Wasiirka Warfaafinta oo ka qeyb galay xaflad qalin badalasho ah oo loo qabtay arday baratay cilmiga saxaafadda “SAWIRRO”

Muqdisho- 25-kan arday oo dhameysatay cilmiga saxaafadda ayaa shahaadada dibloomada ka qaatay kulliyadda cilmiga bulshada ee Jaamacadda Ummadda, kaa oo ay iska kaashadeen hay’adaha IMS, FOJO iyo Jaamacadda Ummadda.

Ardayda dhameysatay koorsadaan ayaa muddo sanad ah qaatay cilmiga saxaafadda, kuwaas oo intooda badan ka howlgala warbaahinta dowladda iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, maamulka Jaamacadda Ummadda, Macalimiin, Arday iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay munaasabadan ay ku qalin badelanayeen Ardaydan.

Wakiilka hay’addaha IMS iyo FOJO ee Soomaaliya Abuukar Al-badri ayaa markale ku celiyay in ay sii dardargalin doonaan wada shaqeynta kala dhaxeysa Jaamacadda Ummadda, gaar ahaan kulliyadda cilmiga bulshada.

Hormuudka kulliyadda cilmiga bulshada ee Jaamacadda Ummadda Prof, Cabduqaadir Maxamed Dhicisow ayaa ka sheekeeyay marxaladihii ay soo mareen dufcadda1-aad ee koorsadan muddada sanadka qaatay, waxaana uu kula dardaarmay inay aqoontooda ay bulshada ugu adeegaan.

Xildhibaan Khaalid Macow Cabdiqaadir ayaa Ardeyda ku bogaadiyay dadaalka ay galiyeen in ay xoojiyaan aqoontooda saxaafadeed.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa ardeyda qalin badelatay kula dardaarmay in ay halkooda ka sii wadaan dadaalkooda ku aadan hormarinta heerkooda aqooneed.