Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga Soomaliyeed iyo saraaakiil kale oo ka tirsan ciidanka xoogga oo gaaray degmada Wanlaweyn.

Muqdisho- Taliyaha ciidanka dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Maxamed Tahliil Biixi (Shariifu Arwaax) iyo saraakiil u hogaaminayo oo hawlo nabadeed ka bilaabay degmada wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo dhawaan ku dagaalameen beelo walaalo ah oo wada dega degmadaasi.

Sidoo kale Taliyaha ciidanka dhulka ee Xoogga dalka somaliyeed Gen Maxamed Tahliil Biixi (Shariifu Arwaax) iyo saraakiisha kale oo u hogaaminaayo ayaa waxaa ay kulan la qaateen odoyaasha dhaqanka beelaha dirirto dhax martay ee wada dega degmada walanweyn, ayagoo ka wada hadlay sidii nabad iyo xasilooni waarta loogu heli dadka iyo deegaanka.