Ra’iisal wasaare Rooble oo Dr. Maxamed ibraahim Nuur u magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisal wasaaraha

Muqdisho- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta u magacaabay  Dr. Maxamed Ibraahim Nuur in uu noqdo xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisal wasaare Roooble ayaa kula dardaarmay xoghayaha cusub ee joogtada xafiiska Ra’iisalwasaaraha Mr. Nuur inuu dardar geliyo shaqada loo idmaday ee Xafiiska.

Isbeddel ku yimid Jadwalka Doorashooyinka Golaha Aqalka Sare

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer federaal (GHDHF) wuxuu daneeyeyaasha arrimaha doorashooyinka ku wargelinayaa in isbaddal uu ku yimid jadwalka doorashooyinka Golaha Aqalka Sare ee horey loo qorsheeyey in ay bilaabmato 31ka Diseembar 2020 ilaa 6da Jannaayo 2021.

Guddigu waxa uu la wadaagayaa Madaxda Dowladaha Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka in qabashada codsiyada murashixiinta Golaha Aqalka Sare ay ku egtahay 5ta Jannaayo 2021, halka tartanka kuraasta Aqalka Sare loo asteeyay in la qabto inta u dhaxaysa 7-14 Jannaayo 2021.

Isbaddalka jadwalkan wuxuu ku saleysan yahay codsi Guddiga Doorashooyinka uga yimid Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ku aaddan in muddadaa dib loo dhigo waqtiga loo asteeyey Doorashada Aqalka Sare.

Muddadaas waxaa lagu dhammeystirayaa hawlaha qabyada ah ee dhanka qabashda codsiyada murashixiinta iyo diyaarinta agabyada iyo deegaanka ay ku shaqeynayaan Guddiyada Maamulaya Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal waxa uu uga mahadcelinayaa Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada tixgelinta ay siiyeen codsiga Madaxweynaha Galmudug

Amar la xiriira amniga oo la dul dhigay Shacabka gobolka Mudug

Muqdisho- Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal ayaa wareegto Amniga lagu xaqiijinaayo dul dhigay Bulshada Gobolka Mudug ee Galmudug.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay inay wareegtadaan ay kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Galmudug axmed cabdi kaariye ayna fulinayaan amarka Amniga lagu sugayo guud  ahaan Gobolka Mudug gaar ahaan Gaalkacyo.

Wuxuu Bulshada ugu baaqay in ay u hoggaansamaan amarka.

Argagixisada Al-Shabaab oo Qarax la beegsaday gaari dad shacab ah ay saarnaayeen

Wararka ka imaanaya deegaanka Taabto ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Qarax miino deegaankaas ay kula qaraxday gaari siday dad rakaab ah oo ka baxay magaalada Kismaayo kuna sii jeeday degmada Dhoobley ee gobolkaas.

Qaraxa ayaa lagu soo waramayaa inuu sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dadkii rakaabka ahaa ee gaariga saarnaa, waxaana qaraxaasi oo ay argagaxixsadu aaseen ku geeriyooday 7-Qof oo ilmo todobo billood jira uu ka mid ahaa.

Ma ahan falkii ugu horeeyay ee argagixisadu ay la beegsadaan dad shacab ah ee waa mid ka mid ah falalka gumaadka ah ee maleeshiyada naf lacaariga ah Al-Shabaab ku hayaan shacabka la daala dhacaya raadinta nolol maalmeedkooda.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa u taagan sidii ay u ciribtiri lahaayeen maleeshiyada Al-Shabaab ee sida dhuumaaleysiga ah u fuliya weerarada.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo kulan la qaatay wafdi ka socday wasaaradda arrimaha gudaha soomaaliya

Samareeb- Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminaayo wasiirka u xigeenka wasaaradda Mudane Isaaq Maxamed Maxamuud.

Wasiirka ku xigeen wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Isaaq Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay in ujeedka socdaalka uu la xariiro arrimaha doorashada, waxaana uu tilmaamay in loo baahan yahay in la daadajiyo howlaha doorashada.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha gudaha Galmudug iyo masuuliyiin kale oo ka kala socday dowlad goboleedka Galmudug iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleddka Galmudug Cali Daahir Ciid, oo shirka soo xiray ayaa ugu horreyn soo dhoweeyey wafdiga ka socday XFS ee uu hoggaaminaayo wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Mudane Isaaq Maxamed Maxamuud, waxaana uu sheegay inay muhiim tahay u diyaar garowga doorashada iyo daadajinta maamulka iyo dhismaha golaha deegaanadda ee degmooyinka Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa tilmaamay in Galmudug ay dadaal ugu jirtO u diyaar garowga howlaha dorashada, wasaaradaha ku shaqada lehna ay kala shaqaynayaan.

          

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulan la qaatay Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya

MUQDISHO- Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya ben fender.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ayaa kala hadlay Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya mudane ben fender, sidii ay gacan kaga siin lahaayeen arrimo la xariira horumarinta magaalada, xallinta khilaaadka iyo xasiloonid amniga.

Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Mudane ben fender, ayaa sheegay inay ka taageerayaan maamulka gobolka Banaadir, islamarkaana muhiimad gaar ah ay u leedahay mashruucan nabadeen bulshada caasimadda.

Dowlada Ingiriiska iyo maamulka gobolka Banaadir, ayaa si waddajir  ah uga shaqeeyn doono fulinta mashruucaan si loo helo xal waarta.

      

Wasaaradda Ganacsiga oo kala dirtay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Khaliif Cabdi Cumar ayaa maanta kala diray rugta ganacsiga iyo Warshaha, kaddib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.

Sababaha loo kala diray Maamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomalaiya ayaa lagu sheegay dib u habeyn lagu sameeyo rugta.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga ayaa sheegay in Wasiirka uu si KMG ah u magacaabay guddi ka kooban Guddoomiye, labo ku-xigeen iyo 30 xubnood oo matala ganacsatada Soomaaliyeed.

Guddiga KMG ah ayaa sii wadayo shaqada rugta ganacsiga inta laga diyaarinayo hannaan doorasho muddo ku siman 60 cisho.

 

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo gaaray Magaalada Garoowe+Sawirro

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) iyo wafdi uu hogaaminayo oo goor dhaw gaaray magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ku soo dhoweeyay.
Mahdi Maxamed Guuleed waxaa ka wehlinayay wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya waxaana ka mid ahaa wasiirka warfaafinta Cismaan Abuukar Duube ,wasiiru-dowlaha wasaaradda maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim iyo xubno kale.

Madaxweynaha Jubbland oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Garoowe

Madaxwaynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo goordhaw gaaraya Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa waxaa kusoo dhaweeyay madaxwaynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo qaar ka tirsan labada golle ee Puntland.

Madaxwaynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka soo kictimay magaalada Kismaayo  waxaana magaalada garoowe kaga qeyb-gali doono shirka uu machadka cilmi baarista ee Heritage ku qaban doono magaalada garoowe .

Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, xubno ka tirsan midowga musharraxiinta madaxwaynimo ee Soomaaliya, xildhibaanno isugu jira heer federaal iyo heer dowlad goboleed, siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan Ururada bulshada ayaa ka qeyb-gali doona shir,  kaasi oo muddo saddex maalin ah ka socon doona Magaalada Garoowe.

Wasiirka Ganacsiga XFS oo saxiixay Xeer-nidaamiyaha sharciga shirkadaha Soomaaliya

MUQDISHO- Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xil Khaliif Cabdi Cumar, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Xeer-nidaamiyaha sharciga shirkadaha Soomaaliya ee sharci lambar 18 oo la soo saaray 26-kii bishii 12-aad 2019 islamar ahaantaana noqon doona xeer lagu dhaqan-geliyo sharciga shirkadaha kaasi fududeynaya hab-raaca dhismaha, diiwaan-gelinta shirkadaha, laysimada iyo adeegyada kale ee ganacsigu u baahan yahay.

Kulanka lagu saxiixayey Xeer-nidaamiyaha, ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb-galay wasiiru-dawlaha wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Mudane Cali Maxamed Sh. Bagadi, agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan, la-taliyeyaasha, Agaasime Waaxeedyada wasaaradda iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha dowladda Soomaaliya Xildhibbaan Khaliif Cabdi Cumar oo markii uu saxiixay sharcigaan ka dib, la hadlay warbaahinta, ayaa ka waramay ahmiyadda uu xeer-nidaamiyahani u lee yahay ganacsiga Soomaaliya oo uu sheegay inuu yahay mid dhiiri-gelinaya ganacsiga, wax soo saarka iyo maal-gashiga sidoo kalena uu yahay sharci horumarin doona guud ahaan dhaqaalaha wadanka.

Wasiirka sido kale tilmaamay in xeer-nidaamiyahani sahlaayo in iyada oo la adeegsanayo fursadaha farsamada iyo tiknoolajiyadda ay ganacsatadu adeegyada Wasaaraddu bixiso heli doonaan iyaga oo jooga xafiisyaddooda iyo goobahooda shaqo ku sugan.

Xeer-nidaamiyahan lagu dhaqan-gelinaayo sharciga Shirkadaha Soomaaliya oo muhiim u ah fududeynta iyo horumarinta ganacsiga, ayaa soo maray marxalado kala duwan, waxaana si wada-jir ah iskaga kaashaday Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya iyo hay’adda *IFC) kaasi oo gebo-gabadiina ku soo dhammaaday si guul ah.