AMISOM oo deeq Daawo ah ku wareejisay Wasaaradda Caafimaadka K/galbeed

Muqdisho– Daawadan oo ka kobneed nocyo kala duwan oo looga talagaley in lagula tacaalo Cudurka Safmarka ee Covid-19 iyo Cuduro kale ayaa Waxaa Ciidanka AMISOM qeybta 3-aad ay ku wareejiyeen Wasaaradda Caafimaadka ee Koonfur Galbeed.

Goobta Wasaaraddu ay kula wareegeysey Dawada ayaa Waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Mudane Maxamed Cusmaan jiidow. Qaarar Kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda iyo Saraakiil Caafimaad oo katirsan Hoolgalka AMISOM.

Saraakiisha Amimisom ee Dawada Wasaaradda Ku wareejinaayey oo goobta hadal ka jeediyey ayaa waxaa ay sheegeen in mar walba ày diyaar uyihiin in ay ka jawaabaan baahiyaha Bulshada Soomaaliyeed tana ay kamitahay waajibaadka ka Saaran Shacabka Ay u adeegaan

Sahro C/raxamaan Maxamed oo kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed Maxamed Cusmaan Jiidow Ayaa si uskumid ah uga mahad celiyey Ciidanka Hoolgalka Amisom . Waxaana ay balan qaadeen in ay gaarsiin doonaan goobihii looga talagaley.

Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed ayaa dedaal dheer ugu jirtaa Sidii Adeegyo Caafimaad loo gaarsiin lahaa Bulshada koonfur galbeed . tala waxay qeyb katahay Dadaalada Wasaaradu ay ugu jirto in kor looqaado bixinta Adeegyada Bulshada.