Horumar dhinacyo badan leh oo laga dareemayo Muqdisho

Muqdisho– Barta twiiterka ee ciidanka AMISOM waxaa maal mahan rukun u ah sawiro iyo fariimo ka turjumaya nolosha iyo horumarka ka jira Muqdisho,  oo aanay arkin indhaha kuwa aan jecleyn nabada.

Inkastoo Muqdisho ay ka jiraan daruufo adag oo dhanka nolosha, ah kuwaas oo ay sababeen xanuunka COVID-19 iyo dhaqaalo xumo,ayaa  hadana waxaa magaalada ka jira kobac weyn oo dhanka dhismaha ah

Daaro dhaadheer ayaa la dhisayaa waxaana  qeybo badan oo magaalada ka mid ah dul suran wiishka guryaha lagu dhiso.

Suuqyada magaalada Muqdisho waa ay camiran yihiin waxaana ka jira ganacsi ku tarmaya xasiloonida magaalada.

Xeebta Liido waxaa isugu taga dadka aad u farabadan oo xiliyada fasaxa iyo  maalmaha nasiinada iyagu u soo baxa quruxda muuqaalka biyaha badweybta hindiya, kuna raaxeesanaya neecaawda macaan ee ka dhalata hirarka badda isdharbaaxaya.

Garoonka kubadda cagta ee Injineer.Yariisoow waxaa ka socda taranka kubadda cagta ee maamul goboleedyada dalka  halkaas oo kumanaan dadweyne ah ay u daawasho tagaan.

Dhamaan arrimahaas waxaa saldhig u ah amaanka oo ay heegan u yihiin ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Ciidanka waxaa mar kasta ku biira dhalinyaro ay ka go’antahay difaaca dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

   

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo Hooygiis ku booqday Guddoomiyaha Golaha shacabka BJF+Sawirro

Garoowe – Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda goboleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa xalay hoygiiisa ku booqday Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan.

Mr. Karaasha iyo Guddoomiye Mursal ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa horumarka dalka, waxayna si gaar ah diirada u saareen Madasha doodaha machadka Heritage oo markii ugu horeysay lagu qabanayo gudaha dalka, Garoowena ka furmaya todobaadkan.

Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa ku sugan wafuud kala duwan oo ka socda Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada, kuwaas oo halkaas uga qeyb galaya Madasha doodaha machadka Heritage oo halkaas ka furmaya.

 

   

Warsaxaafadeed: Shaacinta Habraacyada Doorashooyinka 2020/21 ee Aqalka Sare iyo Foomamka Musharaxiinta

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) ee 2020/21 isagoo tixraacaya faafinta rasmiga ahayd ee dhaqan galinta doorashada isla markaasna ahmiyad wayn siinaya dardargalinta howlaha doorashooyinka dalka ayuu maanta oo ay tahay 26ka Diseembar, 2020 u kala diray Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya habraacyada doorashada iyo foomamka ay u baahan yihiin inay buuxiyaan musharxiinta doorashada kuraasta Aqalka Sare.

Guddiga ayaa sidoo kale ka codsaday Dowlad Goboleedyada in ay si rasmi ah u bilaabaan diwaangalinta iyo qabashada araajida musharixiinta Golaha Aqalka Sare.

Guddiga wuxuu garawsan yahay baaxadda howsha hortaala iyo waajibaadka loo igmaday, wuxuu ku boorriyey mas’uuliyiinta Dowlad Goboleedyada in ay qaataan doorkooda kaga aaddan fulinta hawlaha doorashooyinka iyo in ay guddiyada iyo shacabka Soomaaliyeed kala shaqeyaan sidii ay doorashooyinka u guuleysan lahaayeen, una noqon lahaayeen kuwo daah furan oo xor iyo xalaal ah.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal waxay markale adkaynayaan in Madaxda iyo Barlamaannada Dowlad Goboleedyada ay kaalintooda ka qaataan sidii ay doorashadu ugu qabsoomi lahayd xiligeeda.

DHAMMAAD

Taliyaha ciidanka Dhulka Xoogga dalka oo ciidanka ku ammaanay badbaadinta shacabka Soomaaliyeed

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal Maxamed Tahaliil Biixi iyo saraakiil uu hoggaaminayo oo kormeer la xiriira howlgalada ciidamada xoogga dalka ay ka wadaan deegaanada Galmudug ku soo maray magaalooyinka Gaalkacyo iyo Cadaado ayaa shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen saraakiisha iyo ciidamada xoogga.

Generaal Maxamed Tahliil Biixi, taliyaha ciidanka ayaa kormeeray xarumaha ciidamada qeybta 21-aad iyo kuwa kumaandooska Gor gor ee ku yaalo deegaanada dhaca koonfurta magaalada Dhuusamareeb oo howlgalo maalmihii u dambeeyay ay ka wadeen ciidanka xoogga dalka looga awood roonaaday maleeshiyada Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka Dhulka Xoogga dalka ayaa howlgalada socda iyo guulaha laga gaaray ka dhageystay saraakiisha ku sugan furimaha hore, kuwaas oo sheegay in ciidanka xoogga dalka ay  guul wax ku ool ah ka gaareen dagaalka lala galay argagixisada Al-Shabaab,kuwaas oo suurta geliyay in deegaano badan laga saaro.

Generaal Maxamed Tahliil Biixi oo ciidanka iyo saraakiisha ku jira howlgalada kula hadlay furimaha hore ayaa ku ammaanay kaalinta ay ka qaateen badbaadinta shacabka Soomaaliyeed oo muddo dheer la dhibaatoonayay caburinta iyo cago jugleynta maleeshiyada argagixisada Al-Shabaab.

Wuxuu sidoo kale, taliyaha ciidanka dhulka Xoogga dalka kula dardaaray ciidanka in ey u dhimriyaan shacabka ku sugan deegaanada laga xoreeyay cadowga, kuwaas oo muddo dheer sugayay gacan Dowladnimo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay Saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo AMISOM

Balad weyne- Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa kulan looga hadlayay amniga la qaatay Saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo kuwa AMISOM,waxaana sidoo kale, kulanka goobjoog ka ahaa madaxweyne ku-xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar “ Dabageed”.

Kulanka ayaa intii uu socda waxaa lagu lafaguray dardar gelinta howlgalada lagu sugayo ammaanka magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa ku bogaadiyay laamaha amniga magaalada Baladweyne sida ay uga shaqeynayaan sugida amniga iyo isdhex galka Bulshada.

       

Wafdi uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray Garoowe

Garoowe– Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Garoonka diyaaradaha ee Gen Maxamed Abshir Airport Garoowe kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal iyo Wafdi uu hoggaaminayo.

Wafuuda kala duwan ee maanta tegay Puntland iyo kuwo la filayo inay maalmaha soo socda gaaraan Garoowe, ayaa dhammaantood ka qeybgeli doona Madasha doodaha machadka Heritage oo markii ugu horeysay lagu qabanayo gudaha dalka, Garoowena ka furmaya todobaadkan.

         

Diyaarad siday gargaar loogu talo galay dadkii waxyeelada ka soo gaartay duufaantii GATI oomaanta gaartay magaalada Boosaaso .

Diyaarad siday gargaar loogu talo galay dadkii waxyeelada ka soo gaartay duufaantii GATI ayaa maanta gaartay magaalada Boosaaso .

Deeqdan oo ka timi dowlada talyaaniga ayaa waxaa garoonka Boosaaso geeyay diyaarad xamuul oo weyn.

Shixnadan ayaa ka kooban agabka wax lagu cuno,daawo iyo waxyaabo kale oo duruuri ah .

Wasiirka arimaha gudaha dowlad goboleedka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan dhabancad ayaa sheegay in ay dowlada talyaaniga uga mahadcelinayaan kaalmada.

Wasiirku wuxuu sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii loo gaarsiin lahaa dadka mudan ee baahida daran u qaba kaalmadan

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Hambalyo u diray ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Muqdisho- Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ahna guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa Booliska JFS ugu hambalyeeyay sanadguurada 77-aad ee aas aaska ciidanka Booliska oo ku asteysan 20-ka December.

Guddoomiye Mursal ayaa bogaadiyay dowrka wanaagsan ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka qaadanayaan sugida amniga guud ee dalka.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la aas-aasay 20 December 1943 ayaa sanadkaan xusaya sanadguurada 77-aad ee aas aaska ciidanka Booliska oo loo asteeyay 20-ka December.

Ciidamadaa Boliiska waa wehelka Shacabka (Warbixin)

20-ka disember ,waa astaan ka mid ah maalmaha qaran ee loo dabbaaldego xusuusta dhaxalgalka ah ee umadda,gaar ahaan aasaaska ciidamada Boliiska oo ka mid ah qeybaha ciidamada ee xilka iska saaray difaaca dadka iyo dalka,isla markaana door wax ku oolka ah ka soo qaatay miraha xoriyadda ee aan harsaneyno .

Sanadkii 1943-diii ayeey aheyd markii la unkay dhismaha ciidan Boliis ah oo xilligaasi loo arkayey in uu yahay midka ugu faca weyn ,isla markaana lagama maarmaan u ah aasaaska dowlad Soomaaliyeed oo ka mid noqota beesha caalamka.

Inkastoo aasaaska iyo dhismaha ciidamada la bilaabay xilligaasi,haddana waxaa jiray ciidamo Soomaaliyeed oo soo shaqeeyay xoriyadda ka hor,gaar ahaan waqtiyadii ay jireen maamuladii gumeysiga Ingiriiska iyo Talyaaniga ee kala qeybsaday geyigga.Tusaale ahaan:-

Ciidamadii Soomaaliya ee xilligii gumeysiga

Laga soo bilaabo sanadkii 1910-40-kii .waxaa jiray ciidamo Somaaliyeed oo uu aasaasay gumeysigii Ingiriiska,ka dib markii uu qabsaday gobolada Woqooyi ee Soomaaliya,ciidamadaasina waxa ay la howlgaleen kuwii Ingiriiska ee xilligaasi joogay dalalka Kenya,Tansaniya,Yemen iyo dalal kale,iyagoo soo qabtay shaqooyin ay ka mid yihiin sugidda amniga magaalooyinka,ilaalinta xeebaha iyo xallinta dagaalada iyo khilafaadka soo kala dhexgala beelaha,qaarkoodna waxa ay ka qeybgaleen dagaalkii labaad ee dunida.

Dhanka kale Talyanaaniga oo gumeystay bartamahaha iyo koonfurta Soomaaliya waxa uu sanadihii u dhexeeyay 1909-1940-kii, aasaasay ciidamo Soomaali ah,kuwaas oo ka mid noqday ciidamo gaaraya dhowr iyo labaatan kun oo joogay gudaha dalka,sanadkii 1936-diina ciidankii Soomaalida waxay ka qeybaleen dagaalkii isballaarinta ee Talyaanigu ku qaaday dalka Itoobiya.

Inkasto ciidamo badan oo Soomaali ah oo ka kala socday gobolada woqooyi iyo koonfur ay ka qeybgaleen dagaalkii 2-aad.,haddana waxaa aasaaska ciidamada Boliiska lagu guuleystay sanadkii 1943-dii ka dib markii dib loo habeeyay ciidamadii gobolada woqooyi iyo konfur oo xilligasi ay gacanta ku hayeen maamulkii Ingiriiska.

Ciidamada Boliiska Xilligii Xoriyadda

Sanadkii 1950-60- kii dib u dhiska ciidamada Boliiska ayaa mar kale ka bilowday gobolada koonfurta Soomaaliya,ka dib kolkii Qaramada Midoobay ay ogolaatay in muddo 10 sano oo xornimo gaarsiin ah Talyaaniga loo dhiibo maamulka gobolada koonfureed, si dadka Soomaliyeed looga caawiyo barashada maaulka dowladnimo,halka gobolada woqooyi maamulkooda uu baaqi ku sii noqday dowladdi Ingiriiska.

Xoreyntii gobolada koonfureed iyo israaca laba gobol ee woqooyi iyo koonfur,waxaa la sameeyay ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban 3700-askari,isla markaana leh qalab iyo tababar casri ah oo la mid ah kuwa caalamka ee dunida,waxaana lagu kordhiyay kun askari oo Daraawiish ah,iyadoo xlligaasi taliyaha ciidanka Boliiska loo magacaabay Geeneral Maxamed Abshir Muuse Haamaan.

Waxqaadka ciidanka Boliiska

Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed oo marna ah hey’adda ugu sareysa ee fulinta sharciga madaniga,waxaa ka mid ah waajibaadkiisa >1-la dagaallanka dambiyada .2-la-dagaallanka argagixisada .3-difaaca dalka.4-Sugidda amniga Gudaha dalka iyo 5- Ilaalinta sharciga dalka

Dhismaha Ciidamada

Awoodda  dheeraadka ah  ee ay la soo baxeen ciidamada  Boliiska  dalka Soomaaliya,waxa ay sababeen in la la sameeyo dhismaha hoggaanno badan oo ku yimid dadaallo miro dhal ah,ka dib kolkii ay kordheen aqoonta iyo howlaha kale ee lagama maarmaanka u ah ciidamada Boliiska.

Hoggaamada Ciidamada Boliiska

1-Hoggaanka   Maaliyadda

2-Hoggaanka   Saadka

3-Hoggaanka   Tababarada

4-Hoggaanka   Dab damiska.

5-Hoggaanka   Caafimaadka

6-Hoggaanka   Isgaarsiinta

7-Hoggaanka   Dhismaha

8-Hoggaanka   Gaadiidka

9-Hoggaanka   Nabad-sugidda

10-Hoggaanka  Ciidanka

11- Hoggaanka Ilaalinta Canshuuraha.

12- Hoggaanka barista dembiyada .

13-Hoggaanka  Ilaalinta waddooyinka

14-Hoggaanka  Dib u dhiska ciidanka

Waxaa marag ma doonto ah in ciidamada Boliiska Soomaaliyeed xiliyadii dhexe ee todobaatameeyadii ay la soo bexeen awood lixaad leh oo tiro ahaan iyo tayo ahaanba buuxiyay shuruudaha lagama maarmaanka u ah amniga gudaha,hadana guulaha ugu weyn ee la tilmaamo in ay soo hooyeen ciidamada boliiska waxaa ka mid ah qeybtii ay ka qaateen dagaaladii dhacay sanadihii 1964-tii iyo 1977-dii,ee lagu raadinaayey dhulalkii ku maqnaa gacanta gumeysigii shisheeye.

Inkastoo bur-burkii ka dhacay dalka 1991-kii ee ay horseedka ka ahaayeen qaar ka mid ah hoggaamiyiyaasha Soomaalida uu saameyn weyn ku yeeshay ciidamada ,haddana laga soo bilaabo  sanadihii 2000-2004tii, waxaa lagu guuleystay in dib loo uruuriyo ciidamada, isla markaana la howlgaliyo qeybihii iyo talisyadii uu ka koobnaa ,iyadoo lagu kordhiyay  dhallinyaro  cusub oo dhiirigeliyay soo celinta amniga iyo kala dambeynta.

Ciidamadu waxa ay dadaal ugu jiraan soo celinta amniga,sidaa daraadeed waxa ay u baahan yihiin in loo howlgalo sidii loo tayeyn lahaa, isla markaana loogu heli lahaa agab ama qalab mileteri oo ay ku hawl galaan iyo in la siiyo tababarro sare loogu qaadayo xirfaddoda shaqo si mustaqbalka dhow ay u hantaan ammaanka guud ee dalka.

Haddaba,20-ka Disember waa munaasabad qiimo gal ah oo ka tarjumeysa aasaaska ciidamada Boliiska oo lagu tilmaamo hooyada ugu faca weyn ee dhismaha ciidamada Soomaliya,wana cududda labaad ee ay ku faanaan qeybaha bulshada oo xilligaan  ku qanacsan qaabka ay u socdaan howlaha ciidamada iyo dadaalada kale ee ay kaga qeybgalayan horumarka dalka.

Ciidamada Boliiska waa wehelka Shacabka siddaa daraadeed,waxaa haboon in shacbiga Soomaaliyeed ay ciidamada kala shaqeeyaan soo celinta xasiloonida dalka iyo raadinta nidaam guud oo horseeda kala dambeyn.

Ugu dambeyntii saraakiisha,saraakiil xigeenada,alifleyda ,dableyda iyo guud ahaan xaasaska ciidamada Boliiska meel kasta oo ay joogaan waxaan u rajeyneynaa  in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.

W/qoray Shire Xasan kulmiye

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ciidanka Booliska ugu Hambalyeeyay Sanadguurada 77-aad

Muqdisho- Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo la hadlay SONNA ayaa ciidanka Booliska ugu hambalyeeyay sanadguurada 77-aad ee aas aaska ciidanka Booliska oo ku asteysan 20-ka December.

Sareeyeyaasha ,Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, dableyda, Alifleyda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ayuu taliyaha ugu hambalyeeyay Munaasabadda Sanadguurada 77-aad ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku ammaanay Doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan Amniga iyo xasilinta Guud ahaan Dalka.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la aas-aasay 20 December 1943 ayaa sanadkaan xusaya sanadguurada 77-aad ee aas aaska ciidanka Booliska, waxaana sanadkaan Munaasabadda laga darreemayaa u diyaar garow aad u ballaaran.