamuuseen xornimadii gobollada waqooyi, iyo midawgii labada gobol waxay ka soo maaxatay maskaxdii hal abuuradii Soomaaliyeed ee intooda badan ka soo jeeday gobolada waqooyi.

Halyeeyadii Abwaanada ahaa ee maskaxdooda u shiilay in ay shacbiga Soomaaliyeed dareensiiyaan qiimaha xoriyadda waxaa ka mid ah Allaha u naxariistee Abwaanada kala C/llaahi Qarshe, Xuseen ow faarax dibbad, C/llahi Suldaan Tima-Cadde Cali Sugulle. oo ku magac dheeraa (Dun carbeed) iyo Abwaan Axmed Suleyman Bidde, sidoo kale Fanaaniintii Codka macaan ku luuqaysay heesihii qiirada lahaa waxaa ka mid ahaa Max’ed Sulaymaan, Max’ed Axmed Kuluc iyo kuwa kale oo aan halkaan lagu soo koobi karin.

Allaha u naxariistee Abwaan C/llahi Suldaan Tima-Cadde oo lagu timaami karo inuu ka mid ahaa Hal dooradii quluubta Soomaaliyeed kaga tagay suugaanta wadaniga ah ee aan duugoobayn.

Sanad guurada 59aad 26ka juun eek u began curashada Calanka Soomaaliyeed waxay shacbiga soomaaliyeed ka baran karaan cashar ku saabsan sidii lagu keenay Calanka iyo siday lagama maarmaanka u tahay in loo adkeeyo midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya, loona xaliyo wixii tabasho ah ee jira.

Cilmi-baaris la sameeyay oo lagu ogaaday in ay jiraan faa’iidooyin laga helo la hadlidda qof aadan horay u aqoonnin

Inta badan dadku waxay waqtigooda qaataan iyaga oo ay ku hareereysan yihiin dad aysan aqoonnin ,haddii ay ahaan laheyd xilliga ay shaqadooda ku sii socdaan ,xilliga ay dukaameysanayaan ama xilliga ay joogaan meelaha lagu tamashleeyo.

Iyada oo ay sidaasi tahay, haddana dad badani ma sameeyaan is -dhexgal iyaga oo aaminsan in isu soo dhawaansho dhex mara dad aan horay isu aqoonnin uusan farxad gelineyn labada dhinac.

Aaminaaddaasi ma noqoneyso mid lagu marmarsiyoon karo, sida ay sheegeen aqoon yahannada cilmi baaristan sameeyay oo kala ah : 1) bare- sare nikolaas ibli ,oo ka tirsan jaamacadda shikaago (chicago) 2)iyo bare-sare juuliyaana, oo ka tirsan jaamacadda kalifoorniya.

Cilmi baaristan ayaa lagu sheegay in inta badan dadku ay yareystaan saameynta togan ee la xiriiridda dadka kale ay leedahay.

Faa’iidooyinka la ogaaday in laga helo la hadlidda qof aadan horay u aqoonnin waxaa ka mid ah.

1) la hadlidda qof kugu cusub oo aad wada safreysaan waxa ay socdaalka ka dhigtaa mid raaxo leh. 2) la hadlidda qof aadan aqoonnin waxaa laga helaa fikrado iyo waayo aragnimo.

Gebagebidii ,maadaama aadanuhu uu yahay noole bulshay ah, la xiriiridda dadka kale waxay farxad gelisaa qofka, halka kalinnimadu ay u keento qofka khatar caafimaad oo u dhiganta tan laga dhaxlo sigaar cabista iyo barruurta oo jirka ku badata.

Xiriirka togan ee bulsho waxaa loo arkaa mid ka mid ah furayaasha farxadda iyo xitaa inuu ka muhiimsan yahay xaddiga dakhliga ee qofka soo gala.

Xigasho: waxaan qormadan ka soo xigannay laanta afka Carabiga ee bii bii sii (BBC)

Ha ku Afurin Cabitaan aad u qaboow (Maqaal)

Cuntada ugu haboon ee lagu Afuro xilliyada lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan ayay Diintu si weyn u sheegtay,waxaa kaloo aad loo bayaaniyay caafimaad ahaan Dhaqaatiir aad u fara badan, haba ugu sii badnaadeene kuwa u dhashay Wadamada Muslimiinta ah, waxayna ka digayaan in cuntooyin si aad loo isticmaalin, kuwa kalena looba baahneyn xilliga Ramadaan.

Drsa u dhalatay Wadanka Masar oo lagu magacaabo Nawal Al-xamad oo ku takhasustay cuntooyinka iyo waxtarkeeda ayaa dadka uga digtay in ay xilliga afurka badsadaan waxyaabaha saliidda lagu shiilo sida Burka iyo Saambuusaha. Dhakhtaraddani waxa ay ku talo bixisay in dadka soomani ay ku dadaalaan ku afurista khudaarta.

Drsa. Nawal ayaa soo saartay talooyin la xiriira Ramadaanka iyo cuntada, waxayna si gaar ah uga hadashay nidaamka afurka ee ugu wacan, waxaana hadalladeeda ka mid ahaa, “Waa in afurka lagu bilaabo timir iyo biyo cad ama caano, waayo timirta waxaa ku jira sonkor dabiici ah oo uu dheefshiidku si fudud u burburin karo isla markaana si fudud ugu milmi karta jidhka”.

Dhakhtaraddu waxaa kale oo ay ku talisay in qofka soomani uu xilliga afurka cuno dareere diirran sida, Shurbadda, Laakiin waxay diiday Shaah iyo bunka oo ay tiri maya kuwaasi iyo in afurka la cabbo biyo yar ama caano aan aad u qaboobayn, Dhakhtaraddani waxa ay ku talisay in waqti fiican loo dhexaysiiyo afurka iyo cashada waxa aaney ku sababaysa in dhuunta dheefshiidku ay u baahantahay waqti ay ku dhamaystirato muudinta sonkorta dareeraha kale ee la qaatay xilligii afurka, islamarkaasina isuna diyaariyo qaabilista cuntada iyada oo aan wax murug iyo khalkhal ahi dhicin.

Dr. Nawaal mar ay ka ka hadlaysay cuntada ugu fiican in lagu afuro, waxa ay sheegtay in xilliga afurka lagu dadaalo waxyaabaha uu jirku uu ka helo Faytamiinno iyo macdanno kale oo ka caawiya qofka sooman in aanu gaajoon, waxaa kale oo uu ka ilaaliyaa calool istaaga.

Dhinaca kalana waxa ay dhakhtaraddu kula talisay qofka sooman in aanu cuntada cunin inta uu dhergayo, balse uu in yar cuno, oo gaajada uu iskaga bi’iyo oo kaliya, waxa aanay si aad ah u dhalleecaysay sida caadada ah in isla marka la afuro lagu xigsiiyo shaah ama bun, iyada oo tilmaamtay in ay muhiim tahay in shaaha ama bunka iyo afurka loo dhexaysiiyo ugu yaraan laba saac, sababtana waxa ay dhakhtaraddu ku sheegtay in shaaha iyo bunkuba ay nuugaan maaddada xadiidka iyo maadooyin kale oo muhiim u ah jidhka.

Gunaanadka Al-Shabaab iyo gumaadkii loo geystay 2018

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa warbixin ku saabsan gumaadka loo geystay Al-Shabaab sanadkan 2018-ka, anagoo ku eegeyno howlgalkasta maalinkii uu dhacay iyo khasaaraha loogu geystay Al-Shabaab.

January

2-dii January, 2018, Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya iyo saaxiibada Caalamig ah ayaa howlgal ay ka fuliyeen Gobalka Shabeellaha Hoose waxay ku dileen labo ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

7-dii January, 2018, Howlgal Ciidanka Xoogga ay ka sameeyeen Degmada Balcad ee Gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa lagu dilay Horjooge ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab, sida uu xilligaas u sheegay warbaahinta Qaranka Sargaal ka tirsan ciidanka dowladda.

20-kii January, 2018, 38-ka tirsan Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu dilay hawlgallo 24-saac socday oo ka dhacay deeganada Beerxaani, Kaamjaroon, Araare iyo Jamaamme, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Amnigga Dowlad Gobaleedka Jubbaland Mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur.

February

21-kii February, 2018, 6-ka tirsan Maleshiyaadka Al Shabaab ayaa lagu dilay Howlgallo qorsheysan oo ka dhacay Gobolka Jubada Hoose, iyadoo sidoo kale gacanta lagu dhigay Hub iyo Minooyin tira Badan oo ay rabeen in ay Ku dhibateyaan Dadka Soomaaliyeed sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidmada Xoogga Dalka.

23-kii February, 2018, Ugu yaraan Saddex xubnood oo ka tirsanaa nabad diidka Al-Shabaab ayaa lagu dilay weerar xagga Cirka ah oo ka dhacay Tuulada Bangeeni oo 8-KM dhanka galbeed kaga beegan Degmada Jamaame ee Gobbolka Jubbada Hoose.

March

17-kii March, 2018, 32-ka tirsan Maleeshiyaadka Koooxda Argagaxisada ah ee Al-Shabaab oo ay ku jiraan 3-horjooge ayaa la dilay, kadib markii ay dagaal isaga hor yimaadeen Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo maleeshiyada Al-Shabaab deegaanno ka tirsan Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

20-kii March 2018, Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgal xoogan oo ay ka sameeyeen degmada Buur-Hakaba ee Gobalka Baay waxaa lagu dilay ugu yaraan shan ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

21-kii March 2018, Duqayn ka dhacday Gobalka Shabeellaha Hoose oo ay fuliyeen Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ayaa lagu dilay labo ka mid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.

25-kii March 2018, Horjooge lagu magacaabi jiray Cali Axmed Guure, ayaa Ciidanka Xoogga dalka waxay ku dileen Gobalka Hiiraan ka dib howlgal ay ka sameeyeen.

April

2-dii April 2018, Ugu yaraan 11-horjoogayaal ah oo ka tirsanaa nabad diidka Al-Shabaab ayaa lagu dilay weerar xagga Cirka ah oo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka geysteen qaybo ka mid ah Gobolka Gal-gaduud.

2-dii April 2018, Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa soo bandhigay meydadka maleeshiyaad ka tirsnaa Al-Shabaab, kuwaasi oo lagu dilay dagaal ka dhacay deegaanka Buula-mareer ee Gobalka Shabeellaha Hoose.

3-dii April 2018, Duqeyn ka dhacday nawaaxiga Degmada Ceelbuur ayaa lagu dilay 5-kamid ah horjoogayaasha iyo Maleeshiyada Al-Shabaab kadib markii la bartilmaameedsaday gaari ay saarnaayeen.

13-kii April 2018, Duqayn lagu burburiyey baabuur lagu soo rakibay waxyaabaha qarxa ayaa ka dhacday Gobolka Galgaduud, kaasi oo maleeshiyada Al-Shabaab ay ku doonayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka.

May

23-kii May 2018, Ciidanka sugidda Ammaanka Caasimadda ayaa Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku khaarijiyay labo ka mid ah Maleeshiyaadka Kooxda Nabadiidka ee Al-Shabaab oo ku hubeysnaa Bistoolado.

25-kii May 2018, Duqayn xagga Cirka ah oo ka dhacday meel 24-KM dhanka Koofur Galbeed kaga beegan caasimadda Muqdisho ayaa lagu dilay 10-xubnood oo ka tirsanayd Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

June

2-dii June 2018, Duqeymo xagga cirka ah oo lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab ee duleedka Muqdisho ayaa lagu dilay 12-ka tirsan horjoogayaal iyo Maleeshiyaad kooxda Al-Shabaab.

5-tii June 2018, Taliska Xoogga dalka ayaa shaaciyay in lagu dilay 27-kamid ah argagixisada Alshabaab, Howlgal ka dhacay deegaanno ka tirsna Gobalka Bari ee Puntland.

10-kii June, 2018, In kabadan 25-kamid ah horjoogayaasha iyo maleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal qorsheysnaa, sida ay sheegeen saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka ee hoggaaminaysay howlgalkaasi.

22-kii June, 2018, Horjooge Magaciisa lagu soo kobay Aruuriyoow ayaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliya waxay ku dileen deegaanka Araare ee Jubbada Hoose.

July

2-dii July 2018, Taliska qeybta 43-aad ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa u xaqiijiyey warbaahinta Qaranka in ay duleedka Baar-sanguuni ka fuliyeen howlgal lagu bartilmaameedsanayey maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab oo si dhuumaaleysi ah ku joogtey goobtaas, isla markaana weerarka ay ku dileen in ka badan 15-Al-Shabaab ah.

23-kii July, 2018, Ciidanka Qaranka ayaa howlgalo kala duwan ku dilay 87-ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab, sida uu sheegay Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Aadan Isxaaq Cali.

27-kii July 2018, Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed ayaa Wakaaladda Wararka SONNA u sheegay in ciidamada amniga ay dileen horjooge Macalin Deerow oo Al-Shabaab u qaabilsanaa jidgooyooyinka wadooyinka isku xira Gobalka Baay.

August

4-tii August 2018, Ciidamada amniga ayaa 4- ka tirsanaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab waxay ku dileen meel 74-KM waqooyi galbeed ka xigta magaalada Muqdisho.

11-kii August 2018, Saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay in ciidamadu ay dileen horjooge lagu magacaabi jiray Macalin Xuseen oo Nabadiidka Al-Shabaab ay u yaqaaneen Sheekh Nuur, una qaabilsanaa Amniyaadka, waxaana uu Horjooge u ahaa koox dilal qorsheysan ka fulisa Muqdisho iyo Gobalka Shabellaha Hoose.

12-kii August 2018, Ciidamada Ammaanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa khaarijiyey dhagar qabe ka tirsanaa Maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-Shabaab, kaasi oo qof Muwaadin ah ku dilay Suuq Bacaad.

22-kii August 2018, War ka soo baxay Taliska ciidamada Millitariga ayaa lagu sheegay in ay fuliyeen weerar lala beegsaday Al-Shabaab oo lagu dilay labo ka mid ah,kaasi oo ka dhacay dhinaca waqooyi bari ee Magaalada Kismaayo.

25-kii August 2018, Afar ka mid ah Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa lagu khaarajiyey howlgal ka dhacay Gobalka Baay, kaas oo ay sameeyeen Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.

September

10-kii September 2018, Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa Howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen Degmada Heliwaa ee Gobalka Banaadir waxay ku dileen Horjooge Sayid Abuukareey oo ka tirsanaa Argagaxisada Alshabaab, iyagoo sidoo kale dhaawacay seddex ka mid ah Maleeshiyadii la socotay oo gacanta lagu dhigay.

12-kii September 2018, Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa ka hortagay weerar nabadiidka Al-Shabaab ay ku qaadeen gudaha degmada Marka ee Gobalka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo lagu dilay Horjooge magaciisa lagu sheegay Xuseen macalin Mujaahid Zubeyr.

19-kii September 2018, In ka badan 12-ka mid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn ka dhacday degmada Saakow ee Gobalka Jubbada dhexe, halkaas oo ay gacanta ku hayaan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, sida uu Wakaaladda SONNA u sheegay Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Mudane Aadan Isaaq Cali

21-kii September 2018, Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in 18-kamid ah Kooxda Al-Shabaab oo horjoogeyaal ay ku jiraan lagu dilay howlgal lagu baacsanayey Al-Shabaab, waxaana laga soo furtay hub kala duwan oo ay heysteen Argagixisada.

22-kii September 2018, Weerar xagga cirka ah oo laga fuliyay meel qayaas ahaan 50-KM dhanka Waqooyi Galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ayaa lagu dilay 18 kamid ah argagixisada Al-Shabaab.

23-kii September 2018. Guddoomiyaha Degmada Buur-hakaba ee Gobalka Baay Maxamed Ibraahim Nuur ayaa sheegay in Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen degmada Buur-hakaba balse ay ka hortageen Ciidamada ammaanka, isla markaana lagu dilay 6 ka tirsan Al-shabaab.

27-kii September 2018, Ciidanka Xoogga Dalka howlgallo ay ka fuliyeen Deegaanka Jilib Marka ee Gobalka Shabeellaha Hoose waxa ay ku dileen 16 maleyshiyaad ah oo uu ku jiro horjooge sare oo ka tirsan Ajaaniibta Kooxda Al-Shabaab.

28-kii September 2018, Howlgal ay fuliyeen ciidanka xoogga ayaa lagu dilay 3-ka tirsan Al-Shabaab,gaar ahaan deegaan qayaas ahaantii 40-KM dhanka Koonfur Galbeed kaga began magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

October

1-dii October 2018, Ugu yaraan 10-xubnood oo ka tirsanaa Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu dilay dagaal ka dhacay Gobalka Xeebta ee Dalka Kenya.

2-dii October 2018, ciidamada xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay meel qayaas ahaan 40-KM Waqooyi Bari kaga beegan magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubadda Hoose ayaa lagu dilay 9-ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab.

2-dii October 2018, Ugu yaraan 15-ka tirsan Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu dilay dagaal ka dhacay degaanka Guullane oo hoos taga Degmada Aadan Yabaal ee Gobalka Shabeellaha Dhexe, sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay Taliyaha Ciidanka Macawisleyda, Axmed Dhegeey Xuurshoow.

16-kii October 2018, Howlgal laga fuliyay deegaanka Araare ee Gobalka Jubbada Hoose ayaa lagu dilaya 4-ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

Dhinaca kale Isla maalintaas 8-ka tirsan Maleeshiyada Al-shabaab ayaa lagu dilay howlgal qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalku ay ka fuliyeen deegaanka Daynuunaay ee Gobalka Baay.

26-kii October 2018, Horjooge sare oo Al-Shabaab u qaabbilsanaa Canshuuraha ayaa lagu dilay howl-gal ay Ciidamada xoogga ka fuliyeen qaybo ka mid ah Gobalka Shabeellaha Hoose.

26-kii October 2018, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Gacan ka helaya saaxiibbadooda caalamiga ah ayaa duqeyn ku dilay horjoogeyaal sar sare oo ka tirsan Maleeshiyada argagixisada ah ee Al-Shabaab.

30-kii October 2018, Duqayn ka dhacday degaanka Ceel-Dheer oo qiyaastii 60-KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Baladweyne ayaa lagu dilay hor-joogayaal iyo Malleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab, sida ay Radio Muqdisho u sheegeen Saraakiisha Ciidanka Qaranka.

November

1-dii November 2018, Ciidamada ayaa Howlgal ay fuliyeen waxa ay ku dileen 10-kamid ah malayshiyaadka Al-Shabaab, kuwaasi oo isaga cararay meydkooda sida u sheegay Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Mudane Isaaq Maxamed Xasan.

3-dii November 2018, Sida aan ka soo xiganay saraakiil ka tirsan qaybta 43-aad ee xoogga dalka howlgal gaar ah oo ka dhacay meel u dhaw deegaanka Araare ayaa lagu dilay 12-ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, waxaana laga furtay saanad Ciidan.

5-tii November, 2018 Ciidanka Xoogga dalka ayaa lix maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab ku dilay tiro kale oo intaa ka badan ku dhaawacay deegaanka Araare oo ku dhow degmada Jammaame ee Gobalka Jubbada Hoose.

18-kii November 2018, Ciidanka Qaranka oo taageero ka helaya Saaxiibo caalami ah ayaa duqayn ku burburiyay xarunta Marin habaabinta Al-Shabaab ee Idaacadda Andulus oo ku tiilay degmada Jilib ee Gobalka Jubbada dhexe, iyadoo sidoo kale halkaasi lagu laayay maleeshiyaad badan oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

20-kii November 2018, Ciidamada Qaranka oo taageero Ka helaya Saaxiibo caalami ah ayaa weerar qorshaysan oo ay Ka fuliyeen fariisimo Al-Shabaab ku lahaayeen Gobalka Mudug ku lagu dilay Horjoogayaal iyo Dhagar qabayaal ka tirsana Al-Shabaab.

22-kii November 2018, Gudoomiyaha Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraarim Barre ayaa sheegay in ilaa iyo 7-ka mid ah Argagixisada Al-Shabaab lagu laayay howlgal ka dhacay deegaanka Jilib Marko ee Gobalka Shabeellaha Hoose.

25-kii November 2018, In ka badan 15-kamid ah Argagixisada Al-Shabaab ayaa dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii duqeyn lala beegsaday Tuulada Hargeysa Yarey ee Gobalka Jubad Dhexe, halkaas oo ay ku shirsanaayeen ku dhowaad 30-ka tirsan horjoogayaasha Argagixisada Al-Shabaab.

27-kii November 2018, Ciidamada Xoogga Dalka ayaa Lix Dhagarqabe oo ka tirsanaa Argagixisada Al-Shabaab waxay ku dileen meel u dhow degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan.

29-kii November 2018, Taliska xoogga ayaa sheegay in ilaa 6 weerar oo ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan Gobalka Mudug, lagu dilay 55-ka tirsan horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Al-Shabaab ah.

December

6-dii December 2018, Duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacday deegaanka Owdheegle ayaa lagu dilay 4-ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadib markii lala beegsaday labo xarumood oo dadka shacabka ah ay baada kaga qaadi jireen.

9-kii December 2018, Horjooge Cabdiraxmaan Abuu Salmaan oo Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca xukunada lagu boobo, laguna laayo shacabka iyo ku dhowaad 10-kale oo Maleeshiyaad ah ayaa lagu laayay howlgal ka dhacay degmada Balcad ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.

16-kii December 2018, Howlgal ay iska kaashadeen Ciidamada Qaranka iyo saaxiibadooda caalamiga ah oo ka dhacay Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay 25-maleeshiyo oo ka tirsan argagixisada Al-Shabaab.

28-kii December 2018, Ugu yaraan 8-ka tirsan Al-Shabaab ayaa lgu dilay, 9 kalana waa lagu dhaawacay dagaal ka dhacay degaanno hoostaga Degmada Cadale ee Gobalka Shabeellaha Dhexe, markii uu iska hor imaad dhex maray kooxda nabad-diidka iyo Ciidanka Macawisleeyda.

30-kii December 2018, 4-horjoogayaal ah iyo 30-ka mid ah maleeshiyaadka ma liibaanayaasha ah ee la qalday, ayaa ciidanka sida gaarka ah u tababaran ay ku laayeen degmada Jilib ee Gobalka Jubbada dhexe.

Wasiirka Shaqada JFS oo kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka iyo Wax-garadka Degmada Galdogob+(SAWIRRO).

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax oo socdaal shaqo ku jooga degmada Galdogob ee gobolka Mudug ayaa kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka iyo Wax-garadka.

Kulanka oo ka qabsoomay hoyga uu Galdogob ka degganyahay wasiirka , ayaa aad loogu dheeraaday arrimaha nabadeynta,horumarinta deegaanka iyo xoojinta shirarkii dib u heshiisiinta ee ka dhacay Bandiiradley iyo Galdogob,iyadoo odayaasha dhaqanka ay codsadeen si loo gaaro dhaqan-gelinta qodobbadii lagu heshiiyay inay muhiim tahay waji saddexaad ee shirkaa.

Odayaasha Dhaqanka ayaa Wasiirka uga mahadceliyay booqashada uu ku yimid degmada Galdogob,wadatashiyada uu dhaqanka la yeeshay iyo dadaalka xooggan ee uu ku bixinayo nabadeynta iyo Horumarinta Bulshada, iyaga oo ka codsaday in uu sii wado wadatashiyada uu bulshada la yeelanayo.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo kulanka uu la qaatay odayaasha dhaqanka iyo wax-garadka uga warbixiyay qorshaha socdaalka uu ku yimid degmada Galdogob iyo guud ahaan deegaannada Puntland , ayaa u sheegay inuu dadaal gelin doono dhaqangelinta dib u heshiisiinta bulshada , horumarinta iyo wax ka qabashada baahiyaha jira.

Wasiir Duraan, ayaa ku boggaadiyay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka hannaanka wanaagsan ee xasillinta iyo horumarinta deegaanka, ayaa kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan dadaallada sare u qaadidda midnimada,wadajirka iyo adkeynta ammaanka.

Kulanka uu Wasiirka la yeeshay odayaasha dhaqanka iyo wax-garadka degmada Galdogob ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha degmada Galdogob, xubno ka tirsan golaha deegaanka iyo xubno kale oo ka tirsan qeybaha bulshada.

Warbaahinta Bulshada oo saameyn ku yeelatay dhaqanka soo jireenka ahaa ee soomaalida [warbixin].

Dhaqanka Soomaaliyed waa mid soo jireen ah kaasi oo jiilba jiil uu ka dhaxlay sida Taariikhda lagu sheego, waana hab nololeed iyo nidaam dhaqan sida luuqadda, cuntada, farshaxanka, fanka iyo suugaanta.

Weli dadkii hore wey ku dheggan yihiin dhaqanka soo jireenka ah ee Soomaalida balse dhallintu waxey ubateen hiyi raac qabatimay dhaqan dadyow kale, waxaney la jaanqaadidda Dunida xadaaradda usaaxiibka ah ku hoggaamisay ku dayashada hab lebiska iyo timo jarashada dad caan ah sida Atoorayaasha Aflaamta, ciyaartoyda iyo dhaqamo kale oo la soo miinguuriyay

Hab dhaqanka dhallinyarada maanta ayey dadka waaweyni u arkaan mid god kusii rideysa dhaqamadii suubbanaa ee Soomaalidu caanka ku ahayd oo qaarkood ay ku harsanyihiin reer guuraaga oo ah marjaca Sooyaalka dhaqan ee Soomaalida.

Marka aad u kuurgasho warbaahinta maanta jirta oo dadka ka shaqeeya ay u badan yihiin da’yar ku cusub mihnadda wax badanna aan ka fahamsanayn dhaqanka soo jireenka ah ee Soomaalida ayaa waxay adeegsadaan ereyo aan ku habboonayn Afkeenna hodanka ah, diin ahaan, anshax ahaan iyo dhaqan ahaanba, iyadoo aysan jirin cid inta badan isu xil-qaanta hamba-qabashada meel ka dhaca lagu hayo dhaqanka.

Guddomiyaha Akdeemiyada fanka iyo suugaanta Soomaaliya, Cabdulqaadir Nuur Xuseen (Maax) ayaa dhankiisa qaba in dhallinta keliya aan lagu eedeyn karin ilaalinta dhaqanka balse ay waayeen cid ay kaga daydaan dhaqanka maaddaama sida uu sheegay waaliddiintii iyo dadkii ay dhaqanka dhallinta kaga dayan layahayeen ama hormuudka bulshada u ah, kuwaas oo uu laftooda ku tilmaamay in ay yihiin kuwo bur burkii kadib dhashay oo dhaqanka aan waxbadan ka fahamsaneyn.

Shirka Qaran ee talabixinta dhaqanka oo laga furay Muqdisho+(SAWIRRO).

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS,mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirka Qaran ee ka talabixinta Dhaqanka iyo Sameeynta qorshe diiradeed lagu ilaalinayo, laguna horumarinayo Hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Shirka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Mudane Axmed Xasan Yuusuf, Agaasimaha Tacliinta Sare mudane Ismaanciil Yuusuf Cismaan, Agaasimaha Agaasinka Waxbarashada Gobalka Banaadir, Cabdiqani Waayeel uqeybsanaha waxbarashada ahna Wakiilka Wasaaradda Waxbarashada ee (UNESCO) Aqoonyahano iyo marti sharaf kale oo lagu casumay.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Fadraalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) ayaa sheegay inay lagama maarmaantahay in dhaqanka la baro dhallinyarda Soomaaliyeed, Ummadd walba waxay leedahay dhaqan iyo hiddo u gaar ah.