Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo booqday Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Gaalkacyo

Muqdisho.- Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq ayaa xalay booqday dad ku dhaawacmay qaraxii argagaxisada ee gelinkii dambe shalay ka fulisay Magaalada Gaalkacyo.

“ Waxaan leennahay Allaha u booga dhayo inta dhaawaca ah, intii dhimatayna naxariista janno Alle ha siiyo,” yiri wasiirka .

Wasiirka ayaa shaqaalaha caafimaadka Cisbitaalka magaalada Gaalkacyo ka wareystay  xaaladda bukaanada, isagoo sidoo kale, xog wareystay qaar ka mid ah Bukaanada xaaladdooda caafimaad soo hagaageyso.