Soomaalida Mareykanka oo taageeray go’aanka dowladda FS ee xiriirka loogu jaray Kenya..

Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka  ayaa taageeray go’aanka dowladda Somalia ay xariirka ugu jartay dowladda Kenya.

Hoggaamiyaasha bulshada Soomaalida ee ku dhaqan Gobolkaasi ayaa sheegy in ay aad ugu faraxsan yihiin tallaabada dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay xukuumadda Kenya,waxyna intaa raacoyeen in go’aan laga qaato cid kasta iyo dowlad kasta oo isku dayda in ay xagal daaciso jiritaanka dalka iyo horumarada socda .

Qaar ka mid ah hoggaamiyaasha ururada bulshada oo la hadlay Wariyaha war baahinta Qaranka Soomaaliyeed ee dalka Maraykanka.Abdihakim Abdi Ismail ,ayaa ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed in la taageero dowladda,isla markaana gacan lagu siiyo howlaheeda.