Wasaaradda caafimaadka XFS oo tababbar ku saabsan dhimirka u soo xirtay xirfadleyaal caafimaad

Muqdisho- Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) oo kaashaneysa hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, ayaa soo gabagabeysay tababbar ku saabsan caafimaadka dhimirka.

Tababbarkan ayaa ujeedkiisu wuxuu ahaa in xirfadleyaasha caafimaadku noqdaan tababarayaal arrimaha caafimaadka dhimirka, kuwaas oo sii tababari doona shaqaalaha xarumaha caafimaadka si adeega caafimaadka dhimirka loogu daro adeegyada ay bixiyaan una siiyaan taageerada lagama maarmaanka ah ee ay u baahanyihiin bukaannada qaba xanuunka dhimirka.

Dadka qaba xanuunnada dhimirka ayaan heysan goobo ku filan oo lagula tacaalo, waxeysa tababbarida xirfadleyaashan noqon doonaan kuwa wax weyn ka beddela haddii laga faa’ideysto.