Ra’iisul wasaaraha XFS “Shacabka Soomaaliyeed waa in ay u midoobaan la dagaallanka Cadowga”

Muqdisho- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxeen Saraakiishii  iyo dadkii shacabka ahaa ee ku dhintay qarixii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in falkaas uu ahaa mid ka fog naxariista, diinta iyo dhaqanka suubban ee ummaddaha Islaamka, isla markaana muhiim ay tahay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in ummadda Soomaaliyeed iyo dowladuba ay diyaar u yihiin sidii dalka looga sifeyn lahaa argagixisada caadeysatay daadinta dhiigga Muslimiinta.