Muqdisho– Barta twiiterka ee ciidanka AMISOM waxaa maal mahan rukun u ah sawiro iyo fariimo ka turjumaya nolosha iyo horumarka ka jira Muqdisho, oo aanay arkin indhaha kuwa aan jecleyn nabada.
Inkastoo Muqdisho ay ka jiraan daruufo adag oo dhanka nolosha, ah kuwaas oo ay sababeen xanuunka COVID-19 iyo dhaqaalo xumo,ayaa hadana waxaa magaalada ka jira kobac weyn oo dhanka dhismaha ah
Daaro dhaadheer ayaa la dhisayaa waxaana qeybo badan oo magaalada ka mid ah dul suran wiishka guryaha lagu dhiso.
Suuqyada magaalada Muqdisho waa ay camiran yihiin waxaana ka jira ganacsi ku tarmaya xasiloonida magaalada.
Xeebta Liido waxaa isugu taga dadka aad u farabadan oo xiliyada fasaxa iyo maalmaha nasiinada iyagu u soo baxa quruxda muuqaalka biyaha badweybta hindiya, kuna raaxeesanaya neecaawda macaan ee ka dhalata hirarka badda isdharbaaxaya.
Garoonka kubadda cagta ee Injineer.Yariisoow waxaa ka socda taranka kubadda cagta ee maamul goboleedyada dalka halkaas oo kumanaan dadweyne ah ay u daawasho tagaan.
Dhamaan arrimahaas waxaa saldhig u ah amaanka oo ay heegan u yihiin ciidanka booliska Soomaaliyeed.
Ciidanka waxaa mar kasta ku biira dhalinyaro ay ka go’antahay difaaca dhiiga shacabka Soomaaliyeed.