Kulan ka tirsan horyaalka Somali Premier League oo galabta lagu wado inuu ka dhaco garoonka Eng Yariisow

Kooxaha Raadsan iyo Rajo ayaa galabta ku ballansan garoonka Eng Yariisow Stadium, ciyaar qeyb ka ah horyaalka Somali Premier League.

Kulankan ayaa ah mid aad u xiiso badan labadan kooxood ayaa diyaar garow xooggan u galaynciyaartan weyn, waana kulankii 53-aad ee laga dheelo horyaalka ahna kulankii 11-aad ee horyaalka laga ciyaaro.

Labadan kooxood ayaa ah kuwa awoodooda meel dhaxaad tahay, inkasto kooxda Rajo ay sanadkan tahay kooxda ugu hooseysa kala sarreynta horyaalka, iyadoo ku jirta kaalinta 10-aad ee horyaalka.

Kooxda kubadda cagta Raadsan kulankii ugu dambeyay ay ka dheesho horyaalka waxay guuldarro 5-0 kala soo kulantay naadiga Gaadiidka.

Wiilasha Rajo ciyaartii ugu dambeysay waxey khasaaro xun oo 5-0 ka soo qaabishay naadiga Mogdisho City Club, kuna daro Rajo waa kooxda kaliya sanadkan ku dhacday guuldarooyinka ugu badan ee horyaalka, iyado dhulka la dhigay 7-kulan oo qeyb ka ah horyaalka sanad ciyaareedkan.

Kulanka waxaa xiiso u yeelaya ayaa ah in labada kooxood ay guuldarrooyin min 5-0 la soo kulmeyn kulankii ugu dambeeyay ay ka dheelan horyaalka, taas oo ka dhigan in galabta midkood uu rabo inuu iska dhaqo guuldarradii soo gaartay kulankii ugu dambeyay.

Naadiga Raadsan ayaa ku jirta booska kala sarreynta horyaalka kaalinta 7-aad iyadoo leh 11-dhibcood, halka Rajo ay ku jirto booska 10-aad waxayna leedahay 5-dhibcood oo qura.