Qarammada Midoobay oo mar kale ka digtay qatarta Ayaxa uu ku hayo Afrika

Muqdisho- Ayax cusub ayaa qatar ku haya dhulka beeraha iyo daaqsinka iyo waliba cunada malaayiin qof oo ku nool wadamada gobalka geeska Afrika iyo dalka Yemen sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Warbixin ay maanta soo saartay heyada cunada iyo beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay ee FAO ayaa lagu sheegay in iyada oo ay socdaan dadaalada lagula tacaalayo ayaxa hadana wali uu ayaxu halis lixaad leh ku hayo geeska Afrika .

FAO waxay tilmaantay in iyada oo kaalmo ka heleysa deeq bixiye yaasha caalamka ay daaweysay dhul lagu qiyaasay 1.3 malyuun oo hektar ilaa 10 dal oo geeska Afrika ah laga soo bilaabo bishii janaayo ee sanadkan sii dhamaanaya 2020.

Sida warbixinta lagu sheegay waxaa la badbaadiyay 2.7 malyuun oo tan oo raashiin ah kaas oo qiimo ahaan gaaraya 800 malyuun oo doolar, isla markaana quudin kara oo ku filan 18 malyuun oo qof .

Xaalada cimilada iyo roobabka ayaa warbixinta lagu sheegay in ay sababtay ayax badan uu ugxaan dhigo bariga Ethiopia iyo dalkeena Soomaaliya.

Duufaanti GATI ee ku dhufatay waqooyiga Soomaaliya ayaa sii murjisay xaalada, taas oo sababtay in ayaxu sii lixaad sado korankoraduna is uruursato.

FAO iminka waxay dooneysaa 40 malyuun oo doolar taas oo loo isticmaalayo barnaamijka la socodka dhaqdhaqaaqa ayaxa.

Lacagtan ayaa loo adeegsan doonaa wadamada uu aadka u saameeyay ayaxa ee Ethiopia, Kenya, Soomaaliya,Sudan iyo Yemen.