Ololaha soo bandhigidda sheekooyinka tahriibka (TRS) oo bilaawday

Ololaha soo bandhigida xaqiiqda tahriibka ee (Telling The Real Story TRS) ayaa 6-dii bishan December billaabay taxanayaal barnaamijyo ah oo la magac-baxay “Showga Soomaalidda ee Ifraax Axmed”, waxaana dhammaan taxanayaashaasi barnaamijyada ah ay ka hadlayaan sheekooyinka xanuunka badan ee tahriibka.

Waa barnaamijyo taxanayaal ah oo ka kooban lix-qeybood oo ay daadi-hineyso Ifraax Axmed oo ah gabar u ololeysa arrimaha bulshada Soomaaliyeed.

Ifraax Axmed oo ah dhaq-dhaqaaqe bulsho oo caan ka ah Soomaaliya, ayaa barnaamijyada taxanayaasha ah ku wareysaneysa dhallinyaro ka soo bad-baaday tahriibka, kuwaas oo ka hadlay xaqiiqda dhabta ah ee tahriibka, waaya-aragnimadooda iyo rafaadkii ay kasoo mareen safarka tahriibka.

Ololahan waxaa si gaar ah loogu tala-galay dadka kasoo safraya waddamada Geeska Afrika oo ay Soomaaliya ku jirto, kuwaasi oo safar halis ah qaadaya si ay u gaaraan dalalka Yurub.

Sidoo kale Ifraax oo sharraxaad ka bixineysay waxa ku dhaliyey barnaamijkan ayaa sheegtay inay tahay soo bandhigida khatarta lagala kulmo tahriibka, iyada oo shaacisay in farriimaha tahriibka ay u qalmaan in la shaaciyo, si loo bad-baadiyo dhallinyarada.

“In kasta oo aan ahay u dhaq-dhaqaaqaha arrimaha bulshada ee Soomaaliyeed, aadna aan uga warhayey tahriib, waayo-aragnimada bandhiggan ayaa igu yeeshay saameyn aan caadi ahayn” Ifraax Axmed ayaa ololaha TRS waxaa ay ku soo bandhigtaa fiidiyowyo xamaasad leh, markhaatiyaal badbaaday, iyada oo macluumaadkaas ku faafineyso dhowr luqadood, sida Ingiriiska, Soomaaliga iyo Tigrinya.

Dadka ka shaqeeya tahriibka ee loo yaqaano Mukhalisiinta, islamarkaana wax tahriibiya waxay safarada halista ah ee ay galayaan muhaajiriinta ka dhigayaan wax fudud, laakiin waxaa jirta halis ay dad badan ku waayeen naftooda.

Marwo ka mid ah kuwa la wareystay ayaa sharraxaysa khibradeeda naxdinta leh ee ku aadan tahriibka, kadib markii ay la kulantay afduub & jirdil ay u geysteen Mukhalisiinta wax tahriibiya, waxaa la dilay qaar ka mid ah dadkii ay isla safrayeen, kuwa kale dhimirka ayey beeleen, halka qaar kalena adoon ahaa loo iibiyey.

“Waxaa na afduubay kooxo wax tahriibiya. Qaarkeen baa adoon ahaan loo iibiyay. Dadka qaar ayaa lagu qasbay inay ku biiraan kooxaha, xitaa haddii aysan rabin inay safraan mukhalisiinta ayaa xoog ku wadaya. Qaarkeen ayaa si xun loo garaacay qaarna xitaa waa la dilay. Qaar baa maskaxdoodii ka lumay” ayey tiri.

Sidoo kale waxaa ay intaasi raacisay “Mukhalisiinta wax tahriibiya waxay tahriibka ka dhigayaan wax fudud, laakiin waxaa jirta khatar dhab ah.”

Ifraax Axmed ayaa sheegay in sheekooyinka Tahriibka diirada lagu saaray ganacsiga naxariis darrada ee tahriibinta, jirdilka, dhibaatooyinka dumarka muhaajiriinta ah ay la kulmeen iyo dhabibaatooyinka kale ee naxdinta leh.

Ifraax Axmed oo sidoo kale u ololeysa ciribtirka gudniinka fircooniga ee (FGM), ayaa ka shaqeyneysay TRS ilaa sannadkii 2017-kii si loo soo bandhigo sheekooyinka tahriibka, Ifraax ayaa sidoo kale ah taageeraha sare ee UNHCR.