Madaxweyne Farmaajo oo xalay casho sharaf u sameeyay guddoonka Baarlamaanka Galmudug

Muqdisho- Madaxwaynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa casho sharaf ku maamuusay xildhibaannada iyo guddoonka baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug.

Casho sharaftaan oo ka qabsoomtay madaxtooyada qaranka ayaa waxaa ka soo qayb galay guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ra’iisul wasaare kuxigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug Mudane Maxamed Nuur Gacal, guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee barlamaanka Galmudug Mudane Cabdullaahi Xirsi Maxamed, guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee baarlamaanka Galmudug marwo Faadumo Cabdi Cali iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed.