AMISOM oo deeq Daawo ah ku wareejisay Wasaaradda Caafimaadka K/galbeed

Muqdisho– Daawadan oo ka kobneed nocyo kala duwan oo looga talagaley in lagula tacaalo Cudurka Safmarka ee Covid-19 iyo Cuduro kale ayaa Waxaa Ciidanka AMISOM qeybta 3-aad ay ku wareejiyeen Wasaaradda Caafimaadka ee Koonfur Galbeed.

Goobta Wasaaraddu ay kula wareegeysey Dawada ayaa Waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Mudane Maxamed Cusmaan jiidow. Qaarar Kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda iyo Saraakiil Caafimaad oo katirsan Hoolgalka AMISOM.

Saraakiisha Amimisom ee Dawada Wasaaradda Ku wareejinaayey oo goobta hadal ka jeediyey ayaa waxaa ay sheegeen in mar walba ày diyaar uyihiin in ay ka jawaabaan baahiyaha Bulshada Soomaaliyeed tana ay kamitahay waajibaadka ka Saaran Shacabka Ay u adeegaan

Sahro C/raxamaan Maxamed oo kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed Maxamed Cusmaan Jiidow Ayaa si uskumid ah uga mahad celiyey Ciidanka Hoolgalka Amisom . Waxaana ay balan qaadeen in ay gaarsiin doonaan goobihii looga talagaley.

Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed ayaa dedaal dheer ugu jirtaa Sidii Adeegyo Caafimaad loo gaarsiin lahaa Bulshada koonfur galbeed . tala waxay qeyb katahay Dadaalada Wasaaradu ay ugu jirto in kor looqaado bixinta Adeegyada Bulshada.

   

      

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo sagootiyay ciidan tababar loogu qaaday Turkiga

Muqdisho- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa Muqdisho ka Sagootiyay cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Gor Gor oo tababar ku soo qaadan doona dalka Turkiga.

Waxaana dhanka kale, wasiirka Difaaca uu soo dhaweeyay Saraakiil  iyo Saraakiil Xigeenno loo soo tababaray hoggaaminta ciidamada.

Soomaaliya ayaa waxay xiriir diblomaasiyadeed oo adag la leedahay Dowladda iyo Shacabka Turkiga, waxayna xukuumadda Ankara kaalin weyn ka qaadataa dhismaha iyo tayeynta ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

   

UK oo galeysa xayiraad cusub oo karoonaha la xiriira

Muqdisho- 16 bishaan December oo ku beegan arbacada waxaa qeybo ka mid dalka UK oo ay ku jirto magaalada caasumada ee London ka dhaqan galaya xayiraad cusub oo looga gaashaamanayo cudurka karoonaha oo dadka tarab tarab u soo ridanaya.

Isbuucii ugu danbeeyay oo kaliya waxaa xanuunka karoona UK ugu dhintay 2,984 qof halka uu haleelay 131,708 qof.

Xayiraadan cusub ayaa saameyn doonta goobaha dadku ku kulmaan sida maqaayadaha iyo meelaha lagu caweeyo.

Waxaa sidoo kale la xiri doonaa tukaamada aan iibin waxyaabaha daruuriga ah .

Guud ahaan UK waxaa cudurka Karoona ugu dhintay 64,170 qof waxaana uu ku dhacay 1.85 malyuun oo qof .

Waxaa isbuucii hore UK laga bilaabay talaalka feyraska karoonaha balse waxa ay saraakiisha caafimaadka sheegeen in talaalku si tartiib ah ku socdo halka faafinta cudurkana ay sii xoogeysaneyso loona baahan yahay in la hakiyo

Dowladda Soomaaliya oo xiriirka u jartay Kenya

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyada oo ka duuleysa madaxbannaanideeda qarannimo ee uu dammaanad qaadayo xeerka iyo qaanuunka caalamiga ah, gudanaysana waajibka dastuuriga ah ee ka saaran ilaalinta midnimada, qaranimada iyo xasilloonida dalka waxa ay go’aansatay in ay xiriirka diblumaasiyadeed u jarto Dowladda Kenya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay u yeeranaysaa dhammaan diblomaasiyiinteeda ka jooga Kenya in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda, waxayna ku amraysaa kuwa halkan ka jooga Dowladda Kenya in ay dalka kaga baxaan muddo 7 maalmood ah oo ka bilaabaysa 15-ka Diseembar 2020.

Shacabka Kenya: Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u aragtaa shacabka Kenya inuu yahay shacab jecel nabadda iyo wada noolaashaha shucuubta gobolka, ayna kala dhaxayso shacabka Soomaaliyeed xiriir qotodheer oo ku dhisan deris wanaag iyo wax wada qabsi. Balse hoggaanka maanta ee Dowladda Kenya uu ka shaqeynayno kala fogeynta labada shacab ee dan-wadaagta ah.

Sababta Go’aanka: Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u gaartay go’aankan si ay uga jawaabto xad-gudubyada siyaasadeed iyo fara-gelinta qaawan ee isdaba joogga ah ee muddoonyinkii ugu dambeeyey ay dowladda Kenya Ku haysay madax-banaanida dalkeenna.

Ugu Dambayn: Dowladda Federalka Soomaaliya waxa ay xaqiijinaysaa madaxbanaanida, qaranimada iyo midnimada ummadda soomaaliyeed si waafaqsan Dastuurka dalka, shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah. Wax gorgortan ahna haba yaraatee Dowladdu kama gelayso xorriyadda, madaxbanaanida iyo qaranimada ummadda Soomaaliyeed.

Waad Mahadsantihiin

Horjoogayaashii Argagixisada u qaabilsanaa samaynta qaraxyada oo lagu qaarajiyay Jubbada dhexe.

Muqdisho- Ciidamada Xooga dalka ayaa how-gal qorshaysan oo ay ka sameeyeen dagmada jilib ee gobolka jubada dhexe ku dilay qaar ka mid ah horjoogayaashii maleeshiyaadka Al-shaab u qaabilsanaa samaynta jaakadaha ay qaraxyada u isticmaalaan iyo suumamka laysku xiro taasi oo ay ugu talagaleen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Kumaandooska sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa dagmada Jilib ee gobolka jubada dhexe ku dilay horjooge Muxsin Caliyoow oo ka soo jeeda gobolka waqooyi bari Kenya iyo horjooge Maxamed Sheikh kuwaasi oo qaabilsanaa farsameynta jaakadaha iyo suumanka ay al-shabaab u Adeegsadaan isqarxinta iyo labo horjooge oo kale sida ay Idaacadda Ciidamadda qalabka sida us heegeen saraakiil ka tirsan kumaandooska xoogga dalka ee Danab oo howl-galka hogaaminayay.

Saraakiisha Danab ayaa intaasi ku daray duqaynta iyo howl-galka qorshaysan ee laga fuliyay Jilib ujeedkoodana yahay ka hortagga qaraxyada ay ummadda Soomaaliyeed ku dhibaateeyaan Al-Shabaab.

10-kii bishaan December ayaa dagmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe waxaa ka dhacay duqayn ay iska kaashadeen ciidanka kumaandooska xoogga dalka iyo howl-galka Maraykanka ee Africom duqayntaasi oo lagu bur-buriyay warshadii samaynta qaraxyada Al-shabaab halkaasi ku lahaayee

Madaxweyne Farmaajo oo xalay casho sharaf u sameeyay guddoonka Baarlamaanka Galmudug

Muqdisho- Madaxwaynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa casho sharaf ku maamuusay xildhibaannada iyo guddoonka baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug.

Casho sharaftaan oo ka qabsoomtay madaxtooyada qaranka ayaa waxaa ka soo qayb galay guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ra’iisul wasaare kuxigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug Mudane Maxamed Nuur Gacal, guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee barlamaanka Galmudug Mudane Cabdullaahi Xirsi Maxamed, guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee baarlamaanka Galmudug marwo Faadumo Cabdi Cali iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo maanta ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb.

Ra’iisul wasaaraha xukumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in uu maanta booqasho ku tago magaalada Dhusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Wafdi hor dhac u ah ra’isul wasaaraha dalka ayaa shalay galinkii dambe gaaray magaalada dhuusamareeb, waxaana la filayaa inuu saakay ka soo ambo baxo magaalada Garoowe oo maalmahaan ku sugnaa.

Ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa madaxda Galmudug kala hadli doono arrimaha doorashooyinka dalka ee la filayo inay dhacaan bilawga sanad cusub ee 2021,

Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa hore u tagay magaalada baydhabo ee xarunta ku meelgaarka ah ee Koonfur galbeed, wuxuuna madaxadweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed  Lafta-gareen kala hadlay arrimaha doorashooyinka sidoo kale maalmahaan magaalada Garoowe ayuu u joogay inuu madaxda Puntland kala hadlo sidii loo sii amba qaadi lahaa doorashooyinka fooda nagu soo haya

Dowladda Soomaaliya oo IGAD u gubsiay dacwad ka dhan ah Kenya

Dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa u gudbisay urur goboleedka igad dacwad rasmi ah oo ay uga ashtakoonayso xadgudubyadda dowladda kenya ay kula kacday madaxbanaanida jamhuriyadda federaalka Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya waxay dadaallo badan ku bixisay sidii ay u wanaajin lahayd xiriirka kala dhaxeeya dowladda kenya.

Urur goboleedka igad oo ka soo jawaabay dacwadda dowladda federaalka Soomaaliya u gudbisay ayaa kulan degdeg ah 20-ka Disembar ku yeelan doona magaalada djbiouti, kaasi oo ajendayaasha looga hadlayo ay ka mid tahay Faragelinta kenya ee arrimaha Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa mar walba soo dhaweynaysaa dadaalka urur gobolleedka igad iyo talaabo walba oo lagu xaqiiniyo in la dhowro Mabaadi’da daris wanaagga, nabad kuwada noolaanshaha iyo madaxbanaanida Dalalka Gobolka.

Maamulka ku meel gaarka ah ee dowlada Itoobiya u sameysay ismaamulka Tigray oo la wareegay shaqada.

Mekele- Madaxa maamulka ku meel gaarka ah ee dowlada Itoobiya u sameysay ismaamulka Tigray Dr. Mulu Nega ayaa maanta la wareegay shaqada cusub ee loo magacaabay.

Dr. Mulu Nega ayaa ugu yeeray shaqaalaha dowlada ee xafiisyada ka maqnaa ilaa afarta bishii idlaatay ee November markaas oo dagaalka dowlada Itoobiya iyo TPLF uu bilowday inay yimaadaan shaqada maalinka isniinta bari ah .

Dr. Mulu Nega  ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono dib u hubeynta maamulka iyo soo celinta adeegyada aas-aasiga ah ee bulsho u baahan oo inta badan istaagay tan iyo markii uu bilawday dagaalka ciidamada Itoobiya iyo xisbiga TPLF.

Dr. Mulu Nega ayaa sidoo kale ugu baaqay ciidanka xisbiga TPLF inay hubka dhigaan ilaa 15-ka bishaan December oo ku beegan talaadada soo aadan.

Baaritaanada lagu samaynayo guryaha si loo hubinayo hubka sharci darada ah ayuu sheegay in la sii wadayo, iyadoo cidi lagu helana la marin doono sharciga.

 

Guddoomiyaha Barlamaanka Hirshabeelle oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad gobaleedka hirshabelle Dr. Cabdixakiim luqmaan oo soo gaaray maanta magaalada Muqdisho tan iyo markii loo doortay xilka guddoomiyaha golaha wakiilada ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cade ee muqdisho.

Soo dhaweynta guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa ka qeyb galay xilidhibaanno ka tirsan labada aqal ee Barlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedyada dalka, siyaasiyiin, Safiirro iyo ururada bulshada rayidka.

Intaasi kadib guddooyaha Baarlamaanka dowlad gobaleedka hirshabelle Dr. Cabdixakiim luqmaan iyo wafdigii la socday ayaa galbiyey hoyga uu ka degan magaalada Muqdisho.