UK oo galeysa xayiraad cusub oo karoonaha la xiriira

Muqdisho- 16 bishaan December oo ku beegan arbacada waxaa qeybo ka mid dalka UK oo ay ku jirto magaalada caasumada ee London ka dhaqan galaya xayiraad cusub oo looga gaashaamanayo cudurka karoonaha oo dadka tarab tarab u soo ridanaya.

Isbuucii ugu danbeeyay oo kaliya waxaa xanuunka karoona UK ugu dhintay 2,984 qof halka uu haleelay 131,708 qof.

Xayiraadan cusub ayaa saameyn doonta goobaha dadku ku kulmaan sida maqaayadaha iyo meelaha lagu caweeyo.

Waxaa sidoo kale la xiri doonaa tukaamada aan iibin waxyaabaha daruuriga ah .

Guud ahaan UK waxaa cudurka Karoona ugu dhintay 64,170 qof waxaana uu ku dhacay 1.85 malyuun oo qof .

Waxaa isbuucii hore UK laga bilaabay talaalka feyraska karoonaha balse waxa ay saraakiisha caafimaadka sheegeen in talaalku si tartiib ah ku socdo halka faafinta cudurkana ay sii xoogeysaneyso loona baahan yahay in la hakiyo