Kooxda Horseed oo sii dheereysatay hoggaanka horyaalka Somali Premier League kaddib markii ay xasuuqday Raadsan

Kooxaha Horseed iyo Raadsan ayaa galabta ku hardamay garoonka Eng Yariisow, ciyaar qeyb ka ah horyaalka Somali Premier League, iyadoo maanta dib loo amba-qaaday horyaalka kaddib muddo uu Coronavirus awgii u xayirnaa.

Kulankan ayaa ahaa mid aad u xiiso badan maadaama ay labada kooxood soo bandhigeen kubadda aad u qurux badan, waxayna ciyaarta ku soo dhammaatay 4-0 ay guusha ku raacday Naadiga Horseed.

Qeybtii koowaad ayaa lagu kala maray 2-0 ay ku hoggaaminaysay kooxda Horseed, waxaana labada gool u dhaliyay Bernando Mogesha, sidaas ayaa lagu kala maray dheesha.

Markii dib la isku soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta kooxda Horseed ayaa la timid labo gool oo ay ka kala heshay Farxaan Duqow iyo Hanad Yare, ciyaarta ayaa natiijo ahaan noqotay 4-0 oo ay ku adkaatay kooxda Cawo iyo Maalin.

Si kastaba ha noqotee, Kooxda Horseed ayaa hoggaanka horyaalka Soomaali Premier League sii dheereysatay, iyadoo iminka leh 25-dhibcood oo nadiif ah.