Wasaaradda caafimaadka Galmudug oo xoojinaysa isku xirka mashaariicda caafimaadka

Sama-reeb- Wasiir dawlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Axmed Mirre Faafaale ayaa Magaalada Sama-reeb ka daah-furtay shirka dib u eegista iyo isku xirka mashaariicda Caafimaadka Galmudug oo ay ka qayb galeen hay’addaha ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka, Nafaqada iyo fayadhowrka ee ka howlgala Deegaanada Galmudug.

Kulankan oo ay qayb ka yihiin Agaasimayaasha iyo agaasime waaxeedyada Wasaaradda ayaa dib loogu eegayaa wax qabadkii sanadkan sii idlaanaya ee arimaha Caafimaadka, Nafaqada iyo fayadhowrka, iyadoo la dul istaagayo culaysada jira iyo waxyaabaha aan wali wax laga qaban ee u baahan in lagu daro qorshaha sanadka soo socda ee 2021-da.

Wasiir Dowlada Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowlada Goboleedka Galmudug Axmed Mirre Faafaale ayaa tilmaamey in Wasaaradda iyo hey’addaha wadashaqeyntu kala dhaxeyso ay isla gorfeyn doonaan sidii looga gudbi lahaa dhammaan dib u dhacyada jira, iyadoo lagu saleynayo qiimeynta iyo qorshayaasha wasaaraddu ka sameysay arimahaasi.

Ku talagalka mashaariic badan oo la doonayey in lagu horumariyo adeegga caafimaadka deegaanada Galmudug ayaa dib u dhacay sababo la xiriira cudurka Covid-19 oo dhammaan caalamka oo dhan saameeyey.