Nigeria:Arday todobaad ku jiray gacanta Boko Xaaraam oo si nabad ah u soo laabtay

In ka badan 300 oo arday  iskuuley ah oo usbuucii la soo dhaafay lagu afduubtay weerar ka dhacay iskuul ku yaal waqooyi-galbeed Nigeria ayaa soo gaadhay caasimadda gobolka Katsina.

Sawiro laga sii daayey Telefishinka dalkaasi manta oo jimcihii  ayaa la daawaday wiilasha oo wata dhar khafiif ah iyo bustayaal, waxayna  u muuqdeen kuwo daalan laakiin si kale u fiican.

Arfaydaasi ayaa la afduubtay jimcihii la soo dhaafay ka dib markii Kooxda hubeysan ee Boko Haram  ay weerareen Dugsi Sare oo ku yaalay tuulada Kankara ee magaalada Katsina.

Ma cadda in Ardayda oo dhan lagu soo badbaadiyay hawlgalkii samatabbixinta, laakiin Guddoomiyaha gobolka Katsina Aminu Bello Masari ayaa sheegay in dhammaan 344 wiil la siidaayay.