Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay Saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo AMISOM

Balad weyne- Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa kulan looga hadlayay amniga la qaatay Saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo kuwa AMISOM,waxaana sidoo kale, kulanka goobjoog ka ahaa madaxweyne ku-xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar “ Dabageed”.

Kulanka ayaa intii uu socda waxaa lagu lafaguray dardar gelinta howlgalada lagu sugayo ammaanka magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa ku bogaadiyay laamaha amniga magaalada Baladweyne sida ay uga shaqeynayaan sugida amniga iyo isdhex galka Bulshada.