Ra’iisul Wasaare Rooble oo casho Sharaf loogu sameeyay Cadaado

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay magaalada Cadaado

uga qeyb  galay casho Sharaf loo sameeyay oo uu ka qeyb galay madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, Dowladda Federaalka ah iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha Galmudug iyo guddoomiyaha degmada Cadaado ayaa Ra’iisul Wasaaraha  iyo wafdigiisa ku soo dhaweeyay munaasabadda iyo guud ahaan Cadaado.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maamulka iyo shacabka Galmudug guud ahaan, gaar ahaanna reer Cadaado uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran iyo casho sharafta, isagoo ballan qaaday in xukuumaddu wax ka qabaneyso codsiyada reer Cadaado ee ku aaddan dhinacyada horumarinta.

Ra’iisul Wasaare Maxamed xuseen Rooble ayaa casho sharafta ka dib kulammo la yeeshay dhallinyaro iyo waxgarad ka socday Gallinsoor oo u yimid soo dhaweyntiisa iyo wakiillo ka socday ururrada haweenka. Waxa uu dhammaantood uga mahadceliyay soo dhaweynta, waxa uuna kula dardaarmay inay joogteeyaan kaalintooda dhismaha dowladnimada iyo nabadda Galmudug.

Soomaalida Mareykanka oo taageeray go’aanka dowladda FS ee xiriirka loogu jaray Kenya..

Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka  ayaa taageeray go’aanka dowladda Somalia ay xariirka ugu jartay dowladda Kenya.

Hoggaamiyaasha bulshada Soomaalida ee ku dhaqan Gobolkaasi ayaa sheegy in ay aad ugu faraxsan yihiin tallaabada dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay xukuumadda Kenya,waxyna intaa raacoyeen in go’aan laga qaato cid kasta iyo dowlad kasta oo isku dayda in ay xagal daaciso jiritaanka dalka iyo horumarada socda .

Qaar ka mid ah hoggaamiyaasha ururada bulshada oo la hadlay Wariyaha war baahinta Qaranka Soomaaliyeed ee dalka Maraykanka.Abdihakim Abdi Ismail ,ayaa ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed in la taageero dowladda,isla markaana gacan lagu siiyo howlaheeda.

 

R/Wasaaraha XFS oo la kulmay odoyaasha dhaqanka ee Caabudwaaq

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa degmada Caabudwaaq kulan kula yeeshay hoggaamiyaasha dhaqanka ee magaaladaasi iyo qaar ka mid ah qeybaha bulshada.

kulankaasi dhexmaray  Ra’iisul Wasaaraha  iyo odoyaasha dhaqanka waxaa looga hadlay nabadaynta,dib-u-heshiisiinta, kalsooni-dhisidda iyo gaarsiinta adeegyada dowladda ee deegaanka.

Mudane Rooble ayaa ugu baaqay guurtiga deegaanka in ay dardargeliyaan kaalinta ay ku leeyihiin nabadeynta iyo dib u heshiisiinta, si xal maangal ah loogu helo dhacdooyinkii dhowaan ka dhacay deegaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ay asaas u yihiin arrimaha dib u heshiisiinta, kaalin muhiim ahna ay ka soo qaateen samatabixinta dalka, balse haatan looga fadhiyo xoojinta dadaallaadaas iyo sidii ay u horseedi lahaayeen xaqiijinta bulsho mideysan oo u jiheysan dhanka horumarka iyo wax wada qabsiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay maadaama ay Galmudug ka hartay deegaannada kale ay sameynayaan mashruuc uu ugu magac daray ka dabageyn, si horumar wax ku ool ah deegaannadan looga sameeyo.

Odayaasha dhaqanka ayaa warbixin ka siiyey Ra’iisul Wasaaraha dadaalladooda ku addan nabadeynta iyo isku soo dhaweynta bulshooyinka Galmudug, waxayna soo bandhigeen baahiyaha adeegyada dowladeed ee deegaanla ka jira.

 

Qarammada Midoobay oo mar kale ka digtay qatarta Ayaxa uu ku hayo Afrika

Muqdisho- Ayax cusub ayaa qatar ku haya dhulka beeraha iyo daaqsinka iyo waliba cunada malaayiin qof oo ku nool wadamada gobalka geeska Afrika iyo dalka Yemen sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Warbixin ay maanta soo saartay heyada cunada iyo beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay ee FAO ayaa lagu sheegay in iyada oo ay socdaan dadaalada lagula tacaalayo ayaxa hadana wali uu ayaxu halis lixaad leh ku hayo geeska Afrika .

FAO waxay tilmaantay in iyada oo kaalmo ka heleysa deeq bixiye yaasha caalamka ay daaweysay dhul lagu qiyaasay 1.3 malyuun oo hektar ilaa 10 dal oo geeska Afrika ah laga soo bilaabo bishii janaayo ee sanadkan sii dhamaanaya 2020.

Sida warbixinta lagu sheegay waxaa la badbaadiyay 2.7 malyuun oo tan oo raashiin ah kaas oo qiimo ahaan gaaraya 800 malyuun oo doolar, isla markaana quudin kara oo ku filan 18 malyuun oo qof .

Xaalada cimilada iyo roobabka ayaa warbixinta lagu sheegay in ay sababtay ayax badan uu ugxaan dhigo bariga Ethiopia iyo dalkeena Soomaaliya.

Duufaanti GATI ee ku dhufatay waqooyiga Soomaaliya ayaa sii murjisay xaalada, taas oo sababtay in ayaxu sii lixaad sado korankoraduna is uruursato.

FAO iminka waxay dooneysaa 40 malyuun oo doolar taas oo loo isticmaalayo barnaamijka la socodka dhaqdhaqaaqa ayaxa.

Lacagtan ayaa loo adeegsan doonaa wadamada uu aadka u saameeyay ayaxa ee Ethiopia, Kenya, Soomaaliya,Sudan iyo Yemen.

 

Wasiirka Warfaafinta oo ka qeyb galay xaflad qalin badalasho ah oo loo qabtay arday baratay cilmiga saxaafadda “SAWIRRO”

Muqdisho- 25-kan arday oo dhameysatay cilmiga saxaafadda ayaa shahaadada dibloomada ka qaatay kulliyadda cilmiga bulshada ee Jaamacadda Ummadda, kaa oo ay iska kaashadeen hay’adaha IMS, FOJO iyo Jaamacadda Ummadda.

Ardayda dhameysatay koorsadaan ayaa muddo sanad ah qaatay cilmiga saxaafadda, kuwaas oo intooda badan ka howlgala warbaahinta dowladda iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, maamulka Jaamacadda Ummadda, Macalimiin, Arday iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay munaasabadan ay ku qalin badelanayeen Ardaydan.

Wakiilka hay’addaha IMS iyo FOJO ee Soomaaliya Abuukar Al-badri ayaa markale ku celiyay in ay sii dardargalin doonaan wada shaqeynta kala dhaxeysa Jaamacadda Ummadda, gaar ahaan kulliyadda cilmiga bulshada.

Hormuudka kulliyadda cilmiga bulshada ee Jaamacadda Ummadda Prof, Cabduqaadir Maxamed Dhicisow ayaa ka sheekeeyay marxaladihii ay soo mareen dufcadda1-aad ee koorsadan muddada sanadka qaatay, waxaana uu kula dardaarmay inay aqoontooda ay bulshada ugu adeegaan.

Xildhibaan Khaalid Macow Cabdiqaadir ayaa Ardeyda ku bogaadiyay dadaalka ay galiyeen in ay xoojiyaan aqoontooda saxaafadeed.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa ardeyda qalin badelatay kula dardaarmay in ay halkooda ka sii wadaan dadaalkooda ku aadan hormarinta heerkooda aqooneed.

 

          

 

 

Maxkamadda ciidamada oo xukun dil ah ku ridday rag ka tirsan Al-shabaab

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku ridday rag ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab oo dilal ka geystay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Cumar Aadan Maxamed oo 29 jir ah iyo Cabdulle Axmed Muudey oo 24 jir ah, kuwaas oo lagu soo eedeeyay ka mid ahaashaha Alshabaab iyo dilal ay ka geysteen magaalada Muqdisho ay qirteen in ay ka dambeeyeen dilalka marxuumiinta kala ah.

1-Saddex Alifle dowladda hoose, Cabdullaahi Maxamed Hilowle oo lagu dilay suuq Boocle, degmada Dharkeynley,taariikhdu markey aheyd 12-10-2019.

2-Dable xoogga, Cali Cabdulle Maxamed oo lagu dilay suuqa Weyn, degmada Wadajir taariikhdu markey aheyd 13-11-2019, iyadoo ciidamada amnigu qabteen dilka marxuumkan kaddib.

 

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka oo la kulmay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal mudane Maxamed Xasan Maxamed ayaa kulan la qaatay danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz.

Kulanka ay yeesheen labadaan mas’uul ayaa ahaa mid xog-isdhaafsi ah oo ku saabsan dardargelinta howlaha doorashada.

Wasaaradda Amniga XFS oo ka digtay bannaanbaxyo aan lagu wargelin laamaha ammaanka

Wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xundubey Jimcaale ayaa sheegay in bannaanbixii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho aan lasoo ogeysiin hay’adaha amniga.

Wasiirka ayaa tilmaamay in aan xilligaan loo baahneyn rabshado iyo in la carqaladeeyo amniga dalka, isagoo xusay in dastuurku oggolyahay in dadku ay muujiyaan dareenkooda balse ay tahay in laamaha ammaanka lagu wargeliyo si loo ilaaliyo amniga dadka isu imaanaya, si aysan ugu soo dhex dhuuman argagaxisada Al-shabaab.

“Bannaanbax iyo cabasho waa wax la oggolyahay, dastuurkaa oggol,adduunyadaa oggol,caqligaa oggol,sharcigaa oggol,cid kastaa oggol,waa marka qof la ogyahay ujeedadiisa uu sheegay amniga uyimaado,markaas dowladda waxaa ka saaran in goobtuu tegi lahaa asoo nabdoon tago.Dowladnimadeynu waxey ku dhisantahay ra’yi ra’yi ka duwan lama diidana taas”ayuu yiri wasiir Xundubey.

Wasiirka amniga gudaha mudane Xasan Xundubey Jimcaale ayaa sheegay in amnigu yahay mid ay wada leeyihiin bulshadu oo u tahay in la wada ilaaliyo maaddaama aysan cid gooni ah laheyn,isagoo ka digay in bulshada loo adeegsado bannaanbaxyo aan lagu wargelin laama amniga.

 

R/Wasaaraha XFS oo Guddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada ee Galmudug

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada Galmudug oo lagu qabtay xarunta maamulka Dowlad Goboleedkaasi.

Kulanka waxaa kaloo ka qeyb galay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo qaar ka mid ah wasiirrada XFS ee la socda R/wasaaraha.

Kulankaasi ayaa  diirradda lagu saaray arrmaha amniga,  dhaqaalaha, horumarinta adeegyada bulshada iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dowladda federaalka iyo Dowladda Goboleedka Galmudug.

 

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga Soomaliyeed iyo saraaakiil kale oo ka tirsan ciidanka xoogga oo gaaray degmada Wanlaweyn.

Muqdisho- Taliyaha ciidanka dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Maxamed Tahliil Biixi (Shariifu Arwaax) iyo saraakiil u hogaaminayo oo hawlo nabadeed ka bilaabay degmada wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo dhawaan ku dagaalameen beelo walaalo ah oo wada dega degmadaasi.

Sidoo kale Taliyaha ciidanka dhulka ee Xoogga dalka somaliyeed Gen Maxamed Tahliil Biixi (Shariifu Arwaax) iyo saraakiisha kale oo u hogaaminaayo ayaa waxaa ay kulan la qaateen odoyaasha dhaqanka beelaha dirirto dhax martay ee wada dega degmada walanweyn, ayagoo ka wada hadlay sidii nabad iyo xasilooni waarta loogu heli dadka iyo deegaanka.