Madaxweyne Farmaajo oo shir aan caadi ahayn kaga qeyb galaya dalka Jabuuti

Muqdisho- Magaalada Jabuuti waxaa lagu wadaa inuu maanta ka furmo Shirka 38-aad ee aan Caadiga ahayn ee Urur Goboleedka IGAD oo looga hadlayo xaaladda Gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Jabuuti ayaa ka qeyb galaya shirka.

Madaxweynaha iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku wehelinaya shirkan ayaa Madaxda dalalka IGAD hor dhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ilaalinta Madaxbannaanida waddamada ku mideysan IGAD, daris wanaagga, xasilloonida iyo nabadda Gobolka Geeska Afrika.