Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo goor dhaw Furmay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen rooble ayaa goor dhow xarunta xalane ka furay madashada iskaashiga Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Ra’iisul wasaare Rooble oo khudbad ka jeediyay furitaanta shirka ayaa ka hadlay arrima badan oo ay ka mid yihiin la daagalanka argagixisada ,Amniga iyo doorashooyinka.

Shirka waxaa ku sugan sidoo kale Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) wasiiro iyo xilidhibaanno ka tirsan dowladda Soomaaliya guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) qaar ka mid safiirada beesha caalamka ufadhiya Soomaaliya.

Ergaryga gaar ah ee qaramada midoobay uqaabilsan Soomaaliya James Swan sidoo kale khudbad dhinac Zoomka ah uga soo qeyb-galay

hada waxaa socota khudbada madaxweynaha Punland Saciid Cabdullaahi Deni oo magaalada Garowwe uga jira aalada fogaan arrga ee Zoomka,waxaana sidoo kale qorshahun yahay inay shirka ka hadlaan xubno ka socdo beesha caalamka iyo dowladda Soomaaliya.

Tallaalka Covid19 oo rasmi ah uga bilaabanaya dalka Ingiriiska

Lodon- Qaybtii ugu horaysay talaalka Pfizer/BioNTech ee xanuunka Covid19 oo uu dhaliyo CoronaVirus ayaa la gaarsiiyay qaar ka mid ah isbitaallada iyo goobaha caafimaadka ee dalka Ingiriiska.

Illaa 50 goob ayaa laga bilaabi doonaa wajiga koowaad ee tallaalka,waxaana la geeyay sanduuqyo qaboojiyayayaal ah oo tallaalku ku jiro.

Maalinka talaadada ah ayaa saraakiisha caafimaadku sheegeen in uu talaalka si rasmi ah u bilaabanayo, dadka ugu horeeya ee la talaalayo ayaa ah shaqaalaha caafimaadka , dadka Waayeelka ah iyo dadka ku sugan goobaha dadka da’da ah lagu xanaaneeyo.

UK waxay dalbatay tallaal ku filan 40 malyuun oo qof waana dalkii labaad ee aduunka ee si buuxda u shaaciya in uu dadwaynihiisa qaadanayaan tallaalka lagaga hortagayo cudurka Covid19, dalka Ruushka ayaa horay u qaaday tallaabadaan oo kale, inkastoo hay’adda Caafimaadka aduunka ee WHO aysan wali xaqiijin waxtarka tallaalka Ruushka.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS oo shaqaalaha kula dardaarmay dardargelinta shaqada Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa kulan lagu dardar gelinayo howlaha Wasaaradda la qaatay madaxda iyo howl wadeenada Wasaaradda, waxaana goobjoog ahaa Wasiiru Dowlaha iyo agaasimaha Guud ee Wasaaradda.

Kulankaan oo uu shirgudoominayay Wasiirka Wasaaradda Mudane Cumar Cali Rooble ayaa ujeedkiisu ahaa is xog wareysi iyo isla xisaabtan Waxaana diirada lagu saaray Qorsho-Howleedka 100-ka Maalin ee Soo Socda ee Wasaaradda, iyadoo si qoto dheer looga wada hadlay arrimaha muhiim u ah shaqada Wasaaradda.

Kulanka ayaa intiisa badan waxaa diirada lagu saaray fursadaha ay heysato Wasaaradda iyo caqabadaha ugu waa weyn eek u hor gudban howlaha Wasaaradda, qaabka loo horumarin karo shaqada Wasaaradda iyo in la dedejiyo sharciyada iyo xeerarka quseeya howlaha Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee Dowladda Federaalka.

Sidoo kale, Waxaa Warbixinno laga dhageystay Agaasimaha Guud Iyo agaasime Waaxeedyada Haddaba falanqeyn iyo dood dheer kadib waxa uu Wasiirka Wasaaraddu kula dar daarmay Agaasimayaasha wasaaradda in lasii Laba laabo dar dar gelinta howlaha iyo qorsheyaasha Wasaaraddda laga doonaayo in ay fuliso 100-ka maalmood ee soo socda iyo qorsheyaasha kale ee Wasaaradda u yaalla.

Tan iyo markii loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda 19 October 2020 Xilka Wasiirnino ayaa waxaa uu qaaday tallaabooyin wax ku ool ah, isla markaana lagu horumarinaayo howlaha Wasaaradda.

   

Leave a Comment

Howlgal amniga lagu sugayo oo ka bilawday Gaalkacyo dhinaca Galmudug

Gaalkacyo- Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Galmudug ayaa howlgallo amniga lagu xaqiijinayo waxaa ay ka bilaabeen maanta Magaalada Gaalakcyo ee Xarunta gobolka Mudug, halkaas oo dhowr jeer ay ka dhaceen falal amni darro.

Howlgalka oo inta badan ay ciidamada ka samaynayeen wadooyinka ayaa waxaa ay baaritaanno ku samaynayaan gaadiidka isticmaala wadooyinka Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Wararka ayaa waxaa ay intasi ku darayaan in ciidamada ay Muraayadaha Madow ee loo yaqaano Bersolka ay fiiqayaan gaadiidka yar yar ee isticmaala wadooyinka Magaalada Gaalkacyo, iyaga oo uga baaqayay inay gawaaridooda u isticmaalin Muraayadaha Madow ee Bersolka.

Muddo hadda laga joogo laba bilood ayaa waxaa Muraayadaha Madow laga fiiqay dhamaan gawaarida Magaalada Gaalkacyo, kaddib amar kasoo baxay maamulka gobolka Mudug oo kaashanaya laamaha amniga gobolka.

Saraakiisha laamaha amniga & maamulka magaalada Gaalkacyo ayaa dhowr jeer waxaa ay amarro ka soo saareen gawaarida leh muraayadaha madow, sidoo kale ay amar ku bixiyeen in la fuliyo howlgallo gawaarida looga fiiqayo muraayadaha madoow ee Bersolka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyey kullan looga diyaar garoobayo madasha Soomaaliya iyo Saaxiibadda Caamalka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa shir guddoomiyay kullan ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada ee Xukumadda Federaalka soomaaliya iyo khubaro kala duwan oo looga hadlayay u diyaar garowga Madasha Soomaaliya iyo Saaxiibbada Caalamka (Somali Partnership Forum).

Madasha Soomaaliya iyo Saaxiibbada Caalamka (Somali Partnership Forum) ayaa toddobaadkan lagu qabanayaa magaalada Muqdisho.

              

 

 

Ciidanka Xoogga dalka oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay deeganno ka tirsan gobolka Shabeellada hoose, waxaana howlgalkaasi lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalkaan ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanada Walla-galeen, Galka Saalimow, Dahaad, Ceel maracade iyo garas gawaan oo ka tirsan gobolka shabeellaha hoose.

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jen. Maxamed Tahliil Biixi oo la hadlayay Idaacadda codka ciidamada ayaa sheegay in howlgalkaas ku dileen 11 xubnood ka tirsan Al-Shabaab oo uu ka mid ahaa sarkaalkii watay ciidankaas.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay inay burburiyeen goobo Al-Shabaab dadka ugu qaadayeen lacagaha baadda ah.

Ciidanka xoogga dalka ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday howlgallo qorshaysan, waxaana howlgaladaas fulinayay ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab.

Madaxwayne Farmaajo oo bogaadiyay dadaallada Xukuumadda ee arrimaha doorashooyinka

Madaxwaynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xukuumadda federaalka Soomaaliya ku bogaadiyay dadaalka ballaaran ee ay galisay arrimaha doorashada iyo fulinta doorkii dowladda federaalka Soomaaliya kaga aaddanaa heshiiskii ay gaareen madaxda dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka kaasi oo ay si wadajir ah u ansixiyeen golaha Shacabka iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed 26-kii Sibteembar, 2020.

Madaxweyne Farmaajo ayaa adkeeyay sida ay dowladda federaalka Soomaaliya uga go’an tahay qabashada doorasho hufan oo ku salaysan habraacyadii lagu heshiiyay isaga oo u mahadceliyay dowlad goboleedyada fuliyay qaybtii kaga aaddanayd heshiiska doorashada, iyaga oo soo dhammaystiray xubnihii ay ku lahaayeen guddiyada heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ee hirgelinta doorashooyinka.

“Waxa naga go’an in si buuxda loo fuliyo heshiiskii doorashada iyada oo laga fogaanayo dib-u-dhac ku yimaadda xilliga doorashada. Sidaas darteed, waxa aan dowlad goboleedyada aan weli soo dhammaystirin xubnaha ay ku leeyihiin guddiyada hirgelinta doorashooyinka ugu baaqayaa inay ka shaqeeyaan sidii looga dhabayn lahaa qodobbadii iyo hab-raacyadii lagu heshiiyay, aniga oo rajaynaya inay sida ugu dakhsaha badan u soo magacaabi doonaan qaybta ku hartay.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu xukuumadda federaalka Soomaaliya ku dhiirrigeliyay inay sii laba-jibaarto dadaalka ay ugu jirto sidii dalka loogu diyaarin lahaa jawi doorasho oo xasilloon.

Qorshe wax looga Qabanaayo sicir-bararka oo maanta ka dhaqan galaya Puntland

Garoowe- Maanta waxaa lagu wadaa inuu dhaqan galo go’aankii khamiistii ka soo baxay golaha wasiirrada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, kaas oo shirkadaha isgaarsiinta lagu amaray in hal doollar ama ka yar aan la isugu diri Karin adeegyada Sahal iyo E-Dahab.

Wasaaradda Maaliyadda Puntland waxay Shirkadahaas amar ku siiyay, in ay sarif ahaan u qaataan Lacagta Shilinka Soomaaliga ah, si loo soo celiyo qiimaha lacagta Shilinka oo hoos u dhac ballaaran ku yimid, taas oo sicir-barar keentay.

War shalay ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa lagu adkeeyay shirkadaha in ay u hoggaansamaan awaamiirtii ka soo baxay shirkii golaha wasiirrada.

Qaramada midoobay oo gurmad bani’aadminimo ka bilowday gobolka Tigreega

Adis-Ababa- Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday inay bilawday howlaha gargaar bini aadanimo lagu gaarsiinaayo gobalka colaaduhu ka socdaan Tigreega ee dalka Itoobiya.

Arrintaan ayaa timid kadib markii Qaramada Midoobay iyo dowladda Itoobiya kala saxiixdeen heshiis ogolaanaya in loo gurmado dadka ku dhibaataysan gobalka Tigray.

Heshiiskaan wuxuu ogolaanaya in shixnaddii ugu horeysay oo isagu jirta dawo iyo cunto la gaarsiiyo gobalka oo ay soo wajahday gaajo kadib dagaaladii ka dhacay maalmihii lasoo dhaafay.

Afhayeen u qaabilsan Qaramada Midoobe arrimaha bini aadanimada ayaa sheegay in marka hore qiimeyn lagu sameeyn doono baahiyaha jira si loo caawiyo dadka dhibaateysan.

Hay’adaha samafalka ee caalamiga ayaa dhowr jeer dalbaday in la fududeeyo qaabka wax lagu gaarsiin karo dadka ay wax yeeladu kasoo gaartay dagaalka u dhaxeeya jabhadda Xoreyna Tigreega iyo ciimada dowladda Itoobiya.

Qaramada Midoobe waxay sheegtay in dad gaaraya 800,000  oo ku sugan gobalka Tigreega ay u baahanyihiin gargaar bini’aadanimo, kuwaas oo ay ka mid yihiin qaxooti ka soo jeeda dalka Ereteriya.

 

Wasaaradda caafimaadka Galmudug oo tayeyneysa adeegyada isbitaalka Cadaado

Cadaado- Wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Galmudug ayaa iyadoo ka duuleysa baahiyaha caafimaad ee ka jira magaalada Cadaado waxey isbitaalka guud ee Cadaado keentay dhaqtar u dhashay dalka Masar oo ku takhasusay qaliimada guud.

Dhaqtarka Ayaa waxaa Garoonka diyaarayaha magaalada Cadaado Kusoo dhaweeyay Shaqaalaha isbitaalka Guud ee magaalada Cadaado iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Wasiirka caafimaadka Galmudug Cabdi wali Cismaan Jaamac Ayaa sheegay in isbitaaka cadaado uu noqon doono isbitaal tusaale unoqda isbitaallada deegaannada Galmudug,isagoo xusay in wasaaradu ay tayeyneyso goobaha caafimaad ee Galmudug si bulshadu ay u helaan adeegyada ay uga baahdaan.

Dr Cabdiraxman Maxamud oo ah dhaqtar ku takhasususay qaliimada guud  ayaa sheegay inuu waqti badan Joogi doono magaalada Cadaado shaqo badana ka qaban doon arrimaha caafimaadka.