Guddiga Joogtada ee golaha shacabka oo kulan ku leh xarunta Villa Hargeysa

Guddiga Joogtada ah ee golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan uga socdaa Xarunta Villa Hargeysa, kulankaas oo ajendihiisu uu yahay qabyo qoraalka dib u eegista Dastuurka.

Kulanka oo uu shirguddoominayo Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddiga Dastuurka ee BFS iyo Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka.

Waxaana kulanka diirada lagu saarayaa xeerka Dib Loogu dhigayo Dastuurka Barlamaanka 11-aad si loo horgeeyo golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.