Ra’iisul wasaaraha XFS oo Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa kala hadlay arrimaha doorashooyinka

Garowe- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Garowe kulan kula yeeshay madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan.

Kulanka oo uu sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin wada shaqeynta dowladda Federaalka ah iyo Puntland, Arrimaha doorashooyinka iyo qodobbo kale.