Horjoogihii argagixisada Al-shabaab ee dhinaca dilalka qorshaysan oo gacanta lagu dhigay

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa Howgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen dagmada Walaweyn ee gobolka shabellada hoose waxay ku soo qabteen madaxii guud ee dilalka qorshaysan ee Al-shabaab.

Ciidanka Sida gaarka u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa u dhacay guriga Horjoogahaan oo Lagu magacabo Maxamuud Maxamed Sheekh Cali.

Saraakiil ka tirsan Kumaandooska Danab oo la hadlay Idaacada ciidamada Qalabka Sida  ayaa sheegay in howlgalkaan laga fuliyay gudaha dagmada Walaweyn ee gobolka shabellada hoose lagu soo qabtay Madaxii Guud ee dilalka Qorsheysan ee argagixisada Al-shabaab.

Saraakiisha Danab waxay intaasi raaciyeen in Xogta horjogahaan laga warhaayay, isla markaana dagmada Walawayn uu soo gaaray habeen ka hor.