Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo ku baaqay in laga heshiiyo mabaadii’da ku saleysan Dastuurka

Muqdisho= Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in madasha lagu soo bandhigo waxkasta oo lagama maar maan u ah horumarka iyo hannaanka doorashooyinka dalka.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ayaa yiri “”Waxaa lagama maarmaan ah in laga heshiiyo mabaadii’da Dastuurka sida 1-Nuuca Federaalka iyo awoodaha hey’adaha Federaalka 2-Qubbaro in loo helo 3-Miisaniyad Soomaaliyeed u gaar ah Dastuurka sameynta iyo 4-Waqtiyeynta dhameystirka  Dastuurka in la shaaciyo”

 

 

Madaxweyne Farmaajo oo Saxiixay Sharciga Miisaaniyadda Dowladda

Muqdisho- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Sharciga Miisaaniyadda Dowladda ee 2021 oo ay hore u soo ansixiyey Golaha Xukuumadda Federaalka, ayna meelmariyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyey Xildhibaannada Golaha Shacabka sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aaddanaa Miisaaniyadda cusub ee dalka oo la kordhiyey, iyaga oo ku ansixiyey cod aqlabiyad leh.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo khubarada dhaqaalaha Soomaaliyeed diyaarinta iyo jaangoynta miisaaniyad ka turjumeysa baahida ay qabaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo oo dul-istaagay kororka miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faray Xukuumadda in ay xoogga saarto dardargelinta adeegyada bulshada, kobcinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xaqiijinta mushaaraadka shaqaalaha Dowladda iyo Ciidamada Qalabka Sida.

 

Ingiriiska oo si rasmi ah uga baxay Midowga Yurub

Boqortooyada Midoowday ee dalka Ingiriiska ayaa xalay si rasmi ah uga baxday Midowgii Yurub,ka dib markii muddo  afar sano ah ka hor ay shacabka dalkaasi u codeeyeen in UK ay ka boxdo Midowga Yurub,

Habeenimadii xalay waxaa soo idlaaday 11 bilood oo ahaa waqtiga kala guurka,iyadoo sanadka cusub ee 2021-ka uu curtay UK oo banaanka ka joogta xeyndaabka midowga Yurub .

UK kama shaqeyn doonaan sharciyada Yurub ee ay 50 sano u hogaansameysay sida ganacsiga xorta ah, maxkamada Yurub ,iskaashiga amaanka iyo dhanka socdaalka oo dadka Yurub ka yimaada ay joogi kareen kana shaqeysan jireen UK iyagoo aan dal ku gal u baahneyn.

Ra’isulwasaaraha UK Boris Johnson ayaa sheegay in UK ay heysato xoriyadeeda ayna arimaheeda u sameysaneyso si ka duwan oo ka wanaagsan sidii hore.

UK waxay MIdowga Yurub  ku biirtay 1 Janaayo 1973,iyadoo dhinaca kale,Madaxweynaha faransiiska uu ka dhawaajiyay sheegay in UK ay ahaan doonto saaxiib iyo isbaheysi.

 

Xulka Gobolka Banaadir oo ku guuleystay tartanka Dowlad Goboleedyada iyo Banaadir.

Muqdisho- Cayaarta kama dambeysta ah ee tartanka kubadda cagta ee dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa waxaa galabta kulanka final-ka ah wada cayaaray xulalka kubadda Cagta Banaadir iyo Galmudug, kaasi oo ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Eng, Yariisow.

Cayaarta oo ay u soo daawasho tageen dad weyne aad u fara badan oo ka kala yimid 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir, isla markaana kala taageerayay labada Xul ee Banaadir iyo Galmudug, isla markaana sitay hal ku dhigyo ayaa si weyn u muujiyay sida ay u taageersanyihiin tartamada nuucaani oo kale ah ee la xiriirta isdhexgalka bulshada.

Labada xul ayaa soo bandhigay cayaar aad u xiisa badneyd oo ay ku qanceen dhamaan dadkii u soo daawasho tagey garoonka oo ahaa mid aad loo soo camiray, maadaama ay ahayd kulanka kama dambeysta ah ee tartanka ayaa waxaa cayaarta daqiiqaddii 1aad gool u dhaliyay xidiga N0, 11aad ee xulka Banaadir Nageeye Deeq, iyadoo daqiiqaddii 15aad uu kabtanka xulka Galmudug uu cayaarta ka dhigay 1-1.

Cayaarta oo ah weerar iyo weerar celis ayaa waxa ay labada dhinac soo bandigeen cayaar wanaag, waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 1-1.

Qeybtii labaad ee cayaarta oo si dar darleh ku bilaabatay ayaa daqiiqaddii 52aad ee cayaarta waxaa Xulka Gobolka Banaadir uu dhaliyay goolka 2aad Xidigga Deeq Nageeye oo N0, 11 u wata Xulka Banaadir, waxaana uu cayaarta ka dhigay 2-1, waxaana Xulka Banaadir gool ku laad ka qasaariyay daqiiqaddii 75aad xidiga Ibraahin Ilyaas oo N0, 28aad u wata Xulka Banaadir.

Daqiiqaddii 86aad ee cataarta ayaa cayaartoyda Xulka Galmudug goolka u dhaliyay xidiga Muxudiin Jamaal oo N0.15aad, waxaana uu cayaarta ka dhigay bar bar dhac 2-2.

Cayaarta ayaa lagu kala baxay gool ku laad oo labada dhinac loo dhigay min shan, balse Xidigaha Xulka Galmudug ayaa iska qasaariyay saddex rigoore oo ay heleen, waxaana xidigaha Xulka Banaadir ay wada dhaliyeen saddexdii gool kulaad ee soo martay, sidaasna ayayna koobka ku hanteen.

Goolhayaha Xulka Gobolka Banaadir ayaa u suurta geliyay in Banaadir ay sanadkan hanato tartanka Dowlad Goboleedyada oo uu marti geliyay Maamulka Gobolka Banaadir.

Sawirrada Shirka Madasha Aragti Wadaagga ee ka furmay Garoowe

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo bandhigeysa sawirrada shirka Madasha Aragti Wadaagga ee Herritage ee maanta ka furmay magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntaland.

                  

In ka badan 10 ayaa ku dhimatay weerar ka dhacay garoonka diyaaradaha Cadan ee dalka yemen

Muqdisho- Ugu yeraan 13 qof ayaa dhimatay daraasiin kalena waa ay dhaawacmeen ka dib weerar arbacadan maanta ah lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee magaaladaa Cadan, xilli halkaas ka dagtay diyaarad sidday gollaha cusub ee xukuumadda Yemen oo Sacuudiga taageero.

Jugta qaraxa weyn iyo rasaas ayaa la maqlay markii ay garoonka ka caga dhigatay diyaaradda ka timid caasimadda Sacuudiga ee Riyad, sidaas waxaa sheegay goobjoogiyaal la hadlay Reuters.

Labo sarkaal oo ka tirsan ciidanka amniga ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay tirada khasaaraha ee qaraxa maanta.

Wefdiga maanta ka degtay garoonka magaalo xeebeedka Yemen ee Cadan ayaa waxaa kamid ahaa ra’iisul wasaaraha Yemen Maciin Cadul Malik Saciid, danjiraha Sacuudiga ee Yemeen Saciid al-Jaber iyo saraakiil kale kuwaas oo si nabad geliyo ah loogu gelbiyay madaxtooyada, sida ay sheegtaya warbaahinta Sacuudiga.

Ra’iisul wasaare Maciin oo twitter qoraal soo dhigay ayaa sheegay in dhammaan xubnaha xukuumadda ay bad qabaan isagoo sheegay in falka uu ahaa mid argagaxiso.

Ergeyga QM ee Yemen Martin Griffiths ayaa cambaareeyay weerarka, isagoo sheegay in falka uu ahaa mid aan la aqbalo Karin isla markaana waxaa uu xasuusiyay dhinacyada Yemen isku haya ahmiyadda ay leedahay in wadahadal lagu dhameeyo khilaafaadka jira.

Tan iyo 2015 Yemen waxaa ka jiray dagaal u dhexeeyay isbaheysiga Sacuudiga hogaamiyo oo taageersan xukuumadda Yemen madaxweyne Cabdi Rabbi Mansuur Haaddi iyo maleeshiyaadka Xuuthiyiinta oo Iran baritaarto.

Dagaaladaas waxaa ku dhintay in ka badan 100,000 oo shacab ah iyadoo malaayiin kale guriyahooda ka qaxeen.

Wasaaradda caafimaadka Galmudug oo xoojinaysa isku xirka mashaariicda caafimaadka

Sama-reeb- Wasiir dawlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Axmed Mirre Faafaale ayaa Magaalada Sama-reeb ka daah-furtay shirka dib u eegista iyo isku xirka mashaariicda Caafimaadka Galmudug oo ay ka qayb galeen hay’addaha ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka, Nafaqada iyo fayadhowrka ee ka howlgala Deegaanada Galmudug.

Kulankan oo ay qayb ka yihiin Agaasimayaasha iyo agaasime waaxeedyada Wasaaradda ayaa dib loogu eegayaa wax qabadkii sanadkan sii idlaanaya ee arimaha Caafimaadka, Nafaqada iyo fayadhowrka, iyadoo la dul istaagayo culaysada jira iyo waxyaabaha aan wali wax laga qaban ee u baahan in lagu daro qorshaha sanadka soo socda ee 2021-da.

Wasiir Dowlada Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowlada Goboleedka Galmudug Axmed Mirre Faafaale ayaa tilmaamey in Wasaaradda iyo hey’addaha wadashaqeyntu kala dhaxeyso ay isla gorfeyn doonaan sidii looga gudbi lahaa dhammaan dib u dhacyada jira, iyadoo lagu saleynayo qiimeynta iyo qorshayaasha wasaaraddu ka sameysay arimahaasi.

Ku talagalka mashaariic badan oo la doonayey in lagu horumariyo adeegga caafimaadka deegaanada Galmudug ayaa dib u dhacay sababo la xiriira cudurka Covid-19 oo dhammaan caalamka oo dhan saameeyey.

       

Shirwayne looga hadlayo xasilinta dalka oo maanta Garoowe ka furmaya

Garoowe- Madasha machadka Heritage oo sanadkan looga hadlayo xasilinta dalka, dhammaystirka Dastuurka, gaarista doorasho qof iyo cod ah iyo hirgalinta nidaam Federaal oo shaqaynaya ayaa maanta ka furmaysa magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, waxaana ka qaybgalaya Gudoomiyaasha labada gole ee Baarlamaanka dalka, Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka, madaxweynayaasha dawlad goboleedyada, musharixiinta xilka madaxweynaha u taagan qaarkood, ururada bulshada iyo marti kale.

Madasha oo qorshuhu ahaa in la furo 29-kii bisha ayaa dib u dhac ku yimid sababo farsamo, balse waxaa la qorsheeyey maanta in lagu qabto shirka oo socon doona 3-maalmood xarunta Jaamacadda PSU ee magaalada Garoowe, sida uu sheegay agaasimaha machadka Heritage Cabdirashiid Khaliif Xaashi.

Sida ku cad ajandaha madasha, madaxda ka qaybgalaysa oo aragti ahaan ku kala duwan xaaladda dalka ayaa ka wada qaybgali doona doodo adag oo ku saabsan qabya tirka Dastuurka, ammaanka dalka, dawlad wanaagga iyo kaalinta ay bulshadu ku leedahay.

Madaxda ka qaybgalaysa madashan ayaa qaarkood isku arkeen kulamo gaar gaar ah, waxaana madaxweynaha Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni uu qaabilay gudoomiyaha golaha aqalka sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, halka Gudoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan ay Garoowe ku kulmeen. madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Dhulgariir xoog leh oo ku dhuftay Croatia

Dhul gariir xoog leh oo uu cabirkiisu gaarayo 6.3  ayaa ku dhuftay bartamaha Croatia, iyadoo la soo sheegayo dhaawacyo iyo sidoo kale bur bur xoog leh oo soo gaarey dhismooyinka koonfur bari ee caasimada.

Dhulgariirka ayaa laga dareemay dalka oo dhan, iyo sidoo kale laga dareemay dalalka  deriska leh Croatia ee  Serbia, iyo Bosnia iyo Herzegovina.

Dhanka kale Xarunta European Seismological Center ayaa sheegtay in dhul gariir uu ku dhuftay koonfur bari ee magaalada Zagreb.

Warbixinadii ugu horreeyay ayaa sheegaya in dhulgariirku uu sababay waxyeello ballaaran, uuna bur-buriyay dhismooyin iyo sidoo kale wadooyin

Isla aaggaas waxaa maalinkii isniinta ku dhuftay dhulgariir  cambirkiisu ahaa 5.2

Laanqayrta Cas ee Croatia waxay sheegtay inay ka jawaabeysay xaalad “aad u daran” oo ka jirta Petrinja dhulgariirkii ka dib.

Stephen Hicks, oo ku xeel dheer cilmiga dhul gariirka ee kuliyada Imperial College ee magaalada London, ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray: “Waxaan u maleyneynaa in gariir xoog leh uu jiro, sidaas darteedna uu waxyeello u geysan doono dhismayaasha.”

Warshadda Nukliyeerka ee Krsko ee dalka Slovenia ayaa loo xiray taxaddar ahaan, afhayeenka warshadda ayaa sheegtay maanta oo Talaado ah.

W/Q: Abdukadir Mohamed

Xildhibaanada Golaha shacabka oo ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda ee 2021

Muqdisho- Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay yeesheen waxay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Dowladda ee 2021.

Kulanka ayaa waxaa guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, waxaana  ansixinta Miisaaniyadda Dowladda 2021 u codeysay 145-mudane mana jirin xildhibaan ka aamusay iyo wax diiday.

Mudanayaasha ayaa shalay akhrinta labaad marsiiyay miisaaniyadda Dowladda ee 2021-ka.