Madaxweyne Farmaajo oo shir aan caadi ahayn kaga qeyb galaya dalka Jabuuti

Muqdisho- Magaalada Jabuuti waxaa lagu wadaa inuu maanta ka furmo Shirka 38-aad ee aan Caadiga ahayn ee Urur Goboleedka IGAD oo looga hadlayo xaaladda Gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Jabuuti ayaa ka qeyb galaya shirka.

Madaxweynaha iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku wehelinaya shirkan ayaa Madaxda dalalka IGAD hor dhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ilaalinta Madaxbannaanida waddamada ku mideysan IGAD, daris wanaagga, xasilloonida iyo nabadda Gobolka Geeska Afrika.

Wasaaradda caafimaadka XFS oo tababbar ku saabsan dhimirka u soo xirtay xirfadleyaal caafimaad

Muqdisho- Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) oo kaashaneysa hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, ayaa soo gabagabeysay tababbar ku saabsan caafimaadka dhimirka.

Tababbarkan ayaa ujeedkiisu wuxuu ahaa in xirfadleyaasha caafimaadku noqdaan tababarayaal arrimaha caafimaadka dhimirka, kuwaas oo sii tababari doona shaqaalaha xarumaha caafimaadka si adeega caafimaadka dhimirka loogu daro adeegyada ay bixiyaan una siiyaan taageerada lagama maarmaanka ah ee ay u baahanyihiin bukaannada qaba xanuunka dhimirka.

Dadka qaba xanuunnada dhimirka ayaan heysan goobo ku filan oo lagula tacaalo, waxeysa tababbarida xirfadleyaashan noqon doonaan kuwa wax weyn ka beddela haddii laga faa’ideysto.

      

Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay waddo interlock ah oo isku xirta Furayaasha iyo suuqa Xararyaalle

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa Maanta dhagax dhigay Waddo Interlock ah oo laga hirgelinayo Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

Waddadaan oo oo dhirirkeedu yahay 960 Mitir ayaa waxay kasoo bilaabataa Jid-cadaha Furayaasha waxayna ku dhamaataa Suuqa Xararyaale ee Degmada Warta Nabadda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed “Cumar Filish” ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday iney ilaashadaan nadaafadda waddooyinka uu maamulku dhiso si ay ugu dhiiradaan horumarinta caasimadda isagoo ballan qaaday iney sii wedi doonaan dhismaha waddooyinka iyo interlocks-ka.

Dhagax dhigga ayaa waxaa guddoomiyaha ku wehlinayay Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada Gobolka,Guddoomiyaha degmada Warta nabadda,Afhayeenka Gobolka Banaadir,Guddoomiyaha ururka haweenka Gobolka iyo mas’uuliyiin kale.

               

Soomaaliya oo Kenya uga digtay xasillooni darrada ay ka waddo Xadka

Muqdisho- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Kenya uga digtay abaabulka Militari ee ay ka waddo aaga Mandheera iyada oo hubeyneysa jabhad si sharci daro ah dalkeeda ugu martigelisay si xasilooni daro loogu abuuro gudaha Soomaaliya.

     Halkaan Hoose ka Akhriso Warsaxaafadeedka ka soo baxay Dowladda Federaalka:-

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo booqday Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Gaalkacyo

Muqdisho.- Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq ayaa xalay booqday dad ku dhaawacmay qaraxii argagaxisada ee gelinkii dambe shalay ka fulisay Magaalada Gaalkacyo.

“ Waxaan leennahay Allaha u booga dhayo inta dhaawaca ah, intii dhimatayna naxariista janno Alle ha siiyo,” yiri wasiirka .

Wasiirka ayaa shaqaalaha caafimaadka Cisbitaalka magaalada Gaalkacyo ka wareystay  xaaladda bukaanada, isagoo sidoo kale, xog wareystay qaar ka mid ah Bukaanada xaaladdooda caafimaad soo hagaageyso.

   

Ra’iisul wasaaraha XFS “Shacabka Soomaaliyeed waa in ay u midoobaan la dagaallanka Cadowga”

Muqdisho- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxeen Saraakiishii  iyo dadkii shacabka ahaa ee ku dhintay qarixii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in falkaas uu ahaa mid ka fog naxariista, diinta iyo dhaqanka suubban ee ummaddaha Islaamka, isla markaana muhiim ay tahay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in ummadda Soomaaliyeed iyo dowladuba ay diyaar u yihiin sidii dalka looga sifeyn lahaa argagixisada caadeysatay daadinta dhiigga Muslimiinta.

Nigeria:Arday todobaad ku jiray gacanta Boko Xaaraam oo si nabad ah u soo laabtay

In ka badan 300 oo arday  iskuuley ah oo usbuucii la soo dhaafay lagu afduubtay weerar ka dhacay iskuul ku yaal waqooyi-galbeed Nigeria ayaa soo gaadhay caasimadda gobolka Katsina.

Sawiro laga sii daayey Telefishinka dalkaasi manta oo jimcihii  ayaa la daawaday wiilasha oo wata dhar khafiif ah iyo bustayaal, waxayna  u muuqdeen kuwo daalan laakiin si kale u fiican.

Arfaydaasi ayaa la afduubtay jimcihii la soo dhaafay ka dib markii Kooxda hubeysan ee Boko Haram  ay weerareen Dugsi Sare oo ku yaalay tuulada Kankara ee magaalada Katsina.

Ma cadda in Ardayda oo dhan lagu soo badbaadiyay hawlgalkii samatabbixinta, laakiin Guddoomiyaha gobolka Katsina Aminu Bello Masari ayaa sheegay in dhammaan 344 wiil la siidaayay.

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha golaha shacabka oo gaaray Baydhabo

Wafdi uu hogaaminayo guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan ayna qayb ka yihiin wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo Xildhibaano ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Koofur Galbeed, halkaas oo madaxweynaha Koofur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo mas’uuliyiinta kale ee maamulku ku soo dhaweeyeen.

Ujeedada wafdigu halkaasi u tagay ayaa ah ka qaybgalka xuska sanad guurada 2-aad ee ka soo wareegtay doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed iyo la kulanka bulshada dawlad goboleedkaas, si ay uga xaal waraystaan baahiyaha ay qabaan.

Sidoo kale madaxda dawlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa lagu wadaa inay gaaraan magaalada Baydhabo, si ay uga qaybgalaan munaasabadda xuska oo lagu wado in habeen dambe lagu qabto magaalada Baydhabo.

   

Xukuumadda oo $200 oo kun ku bixinaysa dayactirka wadada Laamiga ah ee Cadaado dhex marta

Cadaado- Ra’iisal wasaaraha xukuumadda FS mudane Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo madaxweynaha dawlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kormeeray dayactir ay bulshada reer Cadaado ku samaynayaan wadada lamiga ah ee magaalada dhex marta, waxaana uu Ra’iisal wasaaruhu xusay in xukuumaddu ay taageerayso mashruucaasi isxilqaanka ku bilowday.

Ra’iisal wasaaraha ayaa xusay in xukuumaddu dhismaha wadadan laamiga ah oo gaaraysa inta la qorsheyey in la dhiso ilaa 3-km ay ku bixinayso lacag gaaraysa 200 oo kun oo Doller, si sare loogu qaado bilicda magaaalada iyo hab nololeedka dhaqaale ee bulshada.

Madaxweynaha dawlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa bulshada Cadaado ku bogaadiyey inay isxilqaameen ayna bilaabeen dhismaha wadada iyagoo maalkooda ku tashanaya, taageerada xukuumadduna ay ku timid dadaalka ay bilaabeen.

Tan iyo horraantii sanadkan waxaa socday mashruuc ay bulshada Cadaado dib ugu dayactirayaan wadada Laamiga ah ee dhex marta magaalada, taas oo halbowle u ah dhaqdhaqaaqa gaadiidka gobollada dhexe ee dalka.

   

Qarammada Midoobay iyo Itoobiya oo ka wada hadlay xaaladda qaxootiga ku sugan waqooyiga dalkaas

Wafdi ka socda he’yadda qaxootiga Qaramada Midoobey ee UNHCR ayaa gaaray magaalada Adis Ababa si ay dowlada Itoobiya ugu booriyaan badbaadinta dadka qaxootiga ah gaar ahaan kuwa ku sugan xeryaha ku yaala gobalka Tigray ee dagaaladu ka jiraan.

Wasiiru dowlaha nabadda Itoobiya Frealem Shibabaw, oo wafdiga qaabishay ayaa sheegtay in Itoobiya ay muhiimad gaar ah siineyso ilaalinta badqabka qaxootiga isla markaana la qaaday talaabooyin lagu ilaalinayo dadka rayidka ah oo ay ka mid yihiin kuwo xeryaha qaxootiga ku jira mudadii uu socday howlgalka gobalka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.

Waxay tilmaantay in dadkii xeryaha ka cararay cabsi darteed mudadii uu socday dagaalka tigray ay hada ku laabteen meelihii ay ka yimaadeen.

Waxay sidoo kale sheegtay in itoobiya ay diyaar u tahay soo celinta qaxootiga Sudan jooga hadii ay iyagu doonaan.

Waxaa maalmahan jiray walaac xoogan oo heyadaha samafalka ay ka muujinayeen dadka qaxootiga ah ee ku nool waqooyiga Itoobiya  iyo eedeymo .loo jeediyay oo ahaa in qasab lagu celiyay qaxooti  Eritrea ka yimi oo ku sugnaa gobalka tigreega

Dowlada Itoobiya ayaa beenisay eedaasi waxayna sheegtay in qaxootiga ay iskood xeryaha uga baxeen iyaga oo dagaalka ka baqaya.

Gobalka Tigray ee waqooyiga Itoobiya waxaa ku yaala 33 xero oo dadka qaxootiga ay daganyihiin waxayna badankood ka yimaadeen dalka Eritrea.