R/Wasaaraha XFS oo Guddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada ee Galmudug

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada Galmudug oo lagu qabtay xarunta maamulka Dowlad Goboleedkaasi.

Kulanka waxaa kaloo ka qeyb galay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo qaar ka mid ah wasiirrada XFS ee la socda R/wasaaraha.

Kulankaasi ayaa  diirradda lagu saaray arrmaha amniga,  dhaqaalaha, horumarinta adeegyada bulshada iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dowladda federaalka iyo Dowladda Goboleedka Galmudug.