Kulan lagu dhiirigelinayay maalgashiga shisheeye oo lagu qabtay Muqdisho

Xafiiska Dhiirigelinta Maalgashiga [SOMINVEST] ee ka tirsan Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa casho Sharaf u sameeyay maalgashatada shisheeye ee maalgashtay Soomaaliya iyada oo ujeedku yahay in sare loogu qaado xiriirka malagashatada iyo Dowladda Soomaaliya lana taageero imaanshaha maalgashi shisheeye ee Soomaaliya.

Cashada waxaa kasoo qeyb galay Danjire. Jamaal Maxamed Hassan, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha; Danjire. Mehmet Yilmaz, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya; Cabdiraxmaan Maxamed, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya; Wakiillo ka kala socday guddi hoosaadyada Baarlamanka ee Maaliyadda & Qorsheynta; maalgashiga; xafiiska Madaxweynaha; Xafiiska Ra’isul Wasaaraha; Maalgashato Shisheeye; Golaha ganacsiga ee Turkiga iyo Soomaaliya iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

Cashadan waxa ay qeyb ka tahay barnaamijka guud ee SOMINVEST ku taageereyso kuna fududeyneyso maalgashiga iyo maalgashatada shisheeye si sare loogu qaado qanacsanaanta maalgashatada loona kordhiyo maalgashiga shisheeye ee Soomaaliya.

SOMINVEST waxa ay u igmantahay dhiirigelinta, fududeynta iyo taageeridda maalgashiga shisheeye; sare u qaadista muuqaalka dalka iyo in ay u ololeyso kobcinta jawiga maalgashi ee dalka.

Maamulka gobolka Banaadir oo la dagaalamaya aqris qoris la’aanta

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka qeyb galay barnaamijka kulanka wadatashiga iyo is dhex-galka bulshada oo lagu qabtay degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

Kulanka wadatashiga iyo is dhex-galka bulshada waxaa guddoomiyaha ku wehlinayay guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta gobolka Banaadir,xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya,ururka haweenka gobolka iyo qaar kamid ah guddoomiyeyaasha gobolka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa odayaasha iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ka dhageystay su’aalo ay weydiiyeen iyo talooyin  ku aaddanaa horumarinta gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha degmada Shibis Cali Maxamed Cabdulle oo ka hadlay kulanka ayaa guddoomiyaha gobolka Banaadir wuxuu ka dalbaday in wax laga qabto baahiyaha ay soo bandhigeen bulshada degmada Shibis.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta gobolka Banaadir Basmo Caamir Axmed Jakeetti ayaa sheegtay in waxbarashada wax badan ay ka beddeleen haddana ay xooji doonaan dadaalkooda ku aaddan goobaha loogu adeego bulshada oo MCH-yadu ay kamid-ka yihiin.

Guddoomiyaha gobolka Banaadi ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed oo ka jawaabayay su’aalihii ay waydiiyeen bulshada Shibis oo ay ka mid ahaayeen tayeynta waxbarashada iyo caafimaadka ayaa sheegay in ay rajeynayaan in la waayo mustaqbalka qof ku nool caasimadda oo aan wax qorin waxna akhrin.

Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay Wasiirka Arrimaha Afrika ee Xukumadda Ingiriiska

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Afrika ee Xukuumadda Ingiriiska Mudane James Duddridge ayaa la wadaagay qorsheyaasha hirgalay ee shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen dib u dhiska Ciidamada, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa, horumarinta dhaqaalaha iyo dadaallada dib u heshiisiinta.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Balal Maxamed Cismaan oo kulanka ka qeyb galay ayaa ka warbixiyey wadahadallada miro-dhalka ah ee dhexmaray labada dhinac, iyadoo la isla qaatay adkeynta iskaashiga dhinacyada amniga, dimuquraadiyadda iyo dhaqaalaha.

“Soomaaliya waxaa ka go’an horumarinta siyaasaddeeda arrimaha dibadda ee ku dhisan iskaashiga. Labada dowladood waxa ay isla qaateen dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada, adkeynta dimuquraadiyadda, xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo UK, kor u qaadidda taageerada dowladda Ingiriiska iyo maalgashiga.”

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Afrika ee Xukuumadda Ingiriiska Mudane James Duddridge ayaa dowladda ku bogaadiyey guulaha ay ku tallaabsatay ee hannaanka dib u habeynta Ciidamada, Kobcinta Dhaqaalaha iyo qorshaha hirgelinta doorashada.

Intaas kaddib, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan soo dhaweyn ah ugu sameeyey Xafiiskiisa wafdiga Ingiriiska, waxa uuna dul istaagay dadaallada Xukuumadda ee hirgelinta doorashada si ay waqtigeeda ugu qabsoomto, iyadoo la raacayo heshiiskii siyaasadeed ee ay gaareen Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada.

Kulankan waxaa kala qeyb galay Madaxweynaha, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Xasan Macallin Khaliif iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Balal Maxamed Cismaan, halka dhanka Ingiriiska uu ka qeyb galay Danjiraha Dowladda dalkaas ee Somaaliya Mudane Ben Fender Obe.

Dalka Ingiriiska oo Meel Mariyay Daawada Cusub, ee Talaalka karoona.

UK waxaa saakay si rasmi ah uga bilowday talaalka Covid-19,iyadoo Margaret Keenan oo isbuucan noqoneysa 91 jir, ay noqotay qofkii ugu horeeyay dalkaasi ee la siiyo talaalka Covid-19.

Waxaa talaalka qeybtiisa koowaad ahmiyad gaar ah la siin doonaa dadka 80 sano ka weyn iyo shaqaalaha caafimaadka,waxaana tallaalkaasi la geeyay Ilaa 50 goob oo caafimaad.

Waxaa qorshuhu yahay in la talaalo ilaa 40 malyuun oo qof, halka Waaxda caafimaadka ay u yeeri doonta qofka la talaalayo.

UK waxay noqotay dalkii ugu horeeyay aduunka ee meel mariya daawada cusub, ee talaalka karoona.

MUWAADIN KA QEYB QAADO BILICDA DALKAAGA HOOYO

Dalkastoo dunidaan ka mid ah, waxaa horumariyey muwaadiniintiisa oo u soo dhabar adeegay, maantana waxey ku raaxeysanayaan waa waxey horey dhididkooda ugu soo qubeen.

Hadaba xal miyey inoo tahay dal muwaadiniintiisu quruxsadeen inaan u haajirno? Maya dan inooma ahan oo qeymane ku yeelan meyno taa, qeymaheena iyo sharafteena waxey ku jirtaa inaan dalkeena aaminno oo bilicdiisa iyo horumarkiisa dhaqaale si wadajir ah uga wada qeyb qaadano.

Dowladaha adduunka ugu awoodda badan ee galbeedka(westrenka) waxey soo mareen burbur iyo dagaallo sokeeye ( Civil War), balse waxey u noqotay taariikh wax ku ool ah, waxey abuureen fursad waxeyna aamineen kalsooni ah inay dunida hoggaamin karaan wey ka dhabeeyeen oo maanta dunida ayaga ayaa hoggaaminaaya haddey noqon laheyd, dhaqaalaha, militriga, Aqoonta iwm.

Dhallinyarow waxuu Allaah nasiiyey dhul siman, dhul ku wanagsan beerashada iyo wax-soo saarka haddi aan is ku tashanno oo aan isu geyno awooddeena dhallinyaro waxaa hubaal ah inaan quudin karno malaayiin ku nool caaalamka.

Aan iska ilowno dagaalladii na soo maray oo ha inoo noqdeen cashar aan ku horumarinno dalkeena, shaqsi kasto oo muslim Soomaali ah waxaa waajib kasaaran yahay ilaalinta iyo horumarinta dalka.

Isku day xooggaaga inaad ugu faa’iideyso dalka iyo dadkaaga hooyo intaad la haajiri laheyd xooggaaga oo aad ugu faa’iideyn laheyd waddamo iyo bulshooyin kale.

Sidee ayaan u horumarin karnaa dalkeena Gobolladiisa mid kasta waxuu caan ku yahay oo ku tiirsan dhaqaalihiisa.

Qaar waxey caan ku yihiin beeraha, Qaarna xoolaha nool, kuwana xabagta ama beeyada.

Kaliya waxey ubaahan yihiin ayaa ah dad horumariya oo u soo jeesto wax-soo saarka dalkeena.

Bulshada Soomaaliyeed oo dhan ee ku nool 18-ka Gobol waxaa ku filan wax-soo saarka gobolka shabeellaha hoose oo kaliya iska dhaafe gobollada kale ee dalkeena.

maanta waxaan ka gaajeysannahay waxii Alle uu na siiyey oo u baahan kaliya in xoog la galiyo, balse waxaan sugeynaa oo aan mar walbo uhanqal taagnaa wax ay soo saareen bulsho asaageenna ah oo laga soo saaray buur korkeeda.

Waan awoodnaa inaaa dhisno dhaqaalaha dalkeena, waan awoodnaa inaa wax-soo saarno oo aan dhoofino, waan awoodnaaa in dalkeena laga waayo bulsho faqiir ah, waan awoodnaa xagga dowladnimada inaan la tartanno kuwa awoodda badan, laakin waa inaan iska ilownaa waxa loo yaqaanno qabyaaladda, Ogsoonow qabyaaladda dhibaato ma ahane horumar ku gaarsiin meyso.

In ka badan 25 sano ayaan aamisaneen qabyaaladda waxaan ku weynay maamul wanagsan waxey na bartay eex iyo caddaalad darro waxey baabi’isay qeymaheenii wanagsanaa.

Qabyaaladdu waxey naga dhigtay bulsho ay tusaale usoo qaataan hoggaamiyayaasha dunida qaar ka mid ah marka ay dadkooda ka wacyi galinayaan dhibaatada.

Qabyaaladdu kuma heyno wax faa’iido ah oo ma jirto qabiil horumar ku gaaray.

Haddaba, waxaa la gaaray xilligii aan ka caqliyeysan laheyn qabyaaladda oo aan aamini laheyn qarankeena iyo horumarka dalkeena.

Dhallinyarooy aan ka faa’iideysano barwaaqada dalkeena intaanan dhiman, Tusaalane aan u noqonno jiilalka soo socda.

Mahadsanidiin.

WQ: Cumar Maxamed Cumar( Xuundey)

BARAHA BULSHADA OO KA MID NOQDAY GOOBAHA UU KU SII BAABA’YO AFKA SOOMAALIGA

Erayo la soo gaabiyo oo aan ku habbooneyn in loo adeegsado luuqad ahaan afka Soomaaliga ayaa lagu arkaa baraha bulshada oo aad mooddo in ay dhiirigaliyaan in uu lumo afka hooyo.

Dadka qaar waxay ula jeedaan in ay waqtiga wax qorista ay soo gaabiyaan waxayna erayo dhan ku koobaan dhowr xaraf oo haddii ay sii socdaan luminaya erayadii saxda ahaa .

Dad baa erayga “Fiican” oo salaam ahaan loo isticmaalo u soo gaabiya”Fc” qaar kalena marka ay “walaal” qorayaan waxay isticmaalaan “Wll” taas oo jahawareer badan ku soo kordhin doonta luqadda xilliyada mustaqbalka dhow.

Waxaa iyana jira baraha bulshada ee ay ku jiraan tiktok iyo Youtube waxyaabaha lagu soo bandhigo oo qaarkood maaweelada loola jeedo ayaa lagu isticmaalaa erayo af soomaali ah oo nagu cusub oo eray xaafadeed ah mana aha maanta in aad bulshada dhexdeeda siiba dhallinyarada aad ka dhex maqasho erayo kaaga yaabinaya.

“Waad shidan tahay ,,ku soco..waad ii kala kicisay ..u kala tuur…iwm” ayaa caadi ka ah magaalada dhexdeeda waxaana halkaa looga tagay erayo rasmi ahaa oo kuwaas ka fiicnaa bedelkoodana la adeegasan karay.

Lama oga halka lagu wado luuqadda iyadoo xitaa ay isbedeleen isticmaalkii erayadii cuslaa ee suugaan iyo heesaha lagu adeegsan jiray.

Haddii aad hore u taqaanay miraha heeso ay ku jiraan gufaaco, Subcis..iyo kuwo kale maanta waxaad maqleysaa heeso laga soo minguuriyey suugaanta reer galbeedka weliba nooca raabka loo yaqaano oo adeegsada erayo fudud taas oo ay inta badan suugaanleydii ee soomaalida madaxa ka ruxeen iyagoo muujinaya in aaney la dhacsasaneyn.

Inkastoo suugaanleydii hore ay sidaas qabaana dhallintu waxay ku doodayaan in xilligan casriga ah aaney iyaguna la dhacsaneyn in gabar lagu ammaano geed oo la yiraahdo sida geed caleen leh ama gabar lagu sifeeyo xayawaanka geriga oo la yiraahdo luqunteeda gariga ama laga soo qaado qalanjo oo ah maroodi dheddig ah.

Inkastoo doodaas ay tahay mid kale oo saameynteeda leh waxaa hadal heynta heesaha dhallintu afka ku heyso xilliayadn dambe u badan kuwa raabka sida kuwa wiilka dhallinyarada ah ee SHARMABOY oo heesihiisa qaarkood ay ku jiraan Dharkana anigaa kuu dhaqaa iyo cajiinka caawa anigaa kaa qasaa.

Si kastaba ha ahaatee wax walba xilligooda ayey leeyihiin laakiin waxay u muuqataa in baraha bulshada ay noqonayaan meesha ay ku sii daciifeyso awooddii luuqadda soomaaligi lahaan jirtay.

WQ:Mohamed Shiil

FAA’IIDOOYINKA BUUGAAGTU U LEE YIHIIN NOLOSHA AADAMAHA

Buuggu waa warqado laysu geeyay, wuxuuna macno ku yeeshaa wixii lagu qoray ee halkaasi xogaha qaab qoraal ahaan ama qaab sawir ahaan ah loogu keydiyay islamarkaana ka kooban bogag labada dhinac ay ka xigaan garbado si wacan loo adkeeyay loona qurxiyay.

Buugaagta ayaa aadamaha u leh faa’iidooyin badan oo aan la soo koobi Karin, waana xog baahiyihii ugu horeeryay ee aadamuhu isticmaalo ka dib markay ka soo gudbeen qaabkii sawirrada la qori jiray.

Haddaba, buugaagta ayaa ah ilaha laga raadsado aqoonta, xogha iyo taariikhaha soo jireenka ah taasoo ah wax aad u qaymo badan oo lagu wadaago xogta.

Sidoo kale, waxyaabaha uu dheer yahay xog baahiyayaasha cusub  waxaa ka mida waxaad helaysaa xog saafi ah iyo buug la qoray boqol sano ka hor, waana tan keentay quburada cilmi baarayaasha inay raadiyaan buugaagtii waa hore la qoray qarniyo ka hor.

In wax la qoraa waxay faa’iido u tahay inuu waaro dhaqanka soo jireenka ah ee umaddaas oo laga helo buugaag taas, laakiin bulshada aan wax qorin waxaa hubaal ah inaysan garadoonin waxay ahaayeen awooweyaashood iyo halka ay ku noolaan jireen iyo qaabka ay u noolaan jireen, waxaana laga yaabaa in bulsho kale wax ka qorto hadhow ama boqol sano ka dibna ay dadkaas kale waydiiyaan taariikh doodii siqaldana loogu fasiro.

Waa wehel aan marna kaa tagayn buugu waana saaxiibka ugu wanaagsan dunidaan kaas oo kaa caawinaaya inaad ogaato wixii dhacay boqolaal sano kahor iyo saadaalinta waxa dhicidoona boqol sano kadib markaa uu nool yahay isaga oo ka tusaale qaadanaya wixii horay u dhacay, hadaba iyada oo ay sidaas tahay waxaan idiin soo gudbinayaa qaar kamida faa’idooyinka buugaagta.

1 waxaa uu hoos u dhigaa istareeska

Waxaa laga yaabaa inaad shaqayso mudo kabadan sideed saac maalin walba taasina waxay qofka ku keenikartaa caafimaad la’aan iyo walwal, daraasado la sameeyay ayaa lagu ogaaday inuu qofkaasi u baahan yahay nasiino iyo inuu tago meel uu naftiisa ugu raaxayn karo, hadaba cilmi baarayaashaas ayaa sheegay inay buugaagtu kamid yihiin waxyaabaha yareeya walwalka.

2 waxaa laga helaa aqoon

Boogaagta ayaa kamida meelaha ugu horeeya uu qofka aadamaha ahi ku kobcin karo aqoontiisa nafeed mid diineed iyo mid maadiyaba miday rabto ha’ahaatee, ardada ayaa ah kuwo aad u aqriya buugaagta si’ay u balaariyaan aqoontooda maskaxeed, sidoo kale taariikh yahanada iyo cilmi baarayaasha ayuu waxtar gooniya u leeyahay.

Buugaagta ayaa leh qaybo badan sida buugaagta diimaha oo ay kamid yihiin Quraanka, Baybalka sidoo kale waxaa jira buugaagta cilmiyaysan oo ay kamid yihiin Wargasyada cilmiyaysan iyo buugaagta cilmiyaysan iyo sidoo kale buugaagta qaamuuska oo ereyada laga baaro.

WQ: MUUSE CABDINUUR MAXAMUUD

Hey’adda Socdaalka iyo jinsiyadda ee XFS oo war ka soo saartay Socdaalka muwaadiniinta kenyaanka ah

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay amaro quseeya socdalka Muwaadiniinta kenyaanka ah ee doonaya inay u soo safraan gudaha Soomaaliya.

Muwaadiniinta Kenyaanka ah ee ku safraya baasaboorka dubloomaasiga ah ayaa looga baahan yahay ogolaanshiyaha wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Go,aankan ma saameynayo muwaadiniinta kenyaanka ah ee heysta deggenaanshiyaha.

 

 

Xayiraaddii Karoona kadib, dadkii ugu horeeyay oo cimra u tagay Sacuudiga.

Madiina Al-munawarah- Dufcaddii ugu horreysay oo ah dad ka yimid dibadda Sacuudiga ayaa maanta gaartay magaalada barakeysan ee Madiina Al-munawarah.

Dadkaan doonaya inay cimraystaan oo gaaraya 135 qof ayaa ka yimid dalka Indonesia, iyagoo ilaalinaaya baratakool ka looga hortegaayo faafidda cudurka Karoona Fayras.

Dadkaan ayaa geli doona 3 maalin oo karantiil ah si loo hubiyo caafimad qabkooda sidoo kalena loo hir geliyo nidaamka u yaal wasaaradda xajka iyo cimrada.

Dalka Sacuudiga ayaa hore ugu ogolaaday dadka gudaha jooga in ay cimraystaan, iyada oo la ilaalinaayo badqabka dadka, loona hoggaan samaayo tallooyinka hey’adaha caafimaadka.

Safiirka JFS oo ka qeyb-galay shir looga hadlayay xiriirka wadamada Carabta iyo Shiina

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ee dalka Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa ka qayb galay shir uu soo agaasintay Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Shiinaha, iyadoo ka soo qayb galeen Safiirada wadama carabka ka jooga dalka Shiinaha.

Shirkan intii uu socday ayaa waxaa meeshaas ka hadlay oo qudbad soo dhawayn ah  safiirada  u jeediyay  madaxa xarunta cilmi baarista Shiinaha Carabta ee hagaajinta iyo horumarinta ah Mudane  Jiang Feng, isagoona uga mahadnaqay kasoo qayb galka shirka

Danjire Cawaale Cali Kullane oo inta shirka socday ka hadlay ayaa isagana halkaas ka sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo xariirka dalalka carabta iyo Shiinaha, lagana shaqeeyo sidii loo badin lahaa kulamada nuucan oo kale ah

Sidoo kale waxaa magaca safiirada shirkaas ka qayb galay oo ka mid yahay safiirkeena Dalka Shiinaha Cawaale Cali Kullane ku hadlay safiirka dalka Sacuudi Careebiya Danjire Turki bin Maxamed Al-maadii, isagoo halkaasna uga mahadceliyay xarunta kulankaan soo abaabushay sida ay marti qaadka ugu sameeyeen iyo wadashaqeynta dhaw ay doonayaan in ay la yeeshaan safiirada dalalka carabta.

Safiirka Cawaale oo warbaahinta  qaranka la hadlay ayaa sheegay in kulankaas uu ahaa mid muhiim ah oo xogo muhiim ah laysku waydaarsaday, waxa uuna safiirka u mahadnaqay wasaaradda Arrimaha dibadda oo wadda maalmahan dadaal lagu xoojinayo xariirka Shiinaha iyo dalalka carabta.

Safiirada dalalka Carabka ee dalka Shiinaha ayaa maalmaha soo socda lagu wadaa in sidoo kale ka qayb galaan shirar kale oo lagu xoojinayo xariirka Ccarabta iyo Shiinaha.