Ra’iisul wasaaraha XFS oo Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa kala hadlay arrimaha doorashooyinka

Garowe- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Garowe kulan kula yeeshay madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan.

Kulanka oo uu sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin wada shaqeynta dowladda Federaalka ah iyo Puntland, Arrimaha doorashooyinka iyo qodobbo kale.

    

Guddoomiyaha guddiga gaadiidka gobolka Banaadir oo kormeerey dhismaha waddada Hobyo iyo Gaalkacyo

Mas’uuliyiin ka tirsan guddga gaadiidka gobolka Banaadir, isla markaana qeyb ka ah dadka ku howlan dhismaha waddada Hobyo iyo Gaalkacyo ayaa kormeerey, sida ay shaqada ugu socoto halkaas.

Wefdiga waxaa horkacaya, guddoomiyaha guddiga Cabdulaahi Cali Salaad, waxayna dadka dhismaha gacanta ku haya ku wareejiyeen gaari loogu talagalay in dhismaha waddada loo adeegsado.

Guddiga gacanta ku haya dhismaha waddada ayaa u mahadceliyay mas’uuliyiinta uga timid gobolka Banaadir, sida uu sheegay Cumar Salaad Cilmi oo guddigaas u qaabilsan hanti dhowrka.

Guddoomiyaha guddiga gaadiidleyda gobolka Banaadir ayaa dowladda federaalka iyo tan Galmudug ugu baaqay in ay gacan ka geystaan dhismaha waddada muhiimka ah ee xiriirisa magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo.

Wefdiga ayaa sidoo kale tagi doona degmada Hobyo si ay u qiimeeyaan tayada waddada inta la dhisay.

Madaxweynaha Galmudug oo guddi u saaray baaritaanka dil loo geystay saraakiil ka tirsanaa ciidanka xoogga

Madaxweynaha Galmudud Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa magacaabay guddiga ka kooban shan xubnood oo baaritaan ku sameyn doona dilkii duleedka degmada Balanbal loogu geystay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Gudigan waxaa hoggaan u ah Wasiirka Amniga Gudaha Md Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiirka Arimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta & Dowladaha Hoose Md Cabd Maxamed Jaamac.

Waxaana xubno ka ah; Wasiirka Warfaafinta, Wasiiru Dowlaha Cadaaladda, Xeer ilaaliyaha guud, taliyaha Nabad sugidda Galmudug, kusimaha taliyaha ahna taliye xigeenka ciidanka Booliiska GM, Guddoomiyaha Degmadda Guriceel, Guddoomiyaha Dhuusamareeb, iyo Guddoomiyaha Degmada Balanbal.

Wasiirka warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle ayaa wareegta ka soo baxday xafiiska madaxweynaha u akhriyay saxaafadda, isagoo xaqiijiyay in ciidanka amniga qabteen qaar kamid ah dadkii lagu tuhmay in dilka saraakiishaas.

Ciiidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa amniga ayaa tan iyo markii uu dhacay dilka saraakiishii ka tirsaneyd ciidanka xoogga dalka waxaa ay wadaan baadi goobta dadkii ka dambeeyay falkaas.

9 bishan ayaa maleeshiyaad hubeysan waxay lix sarkaal oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ku laayeen duleedka degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud.

Morocco oo noqotay dalkii ugu dambeeyay oo Carab ah oo la heshiiyay Israel

Morocco ayaa noqotay  wadankii u dambeeyay oo ka tirsan jaamacadda Carabta oo Israel kula heshiiyay soo celinta xiriirka diplomaasiyadeed, iyadoo Mareykanka ka shaqeeyay saxiixa heshiiskan.

Waxaa horey sidan oo kale, heshiis kula galay Israel dalalka; Imaaraadka Carabta, Baxreyn,Suudaan,Masar iyo Jordan, iyadooMorocco ay noqotay dalkii lixaad oo jaamacadda Carabta ka tirsan oo Israel la heshiiya.

Hesiiska waxaa ku jira in xafiisyo diplomaasiyadeed ka kala furtaan labada dal magaalooyinka Tel Aviv iyo Rabat, sidoo kalena Meesha laga saaro xiriir heerkiisa hooseeyay ee 2000 bilowday kaas oo ka dambeeyay cabashadii Falastiiniyiinta, saraakiil Morocco ah ayaa sheegay in heshiiska sidoo kale ku jirto in dhowaan la bilaabo duulimaadyo toos ah oo labada dhinac ah.

Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa heshiiskan ku tilmaamay mid taariikhi ah, waxaana uu u mahad celiyay Boqorka Morocco.

Sidoo kale, qasriga Morocco bayaan ka soo baxay ayaa lagu xaqiijiyay heshiika, ayagoo sheegay in Boqorka uu telefoon kula hadlay madaxweynaha Mareykanka Trump isla markaana lagu heshiiyay in Morocco iyo Israel yeeshaan xiriir diplomaasi.

Masar, Imaaraadka iyo Baxreyn ayaa soo dhoweeyay hesiiska Morocco iyo Israel.hase yeeshee, waxaa sidii caadada aheyd cambaareeyay heshiiskan madaxda Falastiin ayagoo sheegay in heshiiskan uu dhiirigelin u yahay Israel oo dafirsan xuquuqda Falastiiniyiinta.

Boqorka Morocco ayaa sheegay in talaabadan aysan wax u dhimi doonin dadaaladda boqortooyada ee ku aadan raadinta xuquuqda Falastiin.

Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo gaaray magaalada Dooloow

Wafdi ka socda heyada UNOCHA ee qaramada midoobe oo ay  hogaamineyso ku xigeen madaxa xafiiska Soomaaliya Cindy Isaac ayaa gaaray degmada Doolow ee gobalka Gedo.

Wafdiga ayaa la kulmay kooxaha samafalka , maamulka degmada & dadka deegaanka oo ey ka wareysteen adeegyada gargaarka iyo caqabadaha taagan.

Waxay booqdeen xarumaha caafimaad iyo wax barasho ee qaramada midoobe ay ka hirgalisay Dooloow

Magaalada Dooloow waxaa ku yaala xeryo ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah kuwaas oo u baahan gargaar dhinacyo badan

Wafdi ka socda heyada UNOCHA ee qaramada midoobe oo ay  hogaamineyso ku xigeen madaxa xafiiska Soomaaliya Cindy

Maxkamadda ICC oo joojisay dacwad ka dhan ah ciidanka Ingiriiska

Xeer ilaaliyaha maxkamadda dambiyada dagaalka ICC ayaa arbacadii sheegtay in ay joojisay baaritaan hor u dhac ahaa oo ka dhan ah ciidanka Britain.kuwaas oo  lagu eedeeyay in Ciraaq ay ka geysteen dambiyo dagaal.

Go’aankan ayaa imaanaya xilli maxkamadda ICC  ay cadaadis kala kulantay  Washington ka dib markii la furay gal dacwadeed ka dhan ah ciidanka Mareykanka oo dambiyo sidoo kale ka geystay Afghanistan.

Maxkamaddu waxa ay sheegtay in ay jiraan tacadiyo,hase yeeshee, UK waxay sameysay baaritaan waafi ah dambiyadaas lagu ogaanayo

Bishii Juun, baaritaan madaxa banaan oo la sameeyay ayaa muujinaaya in ciidanka UK ay geysteen tacadiyo ka dib markii ay heleen kumanaan cabasho oo arrintaasi.

Ciidamada xoogga oo saaka howlgal amni sugid ah ka fuliyay degaanka Gendershe

Ciidanka kumandooska Gorgor ee xoogga dalka ayaa saaka argagaxisada Alshabaab kala wareegay degaanka Gendershe, ee gobolka Shabeelaha hoose, ka dib howlgal ballaaran oo ay ka fuliyeen goobo ay ku dhuumaleysanaayeen  maleeshiyadaasi.

Taliyaha ciidanka lugta Janaraal Maxamed Tahliil Geedi, ayaa hor kacaya howlgalka saaka ciidanka ku qaadeen degaanka Gendershe oo ay shacabka ku dhibaateyn jireen Alshabaab.

Wararka waxay intaas ku darayaan in ciidanka si nabad geliyo ah kula wareegeen degaanka, maleeshiyaadkii Alshabaab ayaa isaga cararay ka hor inta aan ciidanka soo gaarin.

Degaanka Gendershe, waxaa uu ka tirsan yahay degmada Marka ee xarunta gobolka, waa degaan dadka ku dhaqan u badan yihiin kalluumeysato,sida uu sheegay wariye Cabdulaahi Shilaawe, oo ka tirsan Idaacadda codka ciidanka qalabka sida, oo ku sugan Gendershe.

Madaxweynaha Ghana oo dib loo doortay

Madaxweynaha Ghana Nana Akufo-Addo ayaa dib loo doortay isagoo heley 51.59%, sida arbacadii ay shaaciyeen guddiga doorashada, iyadoo dalka ay ka dhaceen rabshado intii lagu jirey doorashada.

Natiijadan ayaa lagu muransan yahay iyadoo shan kamid ah murashaxiinta sheegeen in ay ku guuleyteen doorashada, isniintii shan qof ayaa la dilay markii ay dhaceen rabshado, sida ay booliisku sheegeen.

Ciidanka booliiska waxay sheegeen in 60 dhacdo diiwaan geliyeen intii ay socotay codbixinta doorashada isniintii, madaxweyne Nana Akufo-Addo waxaa la tartamaya10 murashax oo uu ku jiro madaxweynihii hore John Mahama.

Kor joogtadad madaxa banaan ee doorashada ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha, ayagoo qiray in doorashada ay ku dhacday jawi nabad ah oo la jaan qaadaya dalka ugu dimoqraadiyadsan galbeedka Afrika.

Laakiin xiisad ayaa dhalatay markii labada xarun ee madaxweyne hore Mahama iyo Akufo-Addo lagaga dhawaaqay natiijo iska soo hor jeedda.

Waxaa jirey eedeymo ku saabsan in dowladda cadaadis saartay mucaaradda intii ololaha doorashada socdeen,  iyadoo adeegsanaysa ciidanka qaranka.

Wasiirka warfaafinta Ghana, Kojo Oppong Nkrumah, oo war fidiyeenka la hadlay ayaa sheegay in eedeymaha dowladda loo soo jeediyay ay yihiin kuwo been abuur ah.

Akufo-Addo ayaa intii uu ku jirey ololaha doorashada waxaa uu balan qaaday in uu sameyn doono mashaariic ay ku baxayso $17bln oo dollar, kuwaas oo lagu horumarin doono dhaqaalaha dalka Ghana oo la liicaya sameynta COVID-19.

Madaxweyne  Nana Akufo- Addo ayaa la doortay  2016.

Mudug:Dhallinyarada oo Gobolkaasi ka bilaabay adeegyo dhir-beeris ah

Dhallinyarada gobolka Mudug, gaar ahaan ururka dhallinyarada Jiildhis oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha ururkaas Madar Axmed Geelle ayaa dhir beeris ka billaabay deegaannada gobolka Mudug.

Dhallinyaradaan oo isu abaabulay dhireynta gobolka ayaa dhir beeris iyo wacyigelin waxey ka billaabeen deegaannada Bitaale iyo Bandarqaali ee bariga magaalada Gaalkacyo.

Dhallinyaradan oo isu xil-qaamay dhireynta deegaanka ayaa Bitaale iyo Bandarqaali gaarsiiyay in ku dhaw 100 geed oo loogu talagalay in lagu soo celiyo bilicda deegaanka, waxeyna sheegeen in ay gaari doonaan deegaannada Galmudug.

Dhirta ayaa deegaanka u leh faa’iidooyin badan oo ay ka mid yihiin quruxda deegaanka iyo is beddelka cimilada.

Maamulka G/Banaadir oo la wareegay qalab mucaawino ah oo ay ku deeqday dowladda Talyaaniga

 

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dowladda Talyaaniga kala wareegay agab kala duwan.

Guddoomiyaha ayaa saraakiisha sar ee cutubka dowladda Talyaaniga ee ka jooga Soomaaliya ka guddoomay agabka oo ah mid loogu talagalay deb-demiska ayaa waxaa uu ka koobanyahay gaadiid, kaas oo loogu talagalay in lagu xoojiyo howlaha gurmadka dega degga ah.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir mudane Cumar Maxamuud Maxamed iyo guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta gobolka Basma Caamir Axmed ayaa dowladda Talyaaniga uga mahadceliyay agabkan ay soo gaarsiiyeen iyo taageerada ay la garab taaganyihiin maamulka Gobolka Banaadir.