Ingiriiska oo si rasmi ah uga baxay Midowga Yurub

Boqortooyada Midoowday ee dalka Ingiriiska ayaa xalay si rasmi ah uga baxday Midowgii Yurub,ka dib markii muddo  afar sano ah ka hor ay shacabka dalkaasi u codeeyeen in UK ay ka boxdo Midowga Yurub,

Habeenimadii xalay waxaa soo idlaaday 11 bilood oo ahaa waqtiga kala guurka,iyadoo sanadka cusub ee 2021-ka uu curtay UK oo banaanka ka joogta xeyndaabka midowga Yurub .

UK kama shaqeyn doonaan sharciyada Yurub ee ay 50 sano u hogaansameysay sida ganacsiga xorta ah, maxkamada Yurub ,iskaashiga amaanka iyo dhanka socdaalka oo dadka Yurub ka yimaada ay joogi kareen kana shaqeysan jireen UK iyagoo aan dal ku gal u baahneyn.

Ra’isulwasaaraha UK Boris Johnson ayaa sheegay in UK ay heysato xoriyadeeda ayna arimaheeda u sameysaneyso si ka duwan oo ka wanaagsan sidii hore.

UK waxay MIdowga Yurub  ku biirtay 1 Janaayo 1973,iyadoo dhinaca kale,Madaxweynaha faransiiska uu ka dhawaajiyay sheegay in UK ay ahaan doonto saaxiib iyo isbaheysi.