Wasiirka Howlaha guud ee XfS oo shir gudoomiyey shirka toddobaadlaha ah ee Wasaaradda

Wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-U- dhiska iyo Guriyeynta  ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xil. Maxamed Aadan Macalin (Soomaali), ayaa maanta shir gudoomiyey shirka toddobaadlaha ah ee wasaaradda oo lagu kala qaatay dhameystirka shaqooyinka hor yaala waaxyaha kala duwan ee wasaaradda.

Shirka oo ay ka soo qayb galeen dhammaan agaasime waaxeedyadda iyo agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa waxaa la iskaga xog wareystay warbixino la xariira dhameystirka dib u dayactirka xarunta wasaaradda ay hadda ku shaqayso iyo qiimeyn lagu sameeyey dib u dhiska labada buundo ee Via Uganda iyo Via Tanzania ee magaaladda muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Mudane Xil. Maxamed Aadan Macalin (Soomaali), ayaa ku bogaadiyey Injineerada Wasaaradda shaqooyinka wanagsan ee ay ka qabteen howlihii loo xil saaray sida dib u dayactirka Wasaaradda iyo Qiimaynta ay ku sameeyeen buundooyinka.

Shirka Todobaadlaha ee Wasaaradda ayaa ah mid lagu gorfeeyo isla markaana lagu dar-dargaliyo shaqada Wasaaradda, kaasoo ay isugu yimaadaan Wasiiradda, agaasimaha guud iyo dhammaan agaasime waaxeedyada Wasaaradda.

        

Guddiga Joogtada ee golaha shacabka oo kulan ku leh xarunta Villa Hargeysa

Guddiga Joogtada ah ee golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan uga socdaa Xarunta Villa Hargeysa, kulankaas oo ajendihiisu uu yahay qabyo qoraalka dib u eegista Dastuurka.

Kulanka oo uu shirguddoominayo Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddiga Dastuurka ee BFS iyo Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka.

Waxaana kulanka diirada lagu saarayaa xeerka Dib Loogu dhigayo Dastuurka Barlamaanka 11-aad si loo horgeeyo golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

         

Shirka Amniga doorashooyinka Qaranka oo Muqdisho ka furmay+Sawirro

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ahna Guddoomiyaha guddiga amniga doorashooyinka qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirka guddiga amniga doorashooyinka qaranka ee 2020/2021,kaasi oo ka socda xarunta Xalane ee garoonka Aadan Cadde.

Shirkaan oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka qaranka ayaa  waxaa ka qeyb-galaya, Xubno ka kala socdo xafiisyada madaxweynaha,Ra’iisul wasaaraha,Xoogga dalka,taliyaasha Ciidamada booliska dowlad goboleedka dalka ,wasaaradda amniga gudaha,mas’uuliyiinka ka socoto Qaramada Midoobay ,iyo AMISOM.

Shirka oo muddo saddex maalin ah socon doona ayaa waxaa lagu falanqeyn doonaa Amniga doorashooyinka.gaar ahaan qorshayaasha la soo diyaariyay sida nidaamka Maamulka ,miisaaniyadda iyo tababariyada ciidamada ee sugida goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka.

Taliyaasha ciidamada booliska dowlad goboleedyada dalka oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho si ay uga qeyb-galaan shirakaan waxaana furay soona xiri doono taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

 

Madaxweyne Qoor Qoor oo kulan sagootin ah usameeyay kooxda kubadda cagta Galmudug

Sama-reeb- Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’ ayaa kulan sagootin ah ugu sameeyey xarunta madaxtooyada Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb xulka kubadda cagta Galmudug oo dhawaan ka qeyb-galaya tartan dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Madaxweynaha ayaa waxaa kulankani casho sharafta ah ku wehlinayey Masuuliyiin ka tirsan golayaasha dowlad federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedka galmudug, maamulka caasimadda iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug oo cashada kadib la dardaarmay dhallinyarada xulka kubadda cagta  Galmudug ayaa ku dhiirigeliyey iney guul wax ku ool ah ka gaaraan tartanka ciyaaraha dowlad goboleedyada dalka ee dhawaan ka furmaya magaalada Muqdisho.

Wasaaradda ciyaaraha oo kaashanaysa xiriirka kubadda cagta galmudug ayaa dib u habeyn balaaran ku sameysay xulkan kubadda cagta oo tabarbar xirfadeed ku qaatay garoomada la casriyeeyay ee Galmudug.

          

Ra’iisul Wasaaraha oo kulan la yeeshay Isimada iyo Bulshada Rayidka Puntland+Sawirro

Garowe- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo  magaalada Garowe kulan kula yeeshay Isimmada iyo qeybaha bulshada rayidka Puntland ayaa uga waramay xaaladda uu dalku marayo, gaar ahaan xilligaan lagu jiro doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo hoygooda Garowe ku booqday Islaam Ciise Islaam Maxamed iyo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ayaa uga mahadceliyay kuna dhiirrigaliyay kaalintooda dhowrista dhaqanka, dhisidda nabadda iyo isku haynta bulshada.

Waxa uu sidoo kale ka dhageytay  talooyinkooda ku aaddan dowladnimada iyo sida loo wajahayo arrimaha muhiimka u ah mustaqbalka ummadda.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoyga uu ka deggan yahay caasimadda Puntland ee Garowe kulan kula qaatay qeybaha kala duwan ee Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Puntland oo uu warbixin ka siiyay guud ahaan xaaladda dalka iyo qaabka dowladdu u wajaheyso arrimaha ay ugu muhiimsan tahay doorashada dalku galayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bulshda rayidka ku ammaanay kaalintooda dowlad dhiska iyo dhiirrigalinta nabadda,kuna boorriyay inay doorkooda ka qaataan arrimaha taagan sida doorashooyinka oo ay talo iyo saameynba ku leeyihiin.

Wakiillada Bulshada Rayidka ah ayaa dhankooda Ra’iisul Wasaaraha la wadaagay talooyin iyo tusaalooyin muhiim ahaa oo la xiriira arrimihii la isla soo qaaday.

       

Madaxweynaha Puntland oo qaabilay Wasiirka Kalluumeysiga iyo Wasiiru dowlaha Maaliyadda dalka

Garoowe (SONNA)- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Dr Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Madaxtooyada Puntland Caawa ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim.

Wasiiradan ayaa qayb ka ahaa Wafdigii la socday Ra’iisul Wasaare Rooble oo shalay gelinkii danbe gaaray magaalada Garoowe, kuwaasi oo kulama kala duwana la leh Madaxda Puntland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland.

Isbitaalka Adyer oo la gaarsiiyay deeq daawo ah

Mekelle- Isbitaalka Adyer ee magaalada Mekelle ayaa waxaa maanta gaaray gargaarkii ugu horeeyay ee caafimaad mudo bil ah .

Kolonyo gaadiidka xamuulka ah oo sida daawo iyo agab kale oo caafimaad, oo ay leeyihiin  hay’adda ICRC oo kaashaneysa Laanqeyrta Cas ee Itoobiya ayaa gaaray isbataalka.

Dhakhaatiirta isbitaalka ayaa joojiyay bixinta adeegyada caafimaad kadib markii ay ka dhamaadeen daawooyinkii muhiimka ahaa sidoo kale waxaa isbtaalka ka maqnaa adeegga korontada.

ICRC, ayaa  waxay sheegtay in ay maanta u tahay maalin farxadeed dhammaan shaqaalaha gargaarka iyo dadka magaalada Mekelle .

Magaalada Mekelle oo ay ku nool yihiin dad ka badan nus malyuun ayaa waxaa ka jiray dhibaatooyin dhanka beni’aadanimada ah tan iyo markii ay bilaabatay colaadda gobalka Tigreega afartii bisha November ee sanadkan 2020.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kormeeray xarunta ciidanka Qeybta 27-aad ee Lamagalaay (Beled weyne)

BELED WEYNE- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mukhtar Xuseen Afrax ayaa kormeer ku tegay xarunta Ciidanka Xoogga Dalka ee Qeybta 27-aad ee magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Wasiirka ayaa u guur galay xalaadda ciidanka oo shaqo weyn ka haya deegaanka oo ay ugu horreyso ilaalinta amniga iyo badqabka shacabka, waxaana uu kula dardaarmay inay laba laabaan shaqadda adag ee ay hayaan.

Wasiirka ayaa sido kale warbixin ka dhagaystay Saraakiisha ciidanka oo ugu horreeeyo Taliyaha Guutada 5-aad ee Qeybta 21-aad Gaashaanle Dhexe Maxamuud Xasan Ibraahim iyo Saraakiisha kale ee hogaanada kala gadisan.

Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya Mudane Mukhtar Xuseen Afrax, ayaa ku wareejiyey ciidanka laba neef oo geela, waxaana uu kula dardaarmay in ay sii laba laabaan shaqada Qaran ay Ummadda Soomaaliyeed u hayaan gaar ahaan shacabka gobolka Hiiraan

Ololaha soo bandhigidda sheekooyinka tahriibka (TRS) oo bilaawday

Ololaha soo bandhigida xaqiiqda tahriibka ee (Telling The Real Story TRS) ayaa 6-dii bishan December billaabay taxanayaal barnaamijyo ah oo la magac-baxay “Showga Soomaalidda ee Ifraax Axmed”, waxaana dhammaan taxanayaashaasi barnaamijyada ah ay ka hadlayaan sheekooyinka xanuunka badan ee tahriibka.

Waa barnaamijyo taxanayaal ah oo ka kooban lix-qeybood oo ay daadi-hineyso Ifraax Axmed oo ah gabar u ololeysa arrimaha bulshada Soomaaliyeed.

Ifraax Axmed oo ah dhaq-dhaqaaqe bulsho oo caan ka ah Soomaaliya, ayaa barnaamijyada taxanayaasha ah ku wareysaneysa dhallinyaro ka soo bad-baaday tahriibka, kuwaas oo ka hadlay xaqiiqda dhabta ah ee tahriibka, waaya-aragnimadooda iyo rafaadkii ay kasoo mareen safarka tahriibka.

Ololahan waxaa si gaar ah loogu tala-galay dadka kasoo safraya waddamada Geeska Afrika oo ay Soomaaliya ku jirto, kuwaasi oo safar halis ah qaadaya si ay u gaaraan dalalka Yurub.

Sidoo kale Ifraax oo sharraxaad ka bixineysay waxa ku dhaliyey barnaamijkan ayaa sheegtay inay tahay soo bandhigida khatarta lagala kulmo tahriibka, iyada oo shaacisay in farriimaha tahriibka ay u qalmaan in la shaaciyo, si loo bad-baadiyo dhallinyarada.

“In kasta oo aan ahay u dhaq-dhaqaaqaha arrimaha bulshada ee Soomaaliyeed, aadna aan uga warhayey tahriib, waayo-aragnimada bandhiggan ayaa igu yeeshay saameyn aan caadi ahayn” Ifraax Axmed ayaa ololaha TRS waxaa ay ku soo bandhigtaa fiidiyowyo xamaasad leh, markhaatiyaal badbaaday, iyada oo macluumaadkaas ku faafineyso dhowr luqadood, sida Ingiriiska, Soomaaliga iyo Tigrinya.

Dadka ka shaqeeya tahriibka ee loo yaqaano Mukhalisiinta, islamarkaana wax tahriibiya waxay safarada halista ah ee ay galayaan muhaajiriinta ka dhigayaan wax fudud, laakiin waxaa jirta halis ay dad badan ku waayeen naftooda.

Marwo ka mid ah kuwa la wareystay ayaa sharraxaysa khibradeeda naxdinta leh ee ku aadan tahriibka, kadib markii ay la kulantay afduub & jirdil ay u geysteen Mukhalisiinta wax tahriibiya, waxaa la dilay qaar ka mid ah dadkii ay isla safrayeen, kuwa kale dhimirka ayey beeleen, halka qaar kalena adoon ahaa loo iibiyey.

“Waxaa na afduubay kooxo wax tahriibiya. Qaarkeen baa adoon ahaan loo iibiyay. Dadka qaar ayaa lagu qasbay inay ku biiraan kooxaha, xitaa haddii aysan rabin inay safraan mukhalisiinta ayaa xoog ku wadaya. Qaarkeen ayaa si xun loo garaacay qaarna xitaa waa la dilay. Qaar baa maskaxdoodii ka lumay” ayey tiri.

Sidoo kale waxaa ay intaasi raacisay “Mukhalisiinta wax tahriibiya waxay tahriibka ka dhigayaan wax fudud, laakiin waxaa jirta khatar dhab ah.”

Ifraax Axmed ayaa sheegay in sheekooyinka Tahriibka diirada lagu saaray ganacsiga naxariis darrada ee tahriibinta, jirdilka, dhibaatooyinka dumarka muhaajiriinta ah ay la kulmeen iyo dhabibaatooyinka kale ee naxdinta leh.

Ifraax Axmed oo sidoo kale u ololeysa ciribtirka gudniinka fircooniga ee (FGM), ayaa ka shaqeyneysay TRS ilaa sannadkii 2017-kii si loo soo bandhigo sheekooyinka tahriibka, Ifraax ayaa sidoo kale ah taageeraha sare ee UNHCR.

 

Bandhigga sharciga dakhliga dalka oo lagu qabtay Sama-reeb

Sama-reeb- Magaalada Samareeb ee caasimadda Galmudug ayaa maanta lagu qabtay bandhig lagu daah furayey Sharciga Dakhliga dalka oo ay wadajir usoo agaasimeen, Wasaaraddaha Maaliyadda XFS Iyo Galmudug.

Bandhigga oo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Federaalka, Galmudug, Ganacsatada deegaanka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa lagu muujiyey waajibka dadwaynaha ka saaran bixinta Canshuuraha iyo Xuquuqda canshuur bixiyaashu helayaan kadib dakhli uruurinta.

Agaasime Kuxigeenka Canshuuraha bariga ee Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Idriis “Dalfac” oo munaasabadan daah-furay ayaa Galmudug ku amaaney dadaalka ay wado, si sare loogu qaado dakhliga Guddaha oo muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha dalka iyo waxqabadka dawladda.

Sidoo kale waxa uu xusey in howsha socota ee nidaaminta Canshuuraha ay muhiim u tahay Dowladnimada dalka iyo in la kordhiyo fursadaha muwaadinku heli karo ee isugu jira adeegyada dadwaynaha iyo shaqaaleysiinta dhalinyarada.