Ra’iisul Wasaare Rooble oo maanta ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb.

Ra’iisul wasaaraha xukumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in uu maanta booqasho ku tago magaalada Dhusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Wafdi hor dhac u ah ra’isul wasaaraha dalka ayaa shalay galinkii dambe gaaray magaalada dhuusamareeb, waxaana la filayaa inuu saakay ka soo ambo baxo magaalada Garoowe oo maalmahaan ku sugnaa.

Ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa madaxda Galmudug kala hadli doono arrimaha doorashooyinka dalka ee la filayo inay dhacaan bilawga sanad cusub ee 2021,

Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa hore u tagay magaalada baydhabo ee xarunta ku meelgaarka ah ee Koonfur galbeed, wuxuuna madaxadweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed  Lafta-gareen kala hadlay arrimaha doorashooyinka sidoo kale maalmahaan magaalada Garoowe ayuu u joogay inuu madaxda Puntland kala hadlo sidii loo sii amba qaadi lahaa doorashooyinka fooda nagu soo haya