Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha golaha shacabka oo gaaray Baydhabo

Wafdi uu hogaaminayo guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan ayna qayb ka yihiin wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo Xildhibaano ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Koofur Galbeed, halkaas oo madaxweynaha Koofur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo mas’uuliyiinta kale ee maamulku ku soo dhaweeyeen.

Ujeedada wafdigu halkaasi u tagay ayaa ah ka qaybgalka xuska sanad guurada 2-aad ee ka soo wareegtay doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed iyo la kulanka bulshada dawlad goboleedkaas, si ay uga xaal waraystaan baahiyaha ay qabaan.

Sidoo kale madaxda dawlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa lagu wadaa inay gaaraan magaalada Baydhabo, si ay uga qaybgalaan munaasabadda xuska oo lagu wado in habeen dambe lagu qabto magaalada Baydhabo.