Horjoogihii argagixisada Al-shabaab ee dhinaca dilalka qorshaysan oo gacanta lagu dhigay

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa Howgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen dagmada Walaweyn ee gobolka shabellada hoose waxay ku soo qabteen madaxii guud ee dilalka qorshaysan ee Al-shabaab.

Ciidanka Sida gaarka u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa u dhacay guriga Horjoogahaan oo Lagu magacabo Maxamuud Maxamed Sheekh Cali.

Saraakiil ka tirsan Kumaandooska Danab oo la hadlay Idaacada ciidamada Qalabka Sida  ayaa sheegay in howlgalkaan laga fuliyay gudaha dagmada Walaweyn ee gobolka shabellada hoose lagu soo qabtay Madaxii Guud ee dilalka Qorsheysan ee argagixisada Al-shabaab.

Saraakiisha Danab waxay intaasi raaciyeen in Xogta horjogahaan laga warhaayay, isla markaana dagmada Walawayn uu soo gaaray habeen ka hor.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay xuska sanad-guuradii 11-aad ee ka soo wareegatay xasuuqii Hoteel Shaamoow

Wasiirka Warfaafinta XFS  Mudane Cusmaan Abokor Dubbe,ayaa manta ka hadlay xuska sanadguurada kow iyo tobnaad ee ka soo wareegatay xasuuqii ka dhacay Hoteel Shaamoow ee lala beegsaday dad ay ka mid yihiin Wasiirro,Dhaqaatiir,arday iyo marti sharaf kale.

Wasiirka oo manta la hadlay Warbaahita Qaranka ayaa xusay in falkaasi lagu xasuuqay dadkaasi wax ku ool ah  uu ahaa mid naxdin leh oo taabtay guud ahaan quluubta shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Dubbe,ayaa xaqiijiyay in dadkii ka taliyay xasuuqaasi aysan gaarin wax faaiido ah,balse ay la kulmeen burbur iyo halaag,wuxuuna intaa raaciyay in qofkii dad xasuuqa isna uusan ka dambeyneyn .

Wasiirka Warfaafinta XFS  Mudane Cusmaan Abokor Dubbe,waxa uu ka dhawaajiyay in qarax kasta oo dhaca  uusan wax is-hortaag ah ku sameyn Karin  horumarka ka socda dalka,sidaa daraadeedna dadka iyo dalka ay awood u leeyihiin in ay horay ugu socdaan wadada ifineysa mustaqbalkooda.

Ugu dambeyntii Wasiirku,ayaa tacsi qaran u diray qoysaskii iyo asaxaabtii ay ka baxeen marxuumiintaasi,wuxuuna alle uga baryay in uu hooy uga dhigo janatul Fardowsa.

Maanta oo kale (3-da December) ee sandkii 2009 waa maalin dadka Soomaaliyeed aanan marnaba dareenkooda hilmaami doonin xasuuqii ka dhacay hotelka shamoow ee magaalada Mudisho oo ay ku nafwaayeen dad fabadan oo qeyb-ka ahaan indhaha bulshada Soomaaliyeed.

Dadkii ku shahiiday waxaa ka mid ahaa suxufiyiin, Arday, waalidiin, wasiirkii Caafimaadka Khamar Aadan Cali , Wasiirka tacliinta sare Ibrahim Xasan Caddow, wasiirkii waxbarashada Axmed Cabdulaahi Waayeel, iyo dhaqaatiir caan ah ee uu ka mid ahaa Professor Maxamed Aadan oo loo yaqiin Dr. Shahiid.

Qarammada Midoobe oo bilaawday in gargaar bini aadanimo la gaarsiiyo gobolka Tigray

Qaramada Midoobe ayaa ku dhawaaqday inay bilawday howlaha gargaar bini aadanimo lagu gaarsiinaayo gobalka colaaduhu ka socdaan ee Itoobiya.

Arrintaan ayaa timid kadib markii Qaramada Midoobe iyo dowladda Itoobiya kala saxiixdeen heshiis ogolaanaya in loo gurmado dadka ku dhibaateysan gobalka Tigray.

Heshiiskaan wuxuu ogolaanaya in shixnaddii ugu horeysay oo isagu jirta dawo iyo cunto la gaarsiiyo gobalka oo ay soo wajahday gaajo kadib dagaaladii ka dhacay maalmihii lasoo dhaafay.

Afhayeen u qaabilsan Qaramada Midoobe arrimaha bini aadanimada ayaa sheegay in marka hore qiimeyn lagu sameeyn doono baahiyaha jira si loo caawiyo dadka dhibaateysan.

Hay’adaha samafalka ee caalamiga ayaa dhowr jeer dalbaday in la fududeeyo qaabka wax lagu gaarsiin karo dadka ay wax yeeladu kasoo gaartay dagaalka u dhaxeeya jabhadda Xoreyna Tigreega iyo ciimada dowladda Itoobiya.

Qaramada Midoobe waxay sheegtay in dad gaaraya 800,000  oo ku sugan gobalka Tigreega ay u baahanyihiin gargaar bini aadanimo, kuwaas oo ay ka mid yihiin qaxooti kasoo jeeda Ereteriya

Wasiir dawlaha arrimaha dibadda Soomaaliya oo ka qaybgalay shir deg deg ah oo ay yeesheen wasiirada arrimaha dibadda Afrika

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, ayaa maanta kaga qeybgalay aaladda fogaan aragga Kaltanka 21aad shir aan caadi ahayn oo uu yeeshay Golaha fulinta Ururka Midowga Afrika oo looga hadlay Aaga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika (AfCFTA) iyo fulinta hindisaha Midowga Afrika ee 2020 ee aamusinta qoriga.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa muujiyay rabitaanka Soomaaliya iyo shucuubta qaaradda si loo hirgeliyo aagga ganacsiga xorta ah si ay u suuragasho in dalalka Qaaradda Afrika ay is-weydaarsadaan badeecooyin iyo adeegyo si aan caqabad ku jirin si loo gaaro is-dhexgal dhaqaale oo waxtar leh oo macnaheedu yahay xilli cusub oo iskaashi qaaradeed ah.
22 Maarso, 2018 ayaa Soomaaliya ay ku saxiixday Caasimadda Kigaali ee dalka Ruwaanda labo heshiis oo kala ahaa Aaga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika iyo Hab maamuuska isku socodka xorta ah ee Dadka

Kooxda Taliban iyo dawladda Afghanistan oo heshiiskii ugu horreeyey gaaray

Wakiilada dowladda Afghanistan iyo  Taliban ayaa wada gaaray heshiis hor u dhaca ah oo ku saabsan wadahadalada nabadda  ee u dhexeeya labada dhinac, waa heshiiskii qoraal ah ee ugu horeeyay ka dib 19 sano oo dagaal ah.

Heshiiska, arbacadii la saxiixay ayaa dhigaya in la sii wado wada xaagoodka gaar ahaan in horey loo dhaqaajiyo qodobada ay kamid yihiin, xabbad joojinta.

“Hanaanka waxaa ku jira in qeybaha hore ee wada xaajoodka la soo gabagebeeyo, wixii hadda ka dambeeyana ajendiyaasha wadahadalka la guda galo,” Nader Nadery, oo ka tirsan wakiilada dowladda ayaa Reuters, u sheegay.

Dhankooda, Taliban ayaa xaqiijiyay heshiiskaas sida uu Twitter soo dhigay afhayeenka kooxda.

Afhayeenka madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani, Sediq Sediqqi, ayaa xusay in heshiiska uu yahay talaabo horey loo qaaday, isagoo intaas ku daray in wada xaajoodku ku bilowday is faham guud oo ay ku jirto xabbad joojinta iyo qodobada muhiimka u ah dadka wadanka.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa labada daraf ugu hambalyeeyay heshiis ay gaareen, isagoo tilmaamay in Mareykanku si dhab ah ula shaqeyn doona labada dhinac gaar ahaan yareynta dagaalada iyo xabbad joojinta.

Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan dib u heshiisiinta Afghanistan Zalmay Khalilzad waxaa uu sheegay in labada dhinac gaareen heshiis ka kooban sadex bog oo ku jiraan hanaankii loo mari lahaa tubta wadahadalka siyaasadda iyo is fahamka xabbad joojinta.

Heshiiskan ayaa ka dambeeyay ka dib billo labada dhinac wada xaajood uga socday caasimadda Qatar ee Dooxa, waxaana si weyn u taageerayay Mareykanka, hase yeeshee, labadan daraf ee reer Afghanistan wali dagaal ayaa ku dhex maraya dalka.

Taliban ayaa diiday in heshiiska hor u dhaca ah lagu daro xabbad joojinta, inkastoo dalalka reer galbeed iyo ururada caalamiga ah ku booriyeen arrintan ayagoo xusay in xabbad joojin la sameyn doono marka wadahadalka lagu heshiiyo.

Wakiilka QM u qaabilsan Afghanistan Deborah Lyons ayaa soo dhoweeyay heshiiska, isagoo sheegay in tani fududeyn karto in heshiis nabadeed la gaaro.

Bishii hore, labada dhinac waxay gaareen heshiis, laakiin daqiiqaddii u dambeysay ayaa wakiilada Taliban ka baxeen heshiiska markii ay diideen sharciyadda dowladda Afghanistan.

Diplomaasiyiinta reer Yurub ee wadahadalkan fududeynaysa ayaa Reuters u sheegay in labada daraf u dhexeeyo kala aragti duwaansho badan.

“Labada dhinac waa in ay ogaadaan in reer galbeedka dulqaadka ka sii dhamaanayo isla markaana gargaarka la siiyo shuruud ku xiran tahay … sidaas awgeed waa in aad sameysaan horumar la arki karo ,” ayuu yiri diplomaasigan magaciisa qariyay.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan ayaa lagu soo dhaweeyay heshiis waxayna sheegeen in tani tahay talaabo dhanka wanaaga loo qaaday.

Taliban waxaa xukunka ka tuurey 2001 xoogag caalami ah oo Mareykanka hormuud u ahaa ka dibna waxaa xukunka dalka loo dhiibay dowlad Mareykanku aqoonsan yahay inkastoo Taliban maamulaysay dhul balaaran oo Afghanistan ah haddana waxaa jiray dagaalo lagu hoobtay oo u dhexeeya ciidamada ajnabiga ah iyo Taliban.

Bishii Fibraayo ee sanadkan, waxaa heshiis wada gaaray Taliban iyo Mareykanka waxaana ku jira heshiiskaas in ciidanka caalamiga ah ka baxaan dalka bisha May ee sanadkan 2021 taa bedelkeedana Taliban balan qaaddo nabadda dalka Afghanistan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa durba bilaabay in ciidanka Mareykanka laga soo saaro dalkaas inkastoo uu wajahayo dhaleeceyn ku aadan talaaabadaas. Maamulka Trump ayaa ku dhawaaqay in 2,500 oo askari ka soo saaray dalka Afghanistan.

Wasiirka arrrimaha dibadda Jarmalka Heiko Maas ayaa tallaabaddii la soo dhaafay  NATO uga digay in ka soo bixitaanka Afghanistan uu yahay mid aan qaan gaarin isla markaana loo baahan yahay in laga fiirsado.

Maalinta caalamiga ah ee dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo dunida laga xusayo

Sanad walba 3-da December waxaa la xusaa maalinta caalamiga ah ee loo aqoonsaday in ay leeyihiin dadka naafada ah, waxaana Qaramada Midoobay u asteysay maalinkan in lagu baraarugo arintaasi oo la siiyo taageerada ay u baahanyihiin dadka lixaadka dhantaalan.

Sanadkan 2020 waxaa hal ku dhig looga dhigay xuskaan maafanimada dhamaanteed ma ahan wax muuqda .

Sida ay sheegtay heyada caafimaadka aduunka ee WHO 15 % dadka aduunka waxa ay la noolyihiin baahiyaha gaarka ama lixaadka aan dhameystirneyn.

Arintan ayaa ka dhigan in dad ka badan hal bilyan oo qof ay qabaan nooc naafada ka mid ah guud ahaan aduunka.

450 malyuun oo dadkaasi ka mid ah waxaa la sheegay in ay qabaan xanuunada dhimirka .

Sida warbixinta lagu sheegay 69 malyuun oo qof ayaa waxaa sanad kasta ku dhaca xanuun ka dhashay jug ama dhaawaca maskaxda ka gaaray kaas oo qofka qal qal galiya.

Xanuunka covid-19 ayaa sii murjiyay xaalada dadka baahiyaha gaarka qaba.

Sahan ay WHO ka qaaday 130 dal ayaa lagu sheegay in ay kordheen dadka xanuunada qalqalka maskaxda qaba sanadkan 2020

Kulan ka tirsan horyaalka Somali Premier League oo galabta lagu wado inuu ka dhaco garoonka Eng Yariisow

Kooxaha Raadsan iyo Rajo ayaa galabta ku ballansan garoonka Eng Yariisow Stadium, ciyaar qeyb ka ah horyaalka Somali Premier League.

Kulankan ayaa ah mid aad u xiiso badan labadan kooxood ayaa diyaar garow xooggan u galaynciyaartan weyn, waana kulankii 53-aad ee laga dheelo horyaalka ahna kulankii 11-aad ee horyaalka laga ciyaaro.

Labadan kooxood ayaa ah kuwa awoodooda meel dhaxaad tahay, inkasto kooxda Rajo ay sanadkan tahay kooxda ugu hooseysa kala sarreynta horyaalka, iyadoo ku jirta kaalinta 10-aad ee horyaalka.

Kooxda kubadda cagta Raadsan kulankii ugu dambeyay ay ka dheesho horyaalka waxay guuldarro 5-0 kala soo kulantay naadiga Gaadiidka.

Wiilasha Rajo ciyaartii ugu dambeysay waxey khasaaro xun oo 5-0 ka soo qaabishay naadiga Mogdisho City Club, kuna daro Rajo waa kooxda kaliya sanadkan ku dhacday guuldarooyinka ugu badan ee horyaalka, iyado dhulka la dhigay 7-kulan oo qeyb ka ah horyaalka sanad ciyaareedkan.

Kulanka waxaa xiiso u yeelaya ayaa ah in labada kooxood ay guuldarrooyin min 5-0 la soo kulmeyn kulankii ugu dambeeyay ay ka dheelan horyaalka, taas oo ka dhigan in galabta midkood uu rabo inuu iska dhaqo guuldarradii soo gaartay kulankii ugu dambeyay.

Naadiga Raadsan ayaa ku jirta booska kala sarreynta horyaalka kaalinta 7-aad iyadoo leh 11-dhibcood, halka Rajo ay ku jirto booska 10-aad waxayna leedahay 5-dhibcood oo qura.

FIFA Oo Si Rasmi Ah U Aqoonsatay Garoonka Mogadishu Stadium.

Xidhiidhka kubada cagta Adduunka ee FIFA ayaa si Rasmi ah u aqoonsatay garoonka Mogadishu Stadium una aqoonsatay in uu yahay garoon heer caalmi ah.

Garoonka Mogadishu Stadium ayaa haatan la mid ah garoomada ugu waaweyn kubada cagta adduunka kadib markii ay maanta FIFA siisay shahadaadada aqoonsiga caalamiga ah.

Aqoonsiga FIFA ee garoonka Mogadishu Stadiumayaa imanaya kadib markii bilo yar kadib dib u dhis cusub lagu sameeyay loona dhisay qaab heer sare ah.

Kadib aqoonsiga FIFA xulka qaranka Somaliya ayaa garoonka Mogadishu Stadium ku ciyaari doona kulamada heerka caalami halkii ay markii hore ku ciyaari jireen wadamada jaarka.

Kooxda Horseed oo sii dheereysatay hoggaanka horyaalka Somali Premier League kaddib markii ay xasuuqday Raadsan

Kooxaha Horseed iyo Raadsan ayaa galabta ku hardamay garoonka Eng Yariisow, ciyaar qeyb ka ah horyaalka Somali Premier League, iyadoo maanta dib loo amba-qaaday horyaalka kaddib muddo uu Coronavirus awgii u xayirnaa.

Kulankan ayaa ahaa mid aad u xiiso badan maadaama ay labada kooxood soo bandhigeen kubadda aad u qurux badan, waxayna ciyaarta ku soo dhammaatay 4-0 ay guusha ku raacday Naadiga Horseed.

Qeybtii koowaad ayaa lagu kala maray 2-0 ay ku hoggaaminaysay kooxda Horseed, waxaana labada gool u dhaliyay Bernando Mogesha, sidaas ayaa lagu kala maray dheesha.

Markii dib la isku soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta kooxda Horseed ayaa la timid labo gool oo ay ka kala heshay Farxaan Duqow iyo Hanad Yare, ciyaarta ayaa natiijo ahaan noqotay 4-0 oo ay ku adkaatay kooxda Cawo iyo Maalin.

Si kastaba ha noqotee, Kooxda Horseed ayaa hoggaanka horyaalka Soomaali Premier League sii dheereysatay, iyadoo iminka leh 25-dhibcood oo nadiif ah.

Kulan ka tirsan horyaalka Somali Premier League oo galabta lagu wado in lagu ciyaaro garoonka Eng Yariisow

Kulan ka tirsan horyaalka Somali Premier League ayaa galabta lagu wada inuu ka dhaco garoonka Eng Yariisow Stadium, ciyaar qeyb ka ah horyaalka Somali Premier League.

Kooxaha Heegan iyo Midnimo ayaa galabta ku ballansan inay wada dheelaan kulan qeyb ka ah horyaalka Somali Premier League ee fasal ciyaareedkan 2019-20.

Kulankan ayaa ah mid aad u xiiso badan, waana ciyaartii 52-aad ee laga dheelayo horyaalka fasal ciyaareedkan ahna kulankii 11-aad ee horyaalka Somali Premier League.

Kooxda kubadda cagta Heegan kulankii ugu dambeeyay waxa ay 3-1 ugu adkaatay naadiga Elman ciyaar dhacday 03-03-2020.

Wiilasha Mdinimo kulan ciyaareedkii ugu dambeeyay waxa ay barbaro goolal la’aan la soo gashay kooxda kubadda cagta Dekedda FC.

Heegan ayaa iminka ku jirta booska 5-aad ee horyaalka iyadoo leh 17-dhibcood, halka Midnimo ay leedahay 10-dhibcood waxayna ku jirta booska 8-aad ee kala sareynta horyaalka kal ciyaareedkan.

Naadiga Midnimo ayaa sanadkan rabta inay baaqi ku sii ahaato horyaalka heerka koowaad, iyadoo iska ilaalinaysa inay dib uga dhacdo horyaalka Somali Premier League.

Hoggaamiyaha kooxda Heegan Mahad Meykon ayaa galabta ka go’an tahay inuu guul gaaro si uu u soo cariirsado kaalimaha ugu sarreya horyaalka fasal ciyaareedkan 2019-20.